Muhiimada Vitamin D-gu U Leeyahay Dumarka Uurka Leh & Ilmaha Caloosha Ku Jira

Daraasad cusub oo Mareykan ah ayaa sheegtay in quudashada cuntooyinka hodanka ku ah vitamin “D”gu inta hooyadu uurka leedahay ay yarayso halista in carruurta ay haleelaan cudurada, neefta iyo xasaasiyada.

Cilmi baarayaal oo katirsan kuliyada dawada ee Mount Sinai ee dalka Maraykanka ayaa daraasad ay soo saareen ku sharaxay in vitamin “D”gu uu xiriir la leeyahay yaraynta halista haleelida xasaasiyada carruurta, taasoo lagu daabacay natiijooyinka daraasadooda majallada xasaasiyad iyo cilmiga habka difaaca.

Kooxdan cilmi baarayaasha ah ayaa waxa ay daraasad ku sameeyeen 1248 hooyooyin ah iyo carruurtooda dalka Maraykanka laga bilaabo saddexdii bilood ee ugu horeeyay ee uurka ilaa ilmuhu ka gaarayay 7 sannadood da’ahaan.

Cilmi baarayaashu waxa ay ogaadeen in badsashada quudashada cuntooyinkan inta hooyadu ay uurka leedahay uu xiriir ka dhexeeyo yaraynta xasaasiyada ilmaha “sanboor”ka, 20%.

Sanboorku waa nooc ka mid ah xasaasiyadda, waxana uu ka dhashaa waxyaabo kamid ah deegaanka dibadda, gaar ahaan dhogorta xayawaanka, boorka iyo caaryada,waxana qofku dareemaa ciriiri, sanka oo dareera/duuf iyo indhaha oo dareera.

Cilmibaarayaashaan ayaa waxa ay sheegeen in vitamin “D” gu kaalin muhiim ah uu ka ciyaaro joogtaynta nidaamka difaaca jirka iyo ka ilaalinta carruurta xiiqda iyo xasaasiyada, sidaa daraadeed waxa hooyooyin lagula taliyay in ay in badan quutaan cuntooyinka hodanka ku ah vitamin kan.

Cadceeda ayaa ah isha ugu horreeysa ee nabdoon ee ilaha vitamin kan,waxa ay siisa jirka baahidiisa oo uu ka helo shucaaca loo yaqaano (UV rays/ ultraviolet) oo lagama maarmaan u ah soo saarista vitamin kan, waxana dhici karta in uu kaga filnaado qofka seegitaanka cuntooyinka barkood, sida kalluunka dufanka leh sida salmon ka, sardine ka, toonta, saliida kalluunka, beerka lo’da iyo ukunta, ama qaadashada kiniinka fitamiinada ah qudhooda oo laga helo farmasiiyada.

Xigasho: Anatolia

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *