Marka Aad Baradhada Diirka Ka Dhilayso Haka Wada Dhammayn Si Aad U Hesho Faa’idooyinkan

Dad badan ayaa baradhada jecel, gaar ahaan marka ay u samaysan tahay qaabka ah faraha oo shiilan afka qalaadna lau magacaabo jibiska (Chips), gaar ahaan waxaa jecel carruurta oo si gaar ah uga hela qaabka ay afka ugu dhex burburto. Marka ay dhinaca faa’idada noqotana khubarada caafimaadka cuntadu iskuma khilaafsana in baradhada ay leedahay faa’idooyin aad u tiro badan, laakiin waxa ay dad badani ma’oogan yihiin in diirka sare ee baradhada laga dhilo ay ku jiraan faa’idooyin badan oo caafimaad.

Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Al-carabiya waxa aynu ku eegaynaa faa’idooyinkaas caafimaad ee jidhku uu ka helo baradhada, kuwaas oo ah:

1. Diirka sare ee baradhadu waxa uu hodan ku yahay maadadda Bootaasiyaamta oo lagu tiriyo macdanaha ugu muhiimsan ee jidhku u baahan yahay, gaar ahaan marka laga hadlayo xoojinta hab-dhiska neerfaha ee jidhka.

2. Diirka sare ee baradhadu waxa uu hodan ku yahay faytamiinnada lagu maacaabo Niacin oo hab-dhisma neerfayaashu aanu uga maarmin shaqadiisa, gaar ahaan faytamiinka B3 oo shaqadiisa koowaad ay tahay in uu Carbohydrate ka u beddelo tamar, si uu Niacin ta ug caawiyo in ay tamarta wada gaadhsiiso unugyada jidhka oo dhan. Isla markaasna waxa uu Faytamiinkani caawiyaa dhowrtaysia iyo korodhka unuyada dhiigga iyo bad-qabkooda, waxa kale oo uu kor u qaadaa caafimaadka wadnaha, waxa uu ilaaliyaa kalastaroolka oo uu ku hayo heer fiican.

3. Diirka baradhada oo la cunaa waxa uu jidhka siiyaa baahidiisa dhinaca barootiinta, Faytamiinnada iyo Carbohydrate ka.

4. Cunista diirka baradhadu waxa uu xoojiyaa shaqada dheefshiidka.

5. Diirka baradhadu waxa uu yareeyaa nuugitaanka uu jidhku nuugayo Guluukoosta (Glucose) baradhada lafteeda ku jirta, sidaa awgeed waxa uu yareeyaa in cunista baradhadu ay kordhiso macaanka dhiigga.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *