Qiso ku Taabaneysa!!!

Nin gaarigiisa dhalaashanaya, ayaa wiilkiisi 6 jirka ahaa dhagax intuu qaatay ku xariiqay dhinac gaariga ka mid ah. Ninki isagoo aad u careysan intuu wiilka gacantiisa soo qabtay ayuu dhawr jeer garaacay; Ma garawsan inuu la dhacayay Kiyaawe (baanad). Cusbitaalka marki la geeyay, wiilki waxa uu waayay dhamaan farihiisi maadaama ay meelo badan ka ja-jabeen. Wiilki markuu aabihii arkay, isagoo ilmeynaya ayuu ku yiri “Aabe faraheyga ma ii soo baxayaan?.
Ninki hadalki ayaa ka soo bixi waayay; wuxuu ku noqday gaarigiisi, laad ayuu la dhacay, isagoo ka argagaxsan ficiladiisa, wuxuu eegay meeshi wiilku dhagaxa ku xoqay; wiilki wuxuu ku qoray ‘Aabe waan ku Jeclahay’!
Naxdin darteed wadnihi ayaa istaagay.

Xanaaq dartii ayay dad badan u sameeyaan ficilo ay gadaal ka shalaayaan. Hubsiima la’aanta & fudeydka waa dhib aad u weyn.

W/Q: Farah Cawaash beeldaaje

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *