Muhiimada Nolosha Gabadha

Marka ugu horeeysa waxaa jirta sababo uu allah noo abuuray dunidana noo keenay sida eebe weeyne qur’aankiisa ku dhahay suurah al-daariyaat:

(Uma abuurin jinni iyo dadkaba ilaa in ay aniga I caabudaan ma ahane.)

Waxaa jira dad aan fahmin ujeedada iyo maqsadka loo aburay oo isku mashquuliyo naftooda waxyaabo aan loo baahneyn waqtigoodana ku lumiyo, sida in ay noloshooda ku xiraan qof kale noloshiisa.

Hadafka noloshaada waa ka qara weeyn yahay in qof aad is raaciso ama isku xerto, in aad naftaada hormariso oo aad meel iska soo saarto waa wax aaad muhiim u ah inta aad nooshahay iyo marka aad dhimataba.

Hormarinta nafta waxa ay kaa caawineeysa in ay kuu fududaadaan waxyaabo badan oo nolosha ku saabsan sida fahamka nolosha, in aad si sax ah u fahamto waxyaabaha nolosha ku hareereeysan.
Siyaabo aad noloshaada uga dhigi karto mid hagaagsan oo waaqica ku saleeysan:-

  • Marka hore garo sababta aad u nooshahay
  • Isku xir allah SWC oo ilaali cibaadaadka waajibka kugu ah ee lagu faray.
  • Muhiimada koowaad iyo mida labaadba sii raali gelinta allah.
  • Hormari naftaada oo ku dadaal in aad waxbarato diini iyo maadiba.
  • Hadaf cad ka lahaaw nolosha si aad u xaqiijiso gaaritaankiisa.
    Sirta sii socoshada nolosha si dagan
    Tani waxa ay kaa caawin doontaa in caqabad walbaa aad si fudud uga gudubto oo aysan saameeyn kugu reebin dhacdooyinka nolosha ku soo maraayo maadaama ay noloshu wajiyo badan tahay. Waxa ay sirtaana qaacido ah (Aqbalaad) in aad aqbasho wax walba sida ay u dhacayaan qadarta rabna aad aaminsan tahay noloshu waxa ay kuu noqoneeysaa mid fudud oo wel wel la.aan ah.

Waxa aan arkay gabdho badan oo hadafyadoodii nolosha u iloobay nin ay jeclaatay dartiisa, gabadh yahay ogoow dunidan qof qof kale u nooli dunida tan ma jirto ee u nooloow naftaada oo qof ahaantaada ku kalsooni qab oo u jeedooyinkaaga meel mari.

Qofkan aad shalay is barateen bariba waad kala tegi kartaan la.aantiisa marki horeba waad soo nooleeyd hadeerna waad noolaan kartaa asaga la.aantiisa.

Hadii aad dooneeysid gabadh yahay in aad noqoto qof la jecel yahay marka ugu horeeysa kalsooni ku qab naftaada, sido kale waxa aad hormarisaa heerkaaga waxbarasho hubaal markaas waxa aad noqoneeysaa qof muhiimad leh oo adiga ayaa noqon doono qofka noloshiisa loo baahanayo ee adiga ma ahan qofka dadka u baahanayo.

W:Q:- Shugri Abdisalam

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *