10 QODOB OO AAD KU GARAN KARTID GUURKA WANAAGSAN AMA DHISMAHA QOYS GUULAYSTA

Ma ogtahay akhriste in qof kasta oo inaga mid ah lab(male) iyo dhadig(female) uu masgaxda ku hayo in uu guursado ama uu dhiso goys wanaagsan,oo noloshiisa inta ka hadhay uu la qaato.hadaba baryahan waxaa ku soo badanaya aduunka qoysaska kala tagaya ama isfuraya(divorce) taas oo saamayn xun ku yeelanaysa bulshada.

Sababta oo ah waxay dhibta ugu badani waxay soo gaadhaysaa jiilka soo koraya ee ay kala tageen waalid kood, kuwaasi oo nolosha ka dhacaya mustaqbalkooduna mugdi galaayo.

Hadaba guurka guulaystay waxaa lagu ogaan karaa arimahan soo socda,oo aad ku ogaan karto hadaad xaas leedahay in qoyskaagu yahay mid guulaystay,balse hadaad doonayso inaad imika guri dhisto ama aad raadinayso lamaane kula dhisa qoys wanaagsan waa kuwan

Arimaha guurka guulaysta lagu garan karo.

1 in lamaanuhu balan iyo axdi wada galaan oo aanay maskaxdooda ku jirin inay mar uun kala xidhiidh furmi doonaan waana inay kal soonidooda dhisaan

2 waa inay wada leeyihiin dano guud oo ay ka midaysanyihiin taas oo looga jeedu inay is qiimeeyaan , si isku mid ah uga  fikiraan qoyskooda

3 inay isku xidhan yihiin wadaagaana dareenka jacalka

4 waa inay ku dadaalaan cibaadada ilahay kuna adag yihiin xidhiidhka ilaahay iyo rasuulkiisa (scs) iskuna dhiiri galiyan arinkaas

5 waa in ay is aminsanyihiin

6 ninku waa in uu dhaqaale iyo hawl karnimo damaanad qaado  si nolosha qoysku u hormarto

7 guurku waa in uu noqdo mid waalidiintu ku faraxsan yihiin oo duco iyo taageero qoysaska ay ka kala imanayaan lamaanu ay ku jirto.

8 waa inay lamaanuhu jacal isku guursadaan iyaguna is doortaan.iskuna qanacsan yihiin

9 waa inaad hagaajisaa shaqsiyadaada qofeed iskana ilaalisaa qalqalooca iyo wixii mad madaw keenaya

10 waa inaad isku daydaa inaad xakamayso cadhadaada iyo murugada markaad doonayso inaad qoys dhisto

Qore:Ahmed abdi yusuf(freelance journalist)

Email:axmed.4004@gmail.com

Check Also

qalbiga gabadha, jacayl, gabar,

Wax Ka Ogow Furayaasha Qalbiga Gabadha Lagu Kasbado

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *