Ku: Xaaskayga: Cabashooyin

Fariimo jaceyl, dhambaalWaxay ku socotaa adiga haa adiga . adiga xaaskayga qaaliga ah .aana jeclahay. waa qoraal yar oo aan ugu talagalay inan kugu xariiqo cabashoyin badan oo aan kaa tirsanayo. kuwasoo aad igu hayso.koobsadayna amar diido xadgudub.isbdelo jira kuwasoo kaa soo muuqda beryahaan danbe adoon is ogayn.

-taasoo i sababtay marar badan welwel cirrina galisay raaxadayda. igana qaaday degananshihii aan ka heli jirey nolsoheena xaas ahaaneed, kuuguma qoraayo cabshadaan waxaan ka ahayn inan ku xususiyo kuna tuso , taasna waxay iga tahay inan isku kaashano wanaaga iyo taqwada

-taasoo i sababtay marar badan welwel cirrina galisay raaxadayda. igana qaaday degananshihii aan ka heli jirey nolsoheena xaas ahaaneed, kuuguma qoraayo cabshadaan waxaan ka ahayn inan ku xususiyo kuna tuso , taasna waxay iga tahay inan isku kaashano wanaaga iyo taqwada

Xaaskaygii aan jeclaayeey meeyay xaqaygii aan kugu lahaa ee ahaa inaa i adeecdo wixiii wanaaga, waayadaan danbe waxaan kaa arkaa madax adeyg waxaan arkaa inan rayi ku lahayn xagaga, mana arko qawaamadaydi iyo mas.uuliyadaydii inay qalbigaga meel ku leedahay, waaba sidii iyadoon lagu amrin daacadayda sharciguna kugu boorin , sow ma ogid taan jeclaayeey daacadyda waxan macsi Rabbi ahayn inaad ku helayso jano iyo raaali ahanshaha Rabbi.

-Markaan ku xususinayo inaa i adeecdo maaha inan rabo inan ku dhibo. mana aha inan rabo inan rayigayga kugu qasbo iyo waxadan xamili karin marna sidaa ha moodin hana ku fekerin taas , maslaxadeena iyo maslaxda gurigena uun weeye waxan rabo ogowna sidaa xaq iigu ledahay inan ana xaq kaala mida kugu leeyahay.daryeelmagazine.com Ogow sowjadaydii qaaliga ahaydeey inAllah uusan u sharciyaynayn umadiisa waxaan wanaag u ahayn diintooda iyo aduunkoodaba, markuu ninka qawamada iyo masuuliyada sareyna isagaa og qofka ku haboonmas.uuliyadaa adagkana soo bixi kara hana ilaawin kuwa aayadu shegtay ee Qaanitaatka la yiri waa kuwa adeeca nimankooda wixii wanaaga

-Waxaan kaloo kugu arkaa beryahan danbe qanaaco la,aan wajigaga ka muuqata waxan ku arkaa inaadan raali ku ahayn mustawaha nolosheena mucamaladada waa caro joogto ah kaama muuqato raali ahansho. kor baad eegaysaa had iyo jeer. cabashadadii baa badatay waxad u aragtaa wxiii badnaa wax yar kuwa kaa hooseya ma egaysidwaxad eegtaa kuwa kaa sareeya uun. taasna waa dadaal xaqiran . aadna ku dhadhaminayn liibaanta wada noolaanshuhuna uusan macaanaanayn. . Maxay tahay waxaanoo cabsho ah?Meeday qanaacadii? Meday shukrintii?

-Qalbigaan qanaaco ku jirin waa qalbi faqiira wax walbuu haysto ,wax deeqanama jiro , , xagee ka joogtaa hawenaydii salixada ahayd e ku oran jirtay ninkeda markuu sii baxaayo. Ilaahay ka baq oo xaraan hanoo kenin waayo gaajo waan u adkaysan karnaa laakiin naar uma adkaysan karno.

-Yaad isu qurxinaysaa: Mar walboo uu dhawaaqo mid xaflad shegaya ama kulan, waxad diyaarisaa wixii qurux ahaa . waxaana isku diyaarisaa bixis waaba sidii adooo lagu guurinaayo,,

-Maaha inan ka soo horjeedo inaa is qurxiso. nimcada rabina ee ah dhar iyo quruxna naga muuqato. maadaama uu Rabbi caro galinayn.

-Laakiin waxaan arkaa adooo ka gaabiyay inaa quruxdaan iyo is qurxintaan dhinacedii ka jeedisay.Ma khaldani hadaan ku dhaho. ninkaagaa ugu xaq badan inuu arko quruxdaa iyo is qurxintaaa oo dhan. ha yeesheee waxaanba dhihi karaa isku qurxintisu waa dhameystirka daacadiisa iyo kula dhaqankiisa wanaag.daryeelmagazine.com taasna waa xaqiiqda guurka iyo in laga helo dhowrsanan naftana laga ilaaliyo shahwadka . hadaadan adigu isku kay qurxin xaaskaygii aan jeclaayey yaa isku kay qurxinaya?. indhahaygii hadaan ka soo laabtay dibeda gurigayga soomaaaha inan ku furo. mise cadaabtaas baan ku jiraaa,

-Adiga iyo lacnada malaa,igta ayaan isaga kiin baqayaaaa: Mar walboon kuu baahdo kuguna yeero firaashka iima dhaga nugulid waxaan kaa dareemaa inaadan nafsad ii haynin sooma ogid xaaskaygi aan jeclaayey in xaqeyaga ugu weyn uu yahay Mucaasharada. sow ma ogid dhibka ka imaan kara diidmadaada. hadaan kugu soo qaado inan xaqayga hadaa diido aan si kale oo sharci ah ku doonanaayo waad aragtaa saaa noqoto miyeysan xaqeyga ahayn inan guursado si aan isku dhowro una dhowrsanado ma jecli laakiin waad igu qasbaysaaa markaa ii diday bahidaydii aan xaqa u lahaaa ciririna i galisay miyanan xaq u lahayn inaan , inaaan,ha igu qasbin ma jecli niyadana iigama jirti,,

-Guryuhu waxay leeyihiin Asraar. Asraartaasoo hadii bananka loo soo saaro guryo badan dumisa degnanshana u diida imisaan ku iri kuna xususiyay gurigeena iyo dhexdeena waxa ka dhaca marna maaha inuu albaabka dhaafo , waxaan arkaa islaantii ku soo booqataba inay ka war hayso Dhamaan waxa gurigena ka dhaca, waxaan cuno hadaan is khliaafsanahay, wax walba weyn iyo yarba,

-Waxaan rajynayaa Sowjatii qaaliyah inaa i fahantay darentayna waxaan ku dhex jiro waxaana rajynayaa inaan kaa arki doono wanaag oo dhan una qaaado qalbi ku jecel oo kula raba wanaag aduun iyo mid aakhiro inuu kuu soo hibeyay qoraalkaan yar ee aan kaga cabanayay kuguna baraarujinayay , iiga qaado naseexo ha iiga qaaadan canaan iyo inan ceebahaga raacraacayo, Maya marna sidaa haku fekerin, hadaaanan ku jeclayn waxba kuuma sheegeen.

W/Q: Ayaan S. Abdi

Check Also

khilaaf, isfahanka lamaanaha,

6 Qaab Oo Ninku Ku Xalin Karo Isfahmi-Waaga U Dhexeeya Isaga Iyo Xaaskiisa

Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *