Habka Wanaagsan Ee Wada Hadal Ku Hir Gali Karo

Culumada cilmi nafisga ayaa talo naga siinaysa sida wanaagsan ee wada hadal ku hirgali karo.

Ma dhacdaa in dadka aad la sheekaysanaysaa hal mar wada aamusaan marka hadal erayo aan haboonayn kaa soo dhacaan? Dadku ma ku yiraahdaan waxba ma maqalysid ama ma dareentaa in aan lagu fahmim?

Waxa aad u muhiim ah in aad dhegaysato waxa qofka aad wada hadlaysaan rabo in uu dhaho. Inta badan dadku waxa ay ku mashquulsan yihiin sida ay ugu jawaabi lahaayeen qofka ina la hadlaya. Sidaa darteed ayaynaan si fiican u maqlayn qofka inla hadlaya.

Wada hadalka ama sheekada ka dhexaysa labba qof waa sidii baabuurta wadada maraysa oo kale. Hadii aad u wadid gaarigaaga  sida aad rabo waxa aad toos ugu dhacaysaa gawaarida kale.

Hadaba culumada ayaa fahamka uga dhigay aasaaska wada hadalka iyo sheekada.

Waa in labada wada sheekaysanayaa uu mid waliba diyaar u yahay in uu fahmo ka kale wablibana ka hadlayaa u dareemo in la dhegaysanayo. Taas macnaheedu maaha in ka wax dhegaysanayaa ogoloaado waxa uu ka hadlayaa leeyahay. Waxa muhiim ah oo kaliya in ka dhegaysanayaa uu fahmo ujeedada kan hadlaya.

Waxa jira dad badan oo ku fiican in ay hadlaan laakiin aan ku fiiicnayn in ay dhegaystaan qofka ay la hadlayaan. Mana haboona in lagu marmarsoodo sidan ayaan waligay ahaa laakiin waxa wanagaasan in uu qofku wax ka qabato caadada aan fiicnayn ee dhegaysi la’aanta ah.

Dhow qodob oo muhiim ah in aad ogaato, ku dhaqanto marka aad qof la hadlayso ama lagula hadlayo.

1- Deganaan    Sida marka ay diyaaradi kacayso ama degayso ee sida taxadirka ah loo wado ayaa wada hadalkuna ama sheekadu u baahan yihiin in lagu bilaabo oo lagu dhameeyo degenaan.

2. Foojignaan    Dhegaysigaagu ha ahaado mid dhan. Afka oo aad xirto oo aanad hadlin ma aha dhegaysigu. Laakiin waa adiga oo qalbigaaga iyo niyadaado xaadir yihiin oo aanad wax kale ku fikirn marka qof kula hadlayo.

3. Masaafada ilaali    Dhegayso ama hel waxa aanu dhehayn qofka kula hadlayaa oo xisaabi waxa imaan kara.

4. Hadalka ha dhex galin    Ha ka dhex galin hadalka ama sheekada qofka kula hadalaya, hana samayn jabaq, sanqadh ama hadalo la dhibsado. Marka aad qofka hadlaya ka dhexgasho hadalka ayaa waxa sii dheeraanaya hadalkii uu waday qokii kula hadlahay. Markaa aamusnaantu waxa ay kuu badbaadinaysaa waqti.

5. Hadal macno leh    Adiga oo iska hadla hadal aan macno lahayn ayaa ka daran adiga oo aan waxba dhgeysanayn.

6. Aamusnaan    Hadii aanad tartiib uga qayb qaadan sheekada waxa ku dhaafaya wax badan. Ha ka baqan in aamusnaan soo dhex gasho sheekada. Ka faa’iidayso aamusnaanta sababtoo ah waxa ku dhex jira fursado badan.

7. U fiirso qofka kula hadlaya    Xusuusnoow in qof kastaa u hadlo ama u sheekeeyo hab u gooni ah….

Amina Ahmed Jama

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *