Ma taqaan sirta ka dambaysa salaanta Hitler?!

[Salaanta Hitler waa astaanta ??u daacad-noqoshada hoggaamiyihii Naasigii Jarmalka]

Hitler wuxuu lahaa hoggaamin gaar ah, oo u saamaxday in uu xukumo dhammaan jamaahiirtiisii, wuxuu lahaa muuqaal haybad leh oo soo jiita daawadayaashiisa, isla markaasna cabsi gelinayay qalbiyadooda, dhammaanteenna waxaan milicsannaa salaantii gaarka ahayd ee la samayn jiray xilligii Naasiyiintii Jarmalka. Haddaba, waa maxay sirta salaantu? Maxayse tahay sababta loo sameeyay?.

“Salaanta Nazi” ama “Salaanta Hitler” waa ereyo kala duwan, ujeedkuna waa isku mid: “Salaan hogaamiyaha Naasiyadda Jarmalka, Adolf Hitler, iyo xurmayntiisa ama weynayntiisa.” Salaanta Hitler ama salaanta Nazi waxay ahayd astaan loo adeegsaday salaanta rasmiga ah ee Naasigii Jarmalka.

Qofka doonaya in uu guto salaanta Hitler, waa in uu gacantiisa midig hawada sare u fidiyaa, isaga oo toosinaya, ka dibna uu gutaa salaanta isaga oo leh “Heil Hitler” oo macnaheedu yahay “Hitler ha noolaado”, ama “Heil Führer” oo macnaheedu yahay “Hogaamiyahaygu ha noolaado.” Salaantaasna waxaa qaatay Xisbigii Nazi-ga guud ahaan, si uu u muujiyo u hogaansamidda iyo u daacadnimada hogaamiyihii Hitler, iyo waliba weyneynta qaranka Jarmalka, iyo dadaalka Jarmalka ee dagaalka. Salaantu waxay ahayd mid khasab ku ah dadka rayidka ah, laakiin waxay ahayd mid doonitaan ku xiran dhanka millatariga, oo ilaaliyay salaantaas illaa ku dhowaadkii isku daygii dilkii Hitler ee 1944kii.

Asalka salaanta Hitler.


Salaanta afka ah ee Jarmal “Heil” waxay caan ka dhex noqotay dhaqdhaqaaqii qaran ee Jarmalka 1900. Waxaa la rumeysan yahay in salaantu ay xididdo ugu aasan yihiin caadooyinkii iyo dhaqammadii Roomaanka. Deyrtii 1923dii, xubnihii Xisbiga Naasiyiinta waxay adeegsadeen gacanta midig si ay si xoog ah ugu salaamaan Taliye Hitler, isaguna [Hitler] isaga oo muujinaya sida uu u aqbalay salaantii, ayuu kor u taagay gacantiisa midig, isagoo waxyar goday suxulkiisa midig.

Sanadkii 1926kii, salaantii Hitler waxay noqotay khasab. Waxaana loo adeegsaday u hogaansanaanta mabaadi’da Xisbiga Naasiga. Salaanta wallow ay ka horyimaadeen xubnahii xisbiga oo dooddoodu daarranayd [Salaantani asal ahaan in ay Roman kasoo jeeddo, taas oo uu adeegsan jiray Fashiistihii Talyaaniga] sidaa darteed xisbigu wuxuu raadiyay oo ka shaqeeyay in uu abuuro dhaqdhaqaaq dhab ah.

Haddii qofku ka naafoobo gacanta midig, wuxuu kor u qaadi karayey gacantiisa bidix. Salaanta “Heil, Mein Führer” oo ah [Hitler ha noolaado] waxay ahayd mid si toos ah loogu salaamayey Hitler, halka “Sieg Heil” “Guushu ha noolaato” ay ahayd hal-kudhig ay ku celceliyaan dadweynaha ka soo qayb gala munaasabadaha dadweynaha. Halka farriimaha wada xiriirka ay waajib ahayd in ay ku jiraan [With German regards] “La jirka salaanta Jarmalka ” ama “Heil Hitler” [Hitler ha noolaado]. Xilligii Naasiyiinta, waraaqaha rasmiga ah ee dowladda waxa khasab ahayd in lagu saxiixo “Nooloow hoggaamiyahaygiiyow.”

Hitler labo hab ayuu u samayn jiray salaantii Naaziiga;

Markuu la kulmo xoogagga ciidanka ama dadka badan [Jamaahiirta], wuxuuna sameyn jiray salaan milateri oo adag.

Shakhsiyaadka markay kulmaanna wuxuu laabi jiray gacanta midig, wuxuuna gacantiisa u furi jiray dhanka dadka, isaga oo garabka kor u taagaya.

Maanta, neo-Nazis [Naasiyiinta cusub] waxay adeegsadaan salaantaas, oo ah dhaqdhaqaaq qeexaya xagjirnimamada, cunsuriyadda, siyaasadda, iyo aydaloojiyadda Nazism-ka, sidoo kale waxa loo yaqaan neo-fascism [Faashiistaha cusub]. Waxayna la socotaa [salaantaasi] himilooyinkii dhaqdhaqaaqii Naasiyiinta, iyo mabaadi’diisii ??uu hoggaaminayey Adolf Hitler, kuna saleysnaa cadaawadda qof kasta oo aan caddaan ahayn, oo Yurub ka dhex shaqeeya.

W/Q: Shabakadda Abu Nawwaf
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan

Tixraaca maqaalka:

www.maktaba-amma.com/?p=10391

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *