Maxaa ka Taqaan sirta ku xeeran guurka farxadda leh ee Guuleystay!?

Nin cilmi baaris sameynayay ayaa wuxuu weydiiyay nin oday ah waa maxay sirta ka dambeysa farxada guurkiina?

Odaygi, “Waa inaad mas’uuliyada u wadaagtaan si kalgacal & xushmadi ku dheehan tahay ka dibna wax dhibaato ah ma dhaceyso. Ninki ayaa weydiiyay, “Ma ii sharixi kartaa?” Odaygi, “Gurigeena, waxaan qaataa go’aanada arrimaha waaweyn halka xaaskeygu ay go’aamiso arrimaha yar-yar. Go’aankeena iskuma fara gashano.”
Ninki, “I sii tusaale”

Odaygi, “Arrimaha yar-yar sida gaarigee soo iibsanaa, intee lacag keydsanaa, Nooca alaabta jiifka, fadhiga, qaboojiyaha AC, talaagada la soo iibinayo, kharashka bisha, adeegto in loo baahan yahay & in kale, intaaba waxaa go’aansada xaaskeyga, aniguna waa ku waafaqaa”

Ninki isagoo yaaban oo is leh maxaa isaga u haray, ayuu weydiiyay, “Adiguna waa maxay kaalintaada?”

Odaygi, “Go’aamadeydu aniga waa arrimaha waaweyn sida Sacuudiga xaalada ka taagan halka ay ku dambeyn doonto. North Korea Nuclear-keeda sida laga yeelayo si looga baaqdo Dagaal saddexaad. Falastiin ma noqon doontaa Dowlad rasmi ah. Sidee Qaranimada Somalia looga badbaadin karaa qarax & qabyaalad. Sida dhaqaalaha Africa loo kobcin karo. Qaxootiga Soomaalida ee Aduunka ku yaacsan sidee dib loogu celin karaa Dalkoodi. Marka Arrimaha waaweyn ee banaanka ayaan ka shaqeeyaa, iyaduna arrimaha yar yar ee guriga. Qof kasta shaqadiisa ayuu ku mashquulaa. Xaaskeyguna marnaba kama hortimaado arrimahan midkoodna.”

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *