Labadaan Qofnimo Midkee Baad Leedahay?

Qof baa jira ay maalintiisu waaberiga la bilaabato, waxa aanu caado u leeyahay in uu subaxnimada hore shaqo badan qabsado, halka mid kalana aanu waagiisuba beryin illaa ay barqo dheer noqoto, habeenkiina uu yahay waqtiga uu shaqada ugu badan qabsado.

Arrintani abuur (Bayooloji) iyo la qabsi (Caado) midda ay tahay muran baa ka jira, laakiin waxaa la isku waafaqsanyahay in ay mid kastaa gaarkeeda dhib iyo dheefba leedahay, midka kula fiicanna adiga iyo cidda aad talada ka qaadato ayaa go’aamin doona.

1. FIID SEEXASHO:

Waa qof ay dhaqan u tahay in uu goor hore seexdo, aroorta horeana soo kaco. Subaxnimada hore ayaa ah waqtigiisa ugu fiican ee shaqada Haddaba, mid kastaa dhib iyo dheef waxa uu leeyahay hoos ka daalaco:

DHEEFTA FIID SEEXADKA:

  • Caafimaad wanaag,
  • In uu tamar iyo maskax soo jeedda u helo ka midho dhalinta shaqadiisa.
  • In ay isu dheellitirmaan saacadihiisa shaqada iyo noloshiisa kale.

DHIBTIISA:

  • In uu goor hore maalinta ahba tamar beelo ama daalo.
  • Suurtagalnimada in warwarka iyo sakatigu ku bataan.
  • In ay hoos u dhacaan galaangalkiisa bulsho iyo xidhiidhada uu la leeyahay.

2. HABEEN SHAQAYNTA

Waa qofka oo habeenkii goor dambe seexda, shaqadiisa iyo hawlaha u yaallana si firfircooni ah u qabsan kara saacadaha dambe ee habeenkii.

DHEEFTA HABEEN SHAQAYNTA

  • Waxsoosaarkiisa shaqada oo ka badan qofka goor hore seexashada yaqaan.
  • Awood dheeraad ah oo uu u leeyahay in uu shaqadiisa u guto si farshaxan iyo hal-abuurnimo ku dhaahantahay.
  • Dhugmadiisa iyo u fiiradiisa oo ka dheer, kana furfuran inta qofka kale.

DHIBTIISA

• Isticmaalkiisa isticmaalka dawooyinka firfircoonida iyo baraarujinta jidhka iyo maskaxda oo ku bata, taasina khatar ku tahay caafimaadka.

• Xaaladaha caafimaad darro ee hurdo la’aanta oo uu isku arko.

• Suurtgalnimada in ay ku bataan isku buuqa iyo niyadjabku.

FG:

Dhinaca laga eegay waa waxsoosaarka shaqada oo keliya, dhinaca caafimaadka se dhakhaatiirtu iskuma diiddana in habeen shaqayntu ay u darantahay caafimaadka.

-Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *