Inuu Guursado Ayuu Damcay, Iyadana Waxa Ay Ku Xidhay Shardigaan Cajiibka Ah!!

Nin dhalinyar ah ayaa inuu guursado damcay, kadibna waxa uu waraystay dadkay isku magaalada ahaayeen markaasaa loo sheegay inay jirto gabadh aad u ixtiraam badan isla markaana la dhaqan iyo akhlaaq fiican, kadibna isla markiiba ninkani wuxuu go’aansaday inuu gabadhaasi guursado.
Gabadhii ayaa ay is arkeen kadibna waa uu ku qancay, waxyar kadibna waxaabuu diray tolkii siday ula soo xaalaan reerka ay ka dhalatay gabadhani.

Aabihii gabadha dhalay ayaa markii inantiisa la waydiistay waxa uu ku jawaabay aynu iyada waraysano marka hore inay ninka rabto, hadii ay tidhaadho haa anigu waxba kama qabo oo inantayda waan siinaya, sidii ayaa la isku raacay oo loo wada baqoolay dhinacii gabadha si loo waydiiyo go’aanka kama dambaysta ah.

Markii lala kulmay iyadii ayaa waxay ku jawaabtay waan guursanayaa ninkan hadii uu hal shardi kaliyaata kasoo baxo, iyada oo fariintan soo fartay tolkiisii si ay isaga ugu sheegaan.

Sidaadii ay usoo noqdeen ee uu ula kulmay ayaa waxa lagu dhahay ninkii” Gabadhii waa lagu siinayaa oo way ku ogolaatay balse waxa ay kugu xidhay hal shardi, waxa ay tidhi : ANIGU NINKAN WAXA AAN GUURSANAYAA KALIYA HADII UU BALLAN QAADAYO IN AANUU HOOYADII KA DHAQAAQO”

Ninkii ayaa isagoon meel fogba jawaabtii ka baadhin ku yidhi tolkii “Intaad ku noqotaan waxaad ku tidhaahdaan anigu wax hablo ah oo ila dhashay ma haysto, hooyadayna aniga ayay ilaa waligay ila joogaysaa hadii aad igu raacayso iyo hadii kaleba, mana guursan rabo gabadh aan jeclayn hooyaday iyo reerkayaga”.

Gabadhii ayaa sidaasi loogu sheegay arinkii, iyana si lama filaan ah ayay ay tidhi hadalkan ” Wallaahi waan doonayaa inaan ninkan guursado waayo qof aan hooyadii xaqeeda garani gabadhiisana xaqa ay ku leedahay dhawri maayo, waxaanaan shardigayga uga jeeday si aan u ogaado jacaylka uu u hayo hooyadii inta uu leegyahay, waana hubaal mar hadii uu hooyadii sidaas u ilaalinayo inaan aniguna agtiisa naxariis iyo wanaag kala kulmi doono.”

Ilaahayow soo hadee dhamaan dhalinyarta muslimiinta rag iyo dumarba, nagana dhig waalidiintayo kuwii xaqooda garta.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *