Maxaad Ka Taqaan Faa’iidooyinka Garka?

Faa’iidooyinka Garka

1. Garku waa Sunne.

2. Garku wuxuu muujiyaa qaangaarnimo

3. Garku wuxuu muujiyaa Awood iyo mas’uuliyad in uu qofku leeyahay

4. Garku wuxuu kaa dhigaa in Ragga kale ku xushmeeyaan gaar ahaan kuwa aan Garka lahayn

5. Garku wuxuu muujiyaa Caaqilnimo, maskax furnaan. Ragga Garka leh faraha gacantooda ayay gacanta ku kala bixiyaan marka ay aad u fakirayaan ama arrin adag ka baaraan-degayaan, taasoo ka dhigeysa in ay aad u caqli badan yihiin una maskax furan yihiin. Kuwa aan garka lahayn dhabanka aday gacanta saaraan taasoo ka dhigeysa in ay yaaban yihiin.

6. Garku wuxuu muujiyaa dulqaad. Koriimada garka ma sahlana. Waa in aad sabur badan u yeelataa cun-cunka hore iyo xiirida badan si uu si fiican kuugu soo baxo, waana tan iminka aan aniguba sameeyo maadaama aan Gar weyn la baxayo!

7. Garku wuxuu kaa diiriyaa dhaxanta iyo barafka, Saynisyahaniin baa sheegay In ragga Garka leh ay qabowga badan u adkeysi badan yihiin

8. Garku wuxuu qariyaa cillado badan sida weji dhuuban hadaa leedahay, nabro yar yar, xagtin, finan, iwm

9. Garku waa caafimaad. Tani waa Xaqiiq, waana wax daraasado badan isku raaceen halkana aan lagu soo koobi karin

10. Garku wuxuu leeyahay soo jiidasho. Haddii aad rabto in aad guursato ama Xaas xiriir raaga idin dhex maro, waa in aad Gar weyn la baxdaa! Sida laga soo xigtay Saynisyahano. Daraasad ay sameeyeen Cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacada Queensland, Australia ayaa waxay ku sheegeen in Xaasku ay soo jiidasho badan ka hesho ninka Garka leh. Sidoo kale in ninku leeyahay Gar waxay inta badan dhaxalsiisaa xiriir raaga oo xaga guurkiisa ah.
Soomaalina horay ayay u tiri, “Gabari Kun bay Shawrisaa, kan Garka lehna way kala baxdaa”

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *