Qalanjo Quruxdeed taqaan, quud ma gashaa?

Dumarka sida uu nabigeeni subanaa (scw) tilmaameyba waxaa lagu guursadaa afar, guruxdeeda, nasabkeeda, maalkeeda iyo diinteeda. Waxaa uu nabigeenu ku taliyey in tan diinta u saaxiibka ah inaan raadino. Iyadoo taladaa dhaxal-galka ah jirto ayaa hadana raga soomaaliyeed intooda badan waxay dumarka ku doortaan quruxdooda oo ay xigto nasabka gabadha ka soo jeedo.

Hadaba quruxda indho-sarcaadka ee dumarka qaarkood, ee aaney wax kale u raacsanayn ayaa ku keenta ragga khatalka ugu weyn ee nolosha, taasoo qaar ay u waashaan, kuwo ku caydhoobaan, kuwana kuba duloobaan. Dumarka noocan ah ayaa ka war haya quruxdooda, kuwasoo si aan gabasho lahayn u isticmaala muqooda aadna u jahawareeriya rag badan oo ay beerlaxawsi kula wada socoto. Hadaba qalanjo quruxdeeda taqaan, quud ma gashaa?

Muuqa kama soo hadhno

Ragga meel uu joogaba dunidan aanu ku nool nahay ayaa hamigooda ku aadan jinsiga kale (dumarka) aanuu ka soo hadhin aragtida muuqooda. Cilmi-Boodhari ayaa Hodan aragti ku caashaqey isagoon wax hadala la wadaagin, una geeriyoodey aakhir isagoon sheeko dhex marin. Heesaha raga ay alifaan ayaa sidoo kale u badan sharaxaada qaabka gabadha ay janteen ay leedahay, iyadoo ay yar tahay kuwa ka sheekeeya fariidnimadeeda, diinteeda iyo waxbarshadeeda i.w.m. Waxaasoo dhan waxay mujinayaan in cabirka hore ee ragga aanuu ka soo hadhin muuqa ay leedahay qofka dumarka. Dumarka sidey u sii kala muuq qurxoon yihiin ayay u sii kala daran yihiin, kana mashquulin badan. Qofka hadii uu mudo yar fekero oo arimo badan isbarbar dhigo, waxaa uu garwaaqsanayaa meesha dani ugu jirto waqtiga dheer. Balse nooca qalanjooyinka ee indhosarcaadka ah ayaa ilowsiiya ragga garashadooda dookha aqal wanaagsan lagu dhiso. Waxaa hamigooda jinsiyeed uu iska hor-istaagaa inay fekeraanba.

Qurxinta qaabkayga iyo ilowga dabeecadayda

Qalanjadan ayaa markay hano qaado durtadiiba garata in ragu siinayaan attention gaara iyada, kuwaasoo amaan iyo gacan-furnaan dhinaceeda ah ku asqeysiiya. Qalanjadan ayaa markay maalintii dibeda u soo baxdo ay dareentaa in boqolaal raga ay soo jaleecaan, tobaneeyona isku dayaan in hadal la wadaagaan ama saacidaan. Culimada Cilmu-nafsiga ayaa sheega had iyo jeer in hadii erey ama ficil dhowr jeer lagu celceliyo uu qofku/inshu aaminto. Halkan ayaa waxaa ka abuurma dabeecada qalanjada, taasoo aaminta inaysan u baahneyn in dadaal dheeriya u samayso qurxinta dabeecadeeda, bal isku sii mashquuliso sidii ay quruxdeeda jidheed ugu dari lahayd mid hu-qaadasho wacan (style). Waxaa bilowda mudada loo yaqaan “indho-sarcaadka”. Mudadan ayaa qalanjadan mobiilkeeda waxa ka buuxsama numberada rag ladan, kuwan oo ay ka hufto ciidanka lugta (bilaa gaadhi), kuwa bilaa shaqada ah, bilaa hantida ah, i.w.m.

Raggan ayaa 99% ah kuwo aanay jacayl u qabin, balse u haysto uun in ay ku dan gaadho, maalinta ka 1aad ama 2aad ama 3aadba ay hore u heli waydo. Rajada ragan ku jirta ayaa dhinacooda ah inay aakhir hanan doonaan qalbigeeda, markay wax walba u sameeyaan, oo aanuu ka kale ee tartanka kula jiraa aanuu u samayneyn. Waana sababta keenta inaadan arag qalanjadan lugeynaysa, Bus raacaysa ama wax culusba gacmaha ku sida. Shaqalaheedan tirada badan ayay indhahaadu qac ku odhanayaan iyagoo isku laynaya, cidii gaadhigiisa ku qaadi lahaa marka arooska ay joogto dhamaado. Aakhir iyadaa dooorata gaadhiga ay doonto, taasoo raacda kan ugu gaadhiga quruxda badan habeenkaa. Isku soo duuduuboo, qalanjadan ayaa aaminta in nolol wacan oo aduunka ay ku gaadhi karto muqeeda oo kaliya, una baahneyn kobcinta dabeecadeeda iyo bulsho la dhaqankeeda (social skills). Waxay sidaa ku socotaba, waxaa ay aakhir ogaataa in hablo kale soo kaceen oo sideeda u qurux badan, booskana ku soo yara cidhiidhiya. Markaa ayay baraarugtaa oo ay damacdaa inay mid kala baxdo raggan intay goori goor tahay.

Qalanjo Quruxdeed taqaan, quud ma gashaa?

Jawaabta oo qayaxan ayaa ah maya, waliba mid yar maahe waa MAYA weyn. Nasiib darada ayaa ah, sidaan dushaba ku soo sheegeyba in ragga xulashadooda aaney muuqa ka soo hadhin. Madaama qalanjadani wali nuureyso, waxay ay IYADU xulutaa aakhir kan ugu hantida badan ragan hor yaacaya. Kan ayaa markaa ismooda inuu yahay kan ugu ayaanka badan oo uu raganimadiisa tii dumar ugu bilicsanayd ka hor qaadey intanoo ragga. Ninkan ayaa waxaa u bilowda mashaqadii aduunyada oo ay ugu horeyso, u dhigista aroos mid aan la maqal lana arag, oo uu qarka u saarmo inuu kuba caydhoobo.

Markuu la aqal galo, duufaankii arooskuna kala dago, ayaa markiiba waxa u muuqda ninkan dabeecada rasmiga ah (bilaa dabeeco) ee inantan, taasoo berigii hore uu arki jirey uun inteeda wacan. Waxaa intaa u dheer howshii ay kala qaban jireen dhowr iyo tobanka nin, oo isaga uun isugu soo biyo shubata, madaama ay qalanjadani u baran inay far nuuxiso. Haday Afrika joogto waxay dalbataa in shaqaale loo qabto, haday qurbe joogtana howsha odeygaa inta badan laga sugaa inuu qabto, ama aqalkaa noqda aqal areebo/basariyad. Waxaa ay dhinaceeda tabtaa attentionkii badnaa iyo nolosheedii hore (life style), taasoo qumuc-qumuc aan ka deynin saygeeda cusub. Qancinteeda iyo marxabaynteeda ayaa noqota shaqo aan 24 saac dhamaad lahayn. Aakir waxaa uu baraarugaa goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.

Waxaa haboon hadaba in raggu raacaan taladii wacneyd ee nabigeena s.c.w, oo ay raadsadaan asxaabul-diin. Hablaha asxaabul-diinka ah ayaa iyaguba qaarkood aan ka yaraysan qurux qaabeedka ay qalnjooyinku leeyihiin, balse ay u dheer tahay inay ku qanciso nolosha aduunka, kaana saaacido u dagaalanka ta aakhiro. Hadii aad ka fursan waydo, oo ay isha kaaga dhacdo, qalanjo qurxdeeda taqaan, ha ahaato mid quruxdeeda wax u dheer yihiin oo dabeecad leh. Intaa wixii ka soo hadha waa nin lugta iska toogtey oo kale, lugooyo-la dul saarey-lugooyo.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *