Imisa jeer oo Galmo Ah Ayaa U Fiican Dadka Isqaba?

Dad badan waxay isweydiiyaan inta goor ee ay tahay inay galmo sameeyaan, ama imisa jeer oo galmo ah ayaa ku filan dadka isqaba. Dadku waxay jecel yihiin inay ogaadaan in xiriirkoodu uu caafimaad qabo, inay qanciyaan lammanahooda, inay ku filan yihiin lammanahooda. Waxay kaloo ka walwalaan in galmada badan ama galmada yar ay dhibaato ku keeni karto xiriirkooda.

Inkastoo badanaa aysan fiicnayn in noloshaada galmo aad barbar dhigto tirakoobyada galmada ee ku saabsan dadka kale. Haddana waa arrin xiiso leh inaad wax ka ogaato inta jeer ee lammaanayaasha kale ay galmo sameeyaan. Tusaale ahaan waxaa lagaa yaabaa in dad qaarkood ay aaminsan yihiin in inta jeer ay galmo sameeyaan ay ka yartahay marka la barbardhigo dadka facooda ah inta ay isku tagaan.

Galmada joogtada ah waxay leedahay faa’idooyin tiro badan waxaa ka mid ah hoos u dhigista dhiig karka, yaraynta walwalka, kordhinta waxa afka English-ka lagu yiraahdo “intimacy” oo ah dareenka kalgacalka, naxariista iyo hilowga ee lammaanaha. Daraasaadka qaarkood waxay muujinayaan in galmada joogtada ay hoos u dhigto heerka furniinka.

Walow uusan jirin cabbir go’an oo dadka oo dhan wada le’eg kaas oo la oran karo waa intaas tirada galmada joogtada ee ugu habboon, haddana waxaan soo gudbinaysaa waxyaabaha ay sheegeen daraasadihii u dambeeyay.

Daraasaadku waxay tilmaamayaan in galmada joogtada ah ay door wayn ka ciyaarto fayow qabka guud ee qofka. Galmo joogto ah oo la sameeyo waxaa lala xiriiriyaa inay kordhiso kalgacalka ay isku qabaan lammaanaha, Marka uu bato kalgacalkana, waxay u badan tahay inay si joogto ah iskugu tagaan.

Faaidooyinka galmadu ay u leedahay xiriirka:

Galmada joogtada ah siyaabo kala duwan ayay u caawisaa caafimaad qabka xiriirka. Tusaale ahaan, hormoonka “oxytocin” ee la soo daayo xilliga galmada wuxuu siyaadiyaa dareenka isku xirnaanta iyo kalgacalka lammaanaha. Hormoonkaan waxaa loo yaqaannaa “hormoonka jacaylka” wuxuuna xiriir la leeyahay jacaylka, kalsoonida, galmada iyo xiriirka wanaagsan. Maadamaa uu kordho xilliga hab la isa siinayo iyo xilliga galmada sidaas ayaa loogu magac daray “hormoonka jaceylka”.

Daraasad sannadkii 2015-kii lagu sameeyay wadanka shiinaha ayaa lagu ogaaday in galmada raalliga la iskaga yahay ee tayada leh ee hal mar toddobaadkii ay sare u qaado heerka farxadda ee lammaanaha.

Cilmi baarisyo lagu sameeyay xiriirka ka dhexeeya galmada badan iyo farxadda, waxaa lagu ogaaday in galmada ka badan hal mar toddobaadkii, ay hoos u dhigto doonista iyo ku raaxaysiga galmada. Si kale haddii loo dhigo, galmada tayada leh ayaa ka fiican galmada badan. Qodobka muhiimka ah waa in labada qof ay ku faraxsan yihiin tirada iyo tayada galmadooda.

Qanaacada galmada:

Qanacsanaanta iyo wada hadalka wanaagsan ayaa ka muhiimsan inta jeer ee galmo la sameeyo marka la joogo guurka, waxaana jira xiriir adag oo ka dhexeeya galmada, fayow-qabka, kalgacalka iyo mood-ka, sida ay sheegtay daraasad la daabacay sannadkii 2017-kii.

Sidoo kale is-ixtiraamka aad ayuu muhiim u yahay. Dadka marka ay dareemayaan in la jecel yahay oo la ixtiraamayo waxay soo weriyaan inay ku qanacsan yihiin galmada lammaanahooda.

Maxay u fiican tahay galmada hal mar toddobaadkii?

Galmada hal mar toddobaadkii waxay sare u qaadaa farxadda lammaanaha laakiin haddii intaa laga badiyo ma sii kordhinayso heerka farxadda. Daraasad dhowaan la sameeyay oo lammaanayihii ka qayb galayay la faray inay galmadooda labo jibaaraan, waxaa lagu arkay in heerka farxaddooda aysan ka kordhin intii markii hore ay ahayd. Intaa waxaa dheer inay sheegeen in ku raaxaysigooda galmada uu yaraaday.

Check Also

qalbiga gabadha, jacayl, gabar,

Furayaasha Qalbiga Gabadha & Sida Jaceyl Loogu Abuuro

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *