Ma Doonaysaa Inaad Qurux Badnaato? Talooyin Muhiim Ah

-Badso dhoolo cadaynta & salaanta, wajiga ayey u fiicantahay waxayna wajiga ka ilaalisaa coodhcoodhka iyo gabowga.

-Iskajir walwalka badan iyo israacinta aduunyada, waayo qalbiga ayaa ku daalaya, jidhkana wuu cunaa, raadkiisuna korkaaga ayuu kasoo baxayaa.

-Ka fogow xanta, diraadiraanimada, si aad si aad acsaabtaada ( neerfahaaga ) ugu raaxayso, marka neerfahaagu raaxaystaana korkaagu wuu nuuri doonaa. Bal ufiirso saaxiibada xanta ama diraadiraaga badani wajigeeda marka ay wax xamanayso ama wax isku dirayso sida uu u eegyahay.

-Badso salaadaha sunaha’ah, gaar ahaan salaada habeenkii ( salatu laylka ) wajigaagu wuu wanaagsanaan doonaa.

-Badso ducada iyo cibaabada Illaahay ” Xumaanoodhan ka nasahnaaye ” qurux dheeraada ayuu ku siin doonaaye.

-Hagaaji qalbigaaga ( wadnahaaga ) waayo qalbigaagu waa boqorka xubnahaaga. Waxyaalaha xun xun oo dhan kasaar, marka uu qalbigaagu sifoobo korkaaguna wuu sifoobi doonaaye.

-Badso Sadaqada si farxadaadu u badato, haday farxadaadu badato korkaaga ayaadka dareemi.

-Iskajir inaad xaasid noqoto, xasadku gudaha jidhka ayuu u gubaa sida dabku u gubo xaabada.

-Iskuday inaad dar Illaah u ooydo, oohintu jidhka waxay kasoo saartaa sun farabadan, naftana waxay ka khafiifisaa cadaadiska Hammiga, Walwalka iyo Qammiga.

-Xasuuso nimcooyinka Allaah ” Xumaanoodhan ka nasahnaaye ” uu ku siiyey, badina mahad naqa Rabbi ” Xumaan oo dhan ka nasahnaaye ”

-Ka farxi dadka kugu hareeraysan, ehelka, asxaabta, dariska, caruurta, iyo dadka taagta daran.

-Akhriso Qur’aanka, si naftaada iyo wajigaaguba u nuuraan.

-Badso waysada, waayo waysadu nadaafad dheeraada ayey u tahay dubka ( maqaarka ) iyo jidhka guud’ahaanba.

-Kunadiifi wajigaaga waxyaabaha dabiiciga ah 2 ilaa 3 jeer usbuucii.

-Jimicso ama soco si joogto ah

-Iskajir cawayska iyo soojeedka badan

-Badso cunida khudaarta iyo kaluunka

W/Q: Faadumo Sheekh Ibraahim Cadde

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *