Lugaha Ha Isa Saarin Marka Aad Fadhido, Ogowna Sababta Caafimaad Ee Diidaysa

Dad badan oo weliba sida tirkoobyadu muujinayaan dumar u badan ayaa markaa ay fadhiistaan lugaha is saarta. Iyaga oo u arka in ay tahay hab quruxsan aadna u soo jiidanaysa indhaha. Qaabfadhigan quruxda laga raadiyo ayaa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in uu khatar ku yahay caafimaadka qofka.

Qormadan oo aynu Afsoomaali u rognay waxa ay soo bandhigaysaa qaar ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee la sheegay in laga qaadi karo fadhiga cagaha la is dul saaro:

Xididka:

Waxa uu dhaawaca neerfaha dhabarka illaa suulka lugta xidhiidhsan ee keena waxa aynu u naqaanno xididka, dadka qaabkan u fadhiista, gaar ahaan dumarkana waxaa lagu arkaa in uu xidid qabto.

Dhiigga oo kaca:

Qaab-fadhiga labada lugood oo is weydaarsan la is-dul-dhigaa waxa ay kor u qaaddaa cadaadiska wareegga dhiigga ee jidhka oo dhan, waxa aana dhacda in qofka oo xitaa aan dhiigkar lahayn, haddana lagu arko in uu dhiiggiisu kor u kacay.

Baadhitaanno caafimaad oo arrintan lagu hubiyey ayaa muujiyeyin fadhigan sababo in dhiiggu si xawli ah u wareego, xawaare iyo xaddi ka badan inta dabiiciga ahna ku gaadho wadnaha.

Isu dheellitiranaanta miskaha oo lunta:

Qaab-fadhiisiga cago is-dul-saarku waxa uu lumiyaa isu-dheelli-tirnaanta miskaha, haddii qofku muddo caadaystana waxa uu aakhrika dareemaa in labadiisa lugood kala dheeraadeen, oo socodkiisu aanu isu miisaannayn. Sababtuna waa fadhigan oo la badsado ayaa keenta in muruqa cagta hoose oo urura iyo cagta sare oo muruqeedu weynaado, aakhirkanawaxa  ay keenaysaa in ay dhaawacmaan, neerfayaashu, isu dheelli tirnaantuna ka lunto miskaha, waxa kale oo qofka lagu arki karaa qoorta oo xanuunta.

Halbawlayaasha dhiigga oo ballaadhan:

Qofka oo muddo caadaysta qaab-fadhiga ah in lugaha mid ta kale la dul saaro waxa keentaa khatarta ah in ay ballaadhaan halbawlayaasha dhiigga ee lugta oo ah xaaladda afka qalaad lagu yidhaahdo, ‘Varicose Vein’ in kasta oo ay xaaladdani aalaaba ku timaaddo hidde, haddana waxa ay khubarada caafimaadku caddeeyeen in lugta oo lugta la dul saaraa ay cadaadis kukeento halbawlayaasha, taasina ku keento bukaan, sababaya in wareeggii dhiigga ee lugta soo gaadhayey oo aad u yaraada, waxa aana xigaya in ay daciifaan halbawlayaasha. Dadka xaaladdani ku dhacdo waxaa lagu cagta oo ay xididdada dhiiggu si aan caadi ahayn meelo kala duwan ka soo kuusmo, iyo gashiimo dhiig ah oo yaryar oo lagu arko labada lugood.

Dhabarka oo soo xoodma:

Ugu dambayntii waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in haddii qofku muddo 3 saac iyo ka badan u fadhiyo qaab-fadhiga sawirka ka muuqda ee ah in labada lugood la is dul saaro, waxaa dhacda in dhabarku uu soo xoodmo, iyo in dhabarka intiisa hoose xanuun bada yeelato, sidoo kale waxa uu qofku isku arkaa raqabad xanuun.

Khubaradu waxa ay sheegeen in lugaha oo la is-dul-saaraa aanay u fiicnayn si guudba caafimaadka qofka si gaar ahna dumarka.

Kamaal Marjaan

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *