Ogaal Uyeelo Waxa Maskaxda Ku Dhaca Biyo Baxa Kadib

Caafimaad miyaa ku jira biyo baxa? Cilmiga saynisku waxa uu leeyahay HAA.. Cilmi baarayaashu waxa ay ogaadeen in biya baxu u soo daayo hormoono kala duwan oo faa’ido u leh jirka iyo maskaxda.

Galmadu ma ahan keliya inay dareen fiican leedahay balse waxay kaloo u wanaagsan tahay caafimaadka. Raaxada jireed (galmada) waxay faa’ido u leedahay caafimaadka, waxay adkeysaa xiriirka lammaanaha, sidoo kalena waa jimicsi fudud oo guba kalooriska. Galmadu waxay kordhisaa qulqulka dhiigga ee jirka dhan waxay waxtar u leedahay wadnaha iyo maskaxdaba.

Hormoonnada galmada ee jirku uu soo daayo sida “oxytocin” iyo “endorphins” waxay ka shaqaysiiyaan xarumaha farxadda ee maskaxda sidoo kalena waxay kordhiyaan dareenka isu dhowaanshaha iyo kalgacalka ee lammaanaha. Oxytocin waa hormoon la xiriiriyo naxariista, kalsoonida iyo xiriir dhisidda.

Sidee galmadu u saamaysaa maskaxda?

Marka qofku uu kacsado, qulqulka dhiigga ee xubnaha taranka ayaa siyaada taas oo kicinaysa neerfaha (dareen-sideyaasha). Tani waxay sababaysaa in biyo baxuu uu kiciyo qeybo maskaxda ka mid ah sida qeybta ku shaqada leh dareenka (sensory), abaal-gudka iyo “frontal cortex” oo qaabilsan xusuusta dhow, dhugmada, luuqada iyo howlo kale muhiim ah.

Daraasad lagu daabacay joornoolka Dhimirka ee Yurub oo lagu baarayay kicinta dareensidaha “vagus nerve” iyo sida ay u daawayso niyad jabka. Sababtoo ah marka la kiciyo dareensidahaan wuxuu soo daayaa oxytocin, noradrenaline iyo serotonin -oo dhammaantood ah walxo kimikaad oo nidaamiya niyadda iyo hab-dhaqanka. Tani waxay yareysaa astaamaha niyad jabka iyo stress-ka.

Galmadu waxay siyaadisaa farxadda iyo dareenka xasiloonida. Biyo baxu wuxuu albaabka u furaa hormoonada farxadda ee aynu soo xusnay, wuxuuna kobciyaa shaqada maskaxda.

Biyo baxa laga hadlayo waa mid ku yimaada galmada lammaanaha isqaba, ma ahan midka siigeysiga la iskaga keeno. Siigaysashada iyadaa keento cillado ay ka mid yihiin dhibaatooyin nafsaani ah, aragtida indhaha oo daciif noqota, timaha oo daata, tabar yari iyo daal, dhabar xanuun iyo biyo bax deg deg ah.

Akhriso: Waxyaalaha Sababa Biyo Baxa Dhaqsada Ah Iyo Siyaabaha Loola Tacaalo

Akhriso: Waxyaabaha Dabiiciga Ah Ee Badiya Shahwada Ragga

Akhriso: Galmada Badan Waxaa Laga Helaa Faa’idooyinkaan!

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *