Kacsiga Waqti Dheer Qaata (Priapism)

Kacsiga waqtiga dheer qaata kaasoo sababa in xubinta galmada ee ragga aysan dib ugu noqon xaaladeedii caadiga ahayd ayaa loo yaqaana waxaa loo yaqaanaa Priapism Waa xaalad uu la socdo xanuun iyo nasasho la’aan. Waxay saamaysaa caruurta ama kurayada da’doodu udhaxayso 5 ilaa 10 sano iyo dhaliyarada da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 30 sano. barayabisim waxuu sababi karaa inay dhaawacmaan qaar kamid ah unugyada xubinta galmada waana mid ubaahan taxadar iyo si dhakhso ah wax looga qabto.

Maxaa sababa kacsiga waqti dheer qaata

Kacsiga caadiga waa mid ku yimaada dareen ama fariin ay maskaxdo soo dirto kaasoo keenaya in xididada xubinta galmada ay dhumucdoodo balaarato si dhiig badan ugu qulqulo xubinta galmada ragga ugu danbeyna uu u yimaado kacsi.

barayabisim waxuu yimaadaa markii ay wax ka qaldamaan xididada dhiiga u qaadaya guska ama dareemayaasha fariimaha u keenaya. Taasoo keenaysa kacsi waqti dheer ah oo ay weheliso xanuun qofkuna uma hawoonayo inuu sameeyo galmo xanuunka hayo awgii. Xanuunada dhiiga sida aneemiyada loo yaqaan sickle cell anemia iyo kansarka ku dhaca dhiiga ee loo yaqaano leukemia ayaa sidoo kale lala xariirin karaa xaaladaan. Dhaawac ku yimaada laf dhabarta ama neerfayaasha dareenka u wada guska ayaa sidoo kale saamayn ku yeelan kara xanuunkaan.

Waa maxay Astaamaha kacsiga waqti dheer qaata

barayabisim maahan kacsi la xariira galmo, waana xaalad caafimaad daro, astaamaha ama calaamadaha la arki karo ayaa ah in mudo kabadan 3 ilaa 4 saacadood la dareemo kacsi aad u xanuun badan oo aan kala joogsi lahan kaasoo wiilka yar ama ninka dhalinyarada u diida nasiinada. Waxaa dhici kara in unugyo ka mid ah kuwa xubinta taran oo ka yaraado dhiigu waana mid keeni karta calaamado hor leh,

Waa maxay khatara ka dhalan kara

Kacsiga waqtiga dheer jooga waxuu keenayaa in dhiiga ku jira xididada guska uu ku yaraado ogsijiin taasoo halis ku ah unugyada xubinta galmada ragga. Waana xaalad u baadan in si deg deg ah wax looga qabto, sidoo kale xaaladaan waxay keeni kartaa inuu yaraado ama shaqada uu gabo dareenka ama kacsiga.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *