Hab Buu Ubadku Tabayaa W/Q : ladna Rashiid

Korinta ubadku waa mid kamid ah masuuliyadaha ugu adag ee inala so darsi kara. Sidaas ay tahay hadana waa masuuliyad cid kasta wax dhashaa is aragto uun iyadoo madaxa ku qaaday iyadoon wax tababar ah ama khibrad ah na loo lahayn.inta badan dadku markay wax dhalaan waxay tixraacan qaabki iyaga loo koriyay. Marar badan waxa dhacda in waalidka ilmaha dhalay u carruurtiisa kula dhaqmo qaab koriimo u qudhiisu anu jeclaan jirin markii la korinayay odhan jirayna anigu hadaan wax dhalo sida wax uma korin doono.

Labada walid ugu horayn waa inay fahmaan in ay si firfircoon isaga kashadan korinta ubadka iyo barbarintooda. Waxaa muhiim ah in hooyada iyo aabuhu ay ka hor inta anay farimaha tarbiyada u gudbin ilmaha ay iyagu horta is la fahman kana heshiiyan waxa ilmaha la barayo sida loo barayo iyo waxaa laga reebayo iyo sida looga reebayo.
Ilmaha waxaa aabuhu u diiday ku ama ku ag sameeyo hooyada iyana u diidin waxay ilmaha u diraysa farimo is khilafaya wana halka u ka soo baxo ilmaha an kala baran maxaa qalad ah maxase sax ah.

Anshaxa ilmuhu wa mid yaranta kaso bilaabma wana hadba waxa lagu tarbiyadeeyo dhaqanka uu la waynanaya. Tan anshaxa marka laga hadlayo waalidiin badani qalad ayay u fahmaan. Anshaxu waa inuu ahaada mid ugu horayn dheelitiran ilmaha waxa fiican marku sameyo amaanaya isaga iyo waxa u sameyay ba. Marka u si khaldan u dhaqmana dhaleecaynaya ficilka u sameyay. Daruuri ma aha inaad laftiisa dhaleecaysa.
Waxa kale khatari ka timaada ilmaha aan lagu korin jacayl loo muujiyo af ahaan sida ilmaha la amaano lana dareensiiyo inuu muhiim yahay. Ficil ahana loo muujiyo iyado lagala xidhidhayo xaga jidhka sida dhunkashada lab galinta taabashada o iyana galisa ilmaha kalsoni.

Qaladaadka ugu xun” e waylid ku galo waxaa kamid ah ilmaha an jacayl badan lasiin. Halkan waxa kaso baxa ilme marku waynaado naftiisa aan ku kalsoonayn hoos is geeya una hagrada qayrki waayo isma moodayo inuu muhiim yahay.
Khatarta khataraho dhan waxay ka timaada ilmaha lagu badiyo cananta ama lagu koriyo karaha hiifka iyo wax ka shegisa. Ka taxadira.

Qodobkan waa qodob mudan in la fahmo. Ilmaha markasta dhegtiisu maqasho dhaleeco loo jeedinayo waliba u jeedinayaan kuwii dadka ugu dhawaa waxa u badiya noqdaa qof aad u xidh xidhan kuna dhaca inuu gaysto falal axmaqnimo wayni ka muuqato. Wuxu noqda qof an cidnaba wanaag iyo naxariis toona ka filan.

“ilmaha ha ku odhan”waa inaad waxaa samaysa” tani waxay bartaa inuu noqdo tiisa hayste dadka qasba. Waxa ka caafimaad badan adoo aad wax ugu sharaxa fahansiyana sababta ay muhim u tahay inu waxaa qabto. Isna wuxu noqon mid dadka wax u sharaxa.
U same wakhti ay la qabsadan sida xiliga saladaha wax akhriska casharada tiifiga wada sheekaysiga waalidka iwm. Hawlaha qaar aad uma jecla ciyaalku sida maydhashada cadayashada waana kuwo muhiim ah marka isku day inaad kuwa ay jecelyiin kaga xidho kuwa ay ka caga jiidan. Si kale ciqaabta kale uga faa’idayso inay matalan ka galafato xisad u jecla una sharaxdo sababta

Tusaale ahaan haddu saaka tagay iskuulkii ka cadayasho la’aan. Waxaa dhici karta in galabta oo ahayd maalintii kubadda laga reebo. Marka sida lagu xukumayo waliba loo sharaxo. Ogaw waxani waa ilmo tarbiyadoduna waxay u bahantay qof u samra wayo qofka markiba sidad rabto kama dhigi kartid. Wa waqti lasiyo laguna celceliyo marka aad aragto iyago haye yidhi hadana ku noqday halkii waa in anad xanaaqin. Qof isku buuqsan o diiqad buxa ma qaban karo tarbiyadan o kale. Kan isaga aya u bahan in la daryelo. Ugu danbayn waxan kuso gunanaday mawducaygan aan kaga hadlayay tarbiyada ubadka in dhammaan waalidku xil iska saaran sidii loo hagaajin lahaa barbaarta ubadka waayo amnigeena ayaa ku xidhan hadba nooca ubadka ah ee inoo soo kacaya.
Waxa kaloon ad ula talinaya waalidka midkood kaligii koriyaubadka sida “Hooyada keliya ” in khatartu iyaga ku badan tahay .

W/Q : ladna Rashiid Cabdillaahi
ladnafarax@hotmail.nl

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *