Ka Faaidayso Talooyinkan Qiimaha Badan

1- Ka fogow malaha xun, aad nasiino iyo raaxo heshide

2- Welwel oo dhan waxaa keena Allaah oo aad ka jeedsato, ee u noqo Allaah.

3- Tuko salaad qabriga kula gasha

4- Haddaad maqasho ruux ku xamanaya ku dheh “Alle ka cabso”

5- Joogteyso akhrinta suuradda Tabaarak, waa badbaadisee.

6- Cayr waa qofka aan salaad ku khashuucin indhihiisuna Alle dartiis marna u ooyin.

7- Mu’miniinta kaa maqan dhib ha u geysan.

8- Jaceyl oo dhan Allaah iyo Rasuulkiisa sii.

9- Qofkii ku xanta iska saamax, ajarkiisii ayuu bilaash kugu siiyaye.

10- Salaadda, quraanka iyo xuska Alle waxay nuuriyaan qalbigaaga.

11- Qofkii xusuusta kuleylka naarta, wuxuu ka haraa waddooyinka xumaanta.

12- Sida mugdiga ama habeenku u tago ayaa xanuunka iyo dhibkuna u tagaan.

13- Isagatag “kutiri kuteenta” waxaa kuu yaal hawlo culuse.

14- Khushuuc ku tuko wax kastoo ku sugaya salaaddaa ka weyne

15- Kitaabka Alle midigta ha kuu yaallo, hal aayad oo aad akhriso ayaa adduunkoo dhan kaaga fiican.

16- Noloshu waa dhaldhalaal, waxaase ugu qurxoon qofkii iimaan leh.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Talooyinkii: Sheekh Caa’id Alqarnii.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *