Jeermiska E-Coli, Xanuunada Uu Keeno Iyo Hababka Looga Hortegi Karo

jeermiska e-coli, bakteeriyada

E-coli (Escherichia coli) waa magaca loo yaqaan jeermis, ama bakteeriya, kunool habka dheefshiidka dadka ama xayawaanka.

Waxaa jira noocyo badan oo jeermiskaan ah, balse intooda badan wax waxyeela ah malahan. Laakiin qaarkood waxay sababi karaan shuban dhiig wata. Sidoo kale qayb kaloo kamid ah geermiska E.coli waxay sababi karaan dhiig la aan ama waxay sabab u noqon karaan hawlgabnimada kelyaha, taasina waxay ku danbayn kartaa dhimasho.

Nooc kale oo kamid ah jeermiskaan waxay keeni karaan caabuqa habka kaadi mareenta jirka ama noocyo kale oo caabuq ah.

Caabuq calooleedka ay sababto ilma aragtadaann

Inuu kugu dhaco infekshanka E.coli waxay ku xiran tahay hadaba sida aad u ilaalisid nadaafada jirkaaga, cuntadaada, iyo cabidaada. Jeermiskaan waxaa laga qaadaa cuntada ama cabitaanka ku wasakhooba saxarada dadka ama xayawaanka.

E-coli iyo Cuntada:

Jeermiska E-coli wuxuu dhex gali karaa hillibka marka la karinayo. Hadaba hadii hillibka ay dhex gasho E.coli waa in hillibkaas loo kariyaa sifiican. Ugu yaraan waa in heer kulka biyaha lagu karinayo gaaraa n 71 degrees, jeermiska E.coli wuxuu u adkaysan karaa kulaylka intiisa badan, hadii aan biyaha hillibku ku jiro loo kar karin si fiican waxaa hubaal ah in geermisku u gudbayo jirkaaga. Sidoo kale hadii hillibkaas jeermisaysan lagu dhex daro cunto kale cuntadaas halis ayay galin kartaa caafimaadka dadka.

Cuntooyinka kale ee ay ku dhex darsami karto E-coli waxaa kamid ah:

Caanaha iyo cuntooyinka ka samaysan caanaha aan la kar karin. Jeermiskaan wuxuu kasoo bixi karaa qanjirada caanaha soo daaya ee xayawaanka caanahooda la cabbo. Isla markaas caanaha laga soo liso xoolaha sida lo’ada waa in la kar kariyaa si looga dilo jeermiska E-coli.

Qudaarta cayriinka ah. Ayaa sidoo kale kamid ah cuntooyinka ay ku dhex jirto E.coli.

E-coli Iyo Biyaha:

Saxarada dadka iyo xayawaanka ee ka kooban jeermiska E.coli ayaa mararka qaarkood ku dhex darsanta harooyinka, barkadaha, iyo illaha biyaha ee dadku ka cabaan. Illaha dadku ka cabaan biyaha ee ku yaala magaalooyinku waxay u baahan yihiin in la ilaaliyo nadaafada biyaha magaaladu cabayso. Si looga gaashaanto xanuuno ka dilaaca magaalada oo ay sababto saxarada dadka iyo xayawaanka ee ka kooban jeermiska E.coli oo ku dhex darsanta biyaha dadku cabayaan. Maadada chlorine oo lagu daro illaha dadku ka cabaan biyaha waxay yaraysaa khatarta caafimaad ee ka imaan karta hadii biyuhu wasakhoobaan.

Dadku ma isu gudbin karaan jeermiskaan?

Jeermiska E.coli wuxuu iskaga gudbi karaa labo qof ama ka badan, hadii qof qaba jeermiska E.coli uu soo xaajoodo, iska markaasna uusan si fiican dhaqin gacmihiisa. Qofkaas wuxuu dadka u gudbin karaa jeermiska E.coli, isku gudbintu waxay u dhacdaa si fudud, sida taabasho, cunto qofka dhibanaha ahi karshay ama cunay oo qofka kale cuno iyo wixii lamid ah.

Astaamaha lagu garto infekshanka caloosha iyo xiidmaha ee ka dhasha jeermiskaan

  • Shuban dhiig.
  • Calool majiir.
  • Lalabo iyo matag.

Dadka qaarkood maba dareeman wax astaamo ah. Caruurta ayaa ah dadka ugu badan ee astaamuhu kasoo baxaan. Astaamuhu waxay badanaa bilowdaan 3 ama 4 bari kadib.

Inta badan dadku waxay ku raystaan muddi isbuuc ku siman. Inta badan dadku maba aadaan dhakhtar sababtoo ah astaamaha badankooda dadku uma qaataan wax khatar ah. Ilaa xaalku kasii daro maahee.

Mararka qaarkood jeermiska E-coli wuxuu dhibaato ku keenaa caafimaad qabka dhiiga ama kelyaha, calaamadaha lagu garto hadii E-coli dhib ku hayso qaybaha jirkaaga kujira ee aan soo sheegnay waxaa kamid ah:

  • Maqaarka oo cadaada.
  • Qandho.
  • Tabar dari.
  • Jirka oo si fudud ku dhaawacmaya.
  • Kaadida oo yaraata.

Sidee looga hortagi karaa infekshankaan

Hadii jeermiska E.coli ku dhex milmo cunto ama biyo meel yaala, haba yaraatee ma jirto qaab lagu ogaan karo in E.coli ku dhex jirto. Balse waxaa jira siyaabo kale oo looga hortagi karo E.coli.

  • Hillibka iyo cuntada oo si fiican loo kariyo.
  • Intaadan bilaabin cunta karinta sifiican u dhaqo gacmahaaga adoo isticmaalaya biyo qandac ah iyo saabuun. Khaas ahaan markaa taabatid hillibka cayriin.
  • Dhaq oo nadiifi dhamaan alaabaha aad ku taabatay hillibka cayriin.
  • Ha cabbin caanaha aan lasoo kar karin.
  • Ha cabbin biyo aan lasoo dawayn ama lagu soo darin chlorine.
  • Ha cunnin qudarta ama miraha aan la dhiqin.

Sidee loo maareeyaa infekshanka ka dhasha E. Coli

Inta badan infekshanka E.coli asaga oo aan la dawayn ayuu iska tagaa. Dawada ugu muhiimsan ee lagula tacaalo qofka la ildaran infekshan ay sababtay E.coli waa in qofku is dajiyo, biya badana cabo. E.coli waxay sababtaa shuban biyood ama shuban dhiig. Hadaba shubanku wuxuu keenaa fuuqbax oo ah in jirku dhumiyo biyo badan iyo nafaqo badan, sidaa daraadeed waa in qofku nastaa isla markaasna cabaa biyo nadiif ah oo ku filan.

Fuuq baxu wuxuu u daran yahay caruurta iyo dadka waawayn. Balse haday qaataan biyo, caawimaad ayay u noqonaysaa.

Hadii aad yeelatid shuban dhiig wata kaasoo aad u malaynaysid inuu ka yimid ama ay sababtay E.coli, ha qaadan hana isticmaalin dawooyinka shubanka ama dawooyinka lagula dagaalamo noocyada kala duwan ee infekshanka. Hadii aad qaadatid dawooyinka aan soo sheegnay waxaa yaraanaya dheefshiidka cuntada, isla markaasna waxaad waqti siinaysaa jeermiska E.coli oo soo daynaya sun. Sunta E.coli waxay jirka soo galaysaa inta uu dansanyahay mashiinka dheefshiidku. Wac dhakhtarkaaga hadii aad isku aragtid shuban dhiig.

Jeermiska E.coli wuxuu dadka qaarkood ka dhigaa kuwo kalyo beelay ama wuxuu dhibaato u gaystaa dhiiga jirka. Dadka noocaas ah ee E.coli shibaataysay waxay u baahan karaa dhiig ku shubid ama kalyo sifayn.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *