kelmad Dhiiragelin ah

Waxaa la yiri hadii ukun ( beed) xagga sare laga dillaaciyo noolasheeda halkaa ayay ku egtahay, Hadiise ay si’ iskeed ah kaga soo dillaacdo xagga gudaha noolal cusub ayaaa u bilaabata.

Taa macnaheedu waxa uu yahay wax waliba oo wanaagsan gudaha ayaa laga soo dhisaa sidaa awgeed waa in aad isku daydaa in aad noolashaada gudaha ka soo dhisto maxaayeelay si’ kasta oo laguu wacyi geliyo iyo si’ walboo laguu dhiiri galiyo wax macna ah masamayn doonto hadii aadan adigu diyaar u ahayn in aad isbedel latimaado .

Midna ogoow dadku mawada sinna waxaa dhici karta in aad la kulanto dadka qaarkii oo guushaada ka baqaya oo kugu cabsi galiya in aadan waxba qaban karin balse xaqiiqdu waxa ay tahay waxa ay ka baqayaan hadii aad isku day wanaagsan la timaado in aad guulaysato.

Hadaba dadka noocaas oo kale ah oo jecel in ay ku niyad jabiyaan umuuji in aad tahay qof go’aan leh oo wixii uu damco ka guul gaari kara.

Waxaadna ogaataa wax waliba waad baddeli kartaa, Waadna guulaysan kartaa hadii aad Allah ( SW ) tala saarato, Go’aan wanaagsana aad qaadato, Insha Allah

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *