Qeybo Cunnada Ka Mid Ah Oo Ay Khubarada Caafimaadku Ku Dardaarmaan In Aan La Tuurin & Sababta

Hadii aad ka mid tahay dadka tuura diirka furuutka iyo jiridka khudradda waxaad khasaarinaysaa nafaqooyin muhiim ah oo uu jirkaagu u baahan yahay. Dadka badankoodu way cuni lahaayeen iniinyaha iyo diirka furuutka haddii ay ogaan lahaayeen faa’iidooyinka nafaqo ee ku jira.

Hadaba warbixintan waxaan ku soo qaadanaynaa 7 qeybood oo cunnada ka mid ah oo ay khubarada caafimaad cunnadu ku dardaarmaan in aan la tuurin ama la daadinin waxaana ka soo xiganay shabakadda Bold Sky ee arrimaha caafimaadka wax ka qorta.

Diirka baradhada:

Ma ogtahay in diirka sare ee baradhadu uu ka faaido badan yahay baradhada lafteeda? Hadaba baradhada ku karso diirkeeda, marka hore si fiican u mayr, biyo diirranna ku radi, kadibna iyadoo diirkeeda wadata ku karso cunnada. Diirka baradhada waxaa ku jira ku dhowaad kala bar faybarka laga helo baradhada. Waxaa kaloo ku jira kalsiyaam, fitamiinnada B, fitamiin C, xadiid iyo nafaqooyin kale.

Diirka basasha:

Diirka basasha guduudan waxaa aad ugu badan maadada “quercetin” oo ah maado la dagaallanta hurka ama balbalka, hoos u dhigta cadaadiska dhiigga, caafimaadka wadnahana xoojisa.

Cagaarka kaarootada:

Caleenta kaarootada waxaa ka buuxa kalsiyaam, magnesium, niacin, xadiid, zinc, fitamiinnada B, fitamiin K iyo walxaha jirka sunta ka saaro (antioxidants). Caleentani waxay faaido u leedahay la dagaallanka kansarka mindhicirrada ku dhaco iyo adkeynta lafaha.

Diirka qaraha:

Qeybta sare ee qaraha ee midab ahaan cadaanka iyo cagaarka ah waxaa laga helaa maado loo yaqaanno “citronella” taas oo kordhisa wareegga dhiigga, islamarkaana ballaarisa halbowleyaasha dhiigga, taas oo faaido u leh dhiig karka iyo sonkorowga. Diirka waxaad ku darsan kartaa oo cabiitaan aahaan aad ugu dhex shiidan kartaa muudka qaraha ee aynu inta badan cunno.

Iniinyaha qaraha:

Marka xiga ee aad cunayso qare, ha tufin iniinyaha maadaama ay ka faaido badan yihiin qaraha laftigiisa. Iniinyaha qarahu waxay hodan ku yihiin xadiid, zinc, copper, iyo magnesium, waxaa loo adeegsadaa in lagula tacaalo dhalma la’aanta, waxay uroon yihiin caafimaad wadnaha iyo caafimaadka maqaarka iyo timaha.

Diirka miraha kiwi:

Diirka miraha loo yaqaanno “kiwi” waxaa ku badan faybar, fitamiin C, walxo liddi ku ah kansarka iyo nafaqooyin kale. Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in maadooyinka sunsaarista ee laga helo miraha kiwi ay ku badan yihiin diirka.

Diirka liinta oranjada:

Qeybta dhexe ee caddaanka ah ee ku wareegsan oranjada muudkeeda waxaa ku badan faybar iyo walxaha jirka sunta ka saaro. Sida ay khubaradu cadeeyeen, qeybtaas caddaanka ah oo laga fiiqo waxay 30% yareynaysaa faybarkii ku jiray oranjada. Haddii aadan jeclayn dhadhanka qaraar, ku darso diirka oranjada cabitaannada kale.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *