ILMAHA U CADAALAD FALA!

Ilaahay wuxuu na faray Caddaalada, shey kasta, iyo shaqa walba oo aan qabaneyno, Qawl iyo Ficil.
Wuxuu Ilaahay jecelyahay Caddaaladda, Wuxuuna Necebyahay Dulmiga iyo Kuwa Dulmiga Fala..

Ilmahaaga inaad u Caddaalad fasho Ilaahay ayaa amray..Wax siinta, Wax qaybinta, iyo dhaqanka.. Xitaa wexey Culimadu yiraahdeen: Haddaad mid dhunkato, kan kalena Dhunko!

Xadiiska Macnihiisu wuxuu ahaa: (Ilaahay ka baqa, oo Ilmihiina u Caddaalad fala).. Sida dhaxalku uu yahay hadii wax loogu qaybiyo, waa caddaalad..

Waxaa la sheegay: Rasuulka oo meel fadhiya in nin la fadhiya wiil yar oo uu dhalay u yimid markaasuu dhabka ku fariisiyey, gabar yar uu dhalay ayaa haddana u timi, dhiniciisa ayuu fariisiyey, Suubanaha calayhi salaatu wasalaam ayaa ku yiri: (Maad u Cadaalad samaysid) yacni wiilkiina dhabtaa saartay, gabadhiina dhulka!

Cadaalad darradu wexey ilmaha ku beertaa xin iyo xasad, meela fog gaari kara, weligiisna aan harin.. Waxaa kaloo waalidka looga baahanyahay inuu si naxariis leh ilmaha u tarbiyeeyo, inuu la sheekaysto, la saaxiibo, ay sirtooda iyo arrimohooda u sheegan karaan waalidka, haddii kale meela kale ayey la aadayaan..

Waa inuu waalidku ku baraarugsan yahay in ilmaha yari dareen leeyahay, wax duubayo sida rekoorka ama kaamerada, oo maskaxda ku haynayo waxa uu arkayo..
Waalidku hadduu cadaaladda iyo naxariista kula dadaalo ilmihiisa mira wanaagsan ayuu ka guranayaa, ajarna ilaahay ayuu kaga helayaa. Gaar ahaan gabdhaha oo iyagu daciifa, una baahan inaan qalbiga laga jebin, oo la ilaasho, loona naxariisto, wuxuu Rasuulku calayhi salaatu wasalaam noo sheegay qofkii laba gabdhood si fiican u koriya iney naarta xijaab uga noqonayaan..

Check Also

khilaaf, isfahanka lamaanaha,

6 Qaab Oo Ninku Ku Xalin Karo Isfahmi-Waaga U Dhexeeya Isaga Iyo Xaaskiisa

Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *