Ma jiraa micnaha farqi u dhaxeeya Jaceyl iyo Guur?

Si fahamka aad uu inoogu sarreeyo ayaan jecleystay in aan idinla wadaago Sheeko ku saabsan mowduuca. sheekada waxey dhexmereysaa macallin iyo arddaydiisa.

Macallin ayaa soo galay fasal ay ku jiraan arday kor u dhaaftay 40. wuxuu ahaa macallinka suugaanta. waxey ka codsadeen ardayda in uu si kooban ugu sharraxo micnaha ama haddii uu jiro wax farqi ah oo u dhaxeeya Guur iyo Jaceyl. Macallinkii ayaa ayaa yiri “si aan ugu jawaabo su’aashiina waxaan doonayaa in aad marka hore dhamaantiin tagtaan beer aan ka fogeyn iskuulka, beerta waxaa ku yiilay sarreen ( QAMADI ) wuxuu macallinkii ku amray arddayda in qof kastaa uu soo xusho xabadda ugu weyn sarreenka kadibna ku soo noqdo fasalka.

laakiin ayuu yiri hal shuruud waana sharci ayuu yiri” Waxaad dhexgeleysaan beerta meesha aad martay kuma soo noqoneysid calaamadso xabadda kuugu weyn ee aad aragtay waxaad heysataa 10 daqiiqo. yaaca oo gala beerta waqtiga wuu bilowday.

Ardaydii ayaa galay beertii qof kastaa wuxuu raacay hadba safkii ku beegnaa, arday walbaa wuxuu arkaa xabad weyn, haddana wuxuu is yiraa bal safka ku sii soco laga yaabee in aad mid ka sii weyn hesho. midba mid ayaa kala weynaada. markii ay seddex meelood hal meel kaliya u harsan tahay ayey is yiraahdeen malaha kuwii aad markii hore soo marteen ayaaba waa weynaa laakiin kuma noqon karaan weyna shallaayaan. 

Macallnka wuxuu eegayaa saacadda waxaana dhamaatay 10kii daqiiqo iyagoon waxba calaamadsan oo wada dawaqsan ( wareersan ). wuxuuna u yeeray arddaydii in fasalka soo wada fariistaan. waxaa hadlay macalinkii wuxuuna yiri waxaad i weydiiseen su’aal ah guurka iyo jaceylka ma jiraan wax farqi ah oo u dhaxeeya? markaa ayey wadajir u yiraahdeen haaa macallin. haddaba waa tan jawaabtiinii…………..

Macalinkii ayaa ardaydii ugu jawaabay,waxaan u kala saarayaa laba qeybood waxaan ku hormarayaa tan JACEYLKA jawaabtuna waa howshii aad hadda soo qabateen ee ku saabsanaa SARREENKA “Taasi waa JACEYL… maxaa yeelay waxaad raadineyseen midka ugu wanaagsan uguna weyn xabadda sarreenka ah laakiin ogow midkii saxda ahaa waad la weyday. adiga oo doondoonayaa midka aad aragtay mid ka sii weyn….’

Arddaydii ayaa ku celiyay macallinkii haddii jaceyl uu kaa yahay guurkiina ka waran?

Macallinkii ayaa yiri, si aan ugu jawaabo su’aashiina mar kale ayaan idin dirayaa beer kale oo aan aheyn tii hadda aad tagteen ee ina keena. waxey tageen beer uu ka baxayay dalaga GALLEYDA. “gala beertan oo ka soo xulo midka kuugu weyn dabadeed soo calaamadso kadibna soo laabo hana iloobina sharciga waa kii hore 10 daqiiqo iyo in

meesha aad marto aadan ku soo noqon karin. waqtiga wuu bilowday gala beerta.

Arddaydii ayaa galay beerta, laakiin xilligan waa ka duwan yahay kii hore qof kastaa mid ayuu doortay wuuna calaamadsaday iyadoo ka fogaanayaa in qaladkii hore ay galaan, markii waqtiga uu macalinka qabtay ee ahaa 10ka daqiiqo inta uusan dhamaan qof kasta wuu heystay xabaddiisii waxeyna ku soo noqdeen fasalkii iyagoo faraxsan. Macallinkii ayaa yiri hayeh qof kastaa mid ma soo xushay? Haaa ayey yiraahdeen.

“TANI WAA GUUR….’ maxaa yeelay qof kasta doorashadisii wu sameystay waxaad eegatay mid weyn oo wanaagsan, adiga oo uu iimaankaada iyo rumeyntaada u arka in midkii saxda ahaa aad calaamadsatay. markale haddii aan ku celiyo beerta hore waa JACEYL beerta dambena waa GUUR haddaba waad fahamteen farqiga u kala dhaxeeya Jaceyl iyo Guur.

DHAMAAD

W/Q Siciid Xagaa afrax.

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *