Psychology Dabeecadaha Dadka: Maxay Dadka Ku Neceb Ay Kuu Neceb Yihiin?

1. Ma rabaan inaad ka badiso. Waxay u arkaan nolosha inay tartan tahay, Yaa caansan, yaa taajirsan, yaa saaxiibo badan, yaa qurxoon, yaa shaqo fiican. Waxay ka baqayaan inaad adigu ka dheereyso iyagana loo arko Faashil. Mar kasta oo aad ka dheereyso neceybkaa u sii siyaadaya.

2. Waxaad leedahay dabeecadaha dadku necbeystaan sida Bakheylnimo, isla weyni, kibir, Been badan, lugooyo, qaraabo goys, iwm.

3. Waxay u heystaan inaadan u qalmin heerka aad joogto. Ma eegayaan shaqada adag & dhibta aad halkan ku soo gaartay.

4. Ma hilmaami karaan wixi la soo dhaafay. Waxbaa idin dhex maray beri hore. Laga yaabee inaad isku fiicneydeen balse kala boodeen.

5. Ma heystaan wax kaloo wanaagsan oo Nolosha ay qabtaan. Waxay maareyn waayeen dhibkooda, waxay ka baqaan is bedelka. Laga yaabee inaysan adiga shaqsiyan ku necbayn balse ay sida iska yihiin.

6. Waa dad maseyr & xaasid badan. waxay rajeeyaan inaad soo dhacdo sababtoo ah waxay rabaan inaad weydo waxa aad heysato oo aysan heysan. Waxay nolosha u arkaan sidi zero-sum game. Waxay u arkaan hadii aad saaxiibo ama taageerayaal weydo inay iyagu qeyb helayaan.

7. Kuma faraxsana qeyb noloshooda ka mid ah. Way fashilmeen. Waxayna rabaan in qof kale la dareemo. Ma rabaan inay keligood dhintaan.

8. Waxay rabaan inay attention helaan. Waxa ugu badan ee ay ka baqaan waa aamusnaanta. Waxay dareemaan inay qof jira yihiin goortii codkooda aad maqasho. Ha u jawaabin. Hala murmin. Way ka sii helayaan keliya.

9. Laga yaabee inay Qabiilkaada iyo deegaankiina neceb yihiin!

10. Is fahan la’aan. Dad baa iyagoo qofki aqoon ama arkin iska necbeysta. Waxayna dhahaan “Jinigeygaa neceb” ama “waa iska sanifay”

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

beauty benefits of olive oil,

Beauty Benefits Of Olive Oil And Ways To Use It

Olive oil, often called “liquid gold,” has been celebrated for its numerous health and beauty …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *