Ilmahaaga Bar In Uu ku Kaaftamo Waxa uu Leeyahay, Bartana Waxa Aanu Lahayn

Qaladaadka ay waalidka iyo qoysku galaan oo sabab u noqda in ilmuhu uu noqdo danayste iyo qof hinaase badan oo aan marnaba ku raalli noqon waxa uu hayo, balse uu indhaha u sii taago wax kas ii badan oo laga yaabo in aanu awoodi karin iibsigooda.

  1. WAALIDKA OO ILMIHIISA KU ODHAN WAAYA ‘MAYA’:
    Waalidku waa in aanu ilmihiisa ku raalligelin wax kasta oo uu dalbado. Tusaale ahaan in uu ilmaha mararka qaarkood u sheego in waxa uu dalbanayaa uu yahay wax aanay baahiyi u haynin ama uu ka maarmi karo.
  2. BARI WAXA AY LAGAMA MAARMAANKA AH IYO WAXA KALE:
    Waalidka oo aan ilmihiisa u kala caddayn waaya baahiyaha aasaasiga ah ee ay tahay in loo iibiyo iyo wax aan muhiimadda koowaad lahayn ama loo baahnayni, waxa ay sababtaa in ilmuhu uu awoodi kari waayo qiimaha iyo qaddarinta waxa uu haysto.
  3. ILMAHA OO LOO CADDAYN WAAYO SABABTA WAX LOOGU DIIDAY
    Waa muhiim in ilmaha diidamada la baro oo uu waalidku mararka qaarkood ka ogolaan waayo waxyaabaha uu doonayso in loo iibiyo. Laakiin waalidku haddii uu ilmaha si uu fahmi karo ugu caddayn kari waayo sababta diidmada waxa ay ilmaha ku abuuri kartaa qanaaco la’aan iyo xitaa xaalado nafsadeed oo waalidka ka fogeeya.
  4. MURANKA LABADA WAALID
    Muranka iyo hadallada khilaafka iyo niyad xumada muujinaya ee labada waalid dhex marayaa waxa ay saamayn taban ku yeeshaan guud ahaanba caafimaadka Carruurta. Waxyaabaha ugu daran ee uu khabiirku sheegay waa in hooyadu ay Carruurta oo maqlaysa hortooda odayga kaga cababato ama ku canaanato in uu ka gaabiyey masuuliyadihiisii badh. Waxa aanu sheegay in halkaas ay ka bilaabato dabeecadda ah in aanu ilmuhu raalli ku noqon waxa uu hayo.

Shaki kuma jiro in ay aad u adagtahay Barbaarinta ilmo raalli ku ah waxa uu hayaa, isla markaana aanay saamayn ku yeelanayn waxyaabaha dibadda kaga imanaya ee ay ka mid yihiin waxa ay dadka kale hayaan. Calaamadaha ilmaha lagu arko ee waalidka ama qoysku uu ku garan karo in aanu ku qanacsanayn hantiisa, sidaas awgeed loo baahan yahay in wax laga qabto dibna loogu noqdo xaalka ilmaha iyo barbaarintiisa, waxaa ka mid ah:

  1. Ilmaha oo marka uu wax ka doonayso waalidkii u dalbada qaab qallafsan oo qaylo iyo cadho ku ladhantahay, isla markaana aanu diyaar u ahayn dood iyo in lala falanqeeyo dalabkiisa. Waxaa lagu arkaa oohin, qaylo iyo madax adayg aad u daran.
  2. Ilmaha oo garan waaya waxa uu isagu jecel yahay ama doorbidayo, laakiin daba orda hadba waxa uu ilmaha kale ku aro, waxa ay calaamad u tahay in aanu lahayn dareen qanaaco oo xooggan, tusaale ahaan ciyaarta uu ciyaarayaa waa mid uu keliya Carruurta kale ka arkay ee isagu xiise uma qabo, waxaanad arkaysaa isaga oo hadba u beddelanaya ciyaar cusub oo uu qof kale ku arkay.
  3. Ilmaha oo doona in uu burburiyo waxa ilmaha kale haysto ama leeyahay, waa calaamad muujinaysa in aanu ku qanacsanayn waxa uu haysto doonayana in shaygaas ilmaha kale haysto haddii aanu helayn isagu in aanu ilmaha kalana aanu haysan.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Facebook Page: Marjaan

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *