Guushu waa maxay ? W/Q Siciid Xagaa.

Waa suuragal in qofka dhinac ka eego fisiraadda Guusha. hase yeeshee aniga waxaan ku soo koobayaa dhowr qodob oo macquul ila noqday.

1-Kalsooni: waa qodobka ugu xoogga badan ee aan ku tilmaami karo guusha in uu yahay isku kalsoonaan adiga naftaadaaad isku qabto, oo aad rumeysataa in aad tahay qof u qalma hoowshan, weliba aad aaminto in wax kasta aad sameyn karto oo aad heli doonto. waayo wax walba alle gacantiisa eyey ku jiraan.

2-Ficil: Inkasta oo ay u ek-tahay ama u muuqato guusha in ay tahay mid ku xiran Ficil, haddana waxaa fiican in qalbiga aynu ugu heyno jacayl iyo mahadnaq. sababtoo ah qofna iskii wax uma noqdo dad badan ayaa ka qeyb qaata koriimadada iyo horumarkaaga.

Waxaadna ku ogaataa in aad guuleysate tahay qalad ayaad sameyneysaa ma joojineysid haddana waad sii soconeysaa ilaa aad ka gun gaarto.

3-Daacadnimo: Dadaal kasta oo aad sameyso haddii aadan daacad ka aheyn ma guuleysto, waxaa fiican daacad ujeeddadeedu tahay mid sharaf leh xitaa haddii lagu xeyndaabo.

4-Abateed: ( magac kale waan u waayay Abateed ) Qofka shaqada uu qabanayo u soo jeeda ayaa ku guuleytsa ciyaaraha, laakiin wada shaqaynta aad la leedahay iyo sirta aad heleyso ayaa kaa dhigaya mid ku guuleysta horyaalka oo dhan.

5-Diyaar ahow: Guusha waa in aad diyaar u noqotaa mar kasta adigoo suagaya fursadaada. haddii kale waxaad noqon doonta qof hooskiisa eryaday.

W/Q: Siciid Xagaa Afrax.

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *