Ka Faaideysiga Waqtigaaga!

Kol haddaad waqtigaaga wax ku bixinayso, wax berri ka maalin marka aad gadaal u jalleecdo ku farxad gelinaya ku bixi.

Haddaad wiil tahay oo aad gabadh u haasaawe tegayso, waa gabadh uun ha ugu haasaawe tegine, gaari, dhabayl ama qariyad aad ku aamini karto inay noqoto carruurtaada hooyadood u haasaawe tag.

Haddaad tahay gabadh oo aad wiil waqtigaaga siinayso, waa ina rag uun wakhtigaaga ha u siine, naftaada iyo ubadkaaga nin aad berri ku aamini kartid wakhtigaaga sii.

Cilmi haddaad baranayso, wax naftaada, ehelkaaga iyo ummaddaba u nafac badan baro, labada daaroodna aad ajar ka helayso.

Wax haddaad hal-abuurayso, ha u hal-abuurin wuxuunbaa la hal-abuuraaye, wax waxqtigii kaaga baxay aad kaga samri kartid ku bixi.

Ogoobeey, waqtiga micno darro kaaga lumaa, hadhow buu mahadho iyo murugo kugu reebaa.

? Mubarak Hadi

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *