Make Up-ka Iyo Midabka Hablaha Soomaaliyeed

Gabdhaha soomaliyeed oo u dhashay qurux iyo midab dabiici ah, ahna kuwa ugu quruxda badan marka lagu qiimeeyo haweenka kale ee geeska Africa iyo aduunkaba, ayaa aad u jecel inay muujiyaan oo soo ban dhigaan sifaha quruxdooda qarsoon.

Inkastoo lakala badsado, hablaha qaarna ku dheer yihiin la socodka waxa cusub iyo xaragada sanad walba (yearly fashion trends), hadana waxay dhamaan isku raaceen iibsiga waxyaalaha dabiiciga ah ee aan jidhka wax yeelin (natural based products), iyagoo ka gaadha faa’iidooyin kala duwan sida; dhalaalinta iyo qurxinta midabkooda, la dagaalanka xasaasiyada, ka hortaga gebowga degdega ah (premature aging) iyo isbedelada kala duwan ee jawiga la xiriira.

Halka haweenka dalalka hore u maray aad u isticmaalaan kiriimo iyo midabo kala duwan siday u gaadhaan u jeedadaasi, waxa soo baxa sanad kasta midabo iyo habab kala duwan oo dumarku isku qurxiyaan taaso la jaan qaada lana socda is bedelka xaragada ee cusub.

Inkastoo gabdhaha soomaliyeed aad u xiiseeyaan mikyaajka hadana waxa dhaba ah in wadamada laga soo waarido alaabooyinkaas, in haweenkoodu inaga midab duwan yihiin, oo ka maqaar cad yihiin soomalida, ayaa hablo badan oo soomaliyeed iyaguna isticmaalaan midabo badan oo ku habooneyn ama ku soo bixi karin diirkeena madow. Iyadoo dhibaatadaasi jirto, walina aynaan gaadhin isku filnaansho aan kaga kaftoomi karno soo waaridida mikyaajkaasi waxa lagama maarmaan ah, inaan jawaab u helo isu dheeli tirka midabkeena iyo waxa inagu haboon.

Inkastoo dookhu jiro, hablaha qaarna jecelyihiin yaraysiga ama badsashada mikyaajka (makeup) caado ahaan,  mikiyaajku waxa uu leeyahay wakhtiyo iyo habab u kala gaara oo mararka qaarkood ay haboon tahay yareysiga marsashadiisu, sida subaxii iyo duhurkii in la yareysto wixii ka danbeeya 5 galabnimona ay banaantahay badsashadiisu (sida hadaad xaflad tageyso).

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *