Goobtada Shaqada Iyo Joogtaynta Caafimaadka

Caafimaadka jirka iyo maskaxdu waa mid marwalba u baahan kawarqab iyo taxadar goob walba oo qofku uu ku suganyahay. In badan oo kamid ah bulshada ayaa shaqeeya waqti badan oo xataa dhacda inuu ka badanyahay isku geynta xiliga ay hurdaan. Dadka qaar ayaa ka cawda xanuun iyo daal iyagoo iska indha tiraya in xanuunka ama daalkani uu ka yimid goobta shaqada. Ogaanshaha xaqiiqada ku salaysan in xanuunka ama daalku uu ka yimid goobta shaqada waxay sahli kartaa in qofku uu raadiyo sida uu u maarayn karo una joogtayn karo xalka xanuunka ama daalka keenaya. Qanaaco la’aanta goobta shaqada ayaa iyaduna keenta walwal iyo karaahyaysi kuwaasoo saamayn ku yeelan kara caafimaadka maskaxda. Hadaba maqaalkaan waxaan ku iftiimaynaynaa sida ugu haboon ee loo joogteeyo caafimaadka jirka iyo maskaxda xiliga shaqada.

Kurisiga: doorashada kursiga lagu fadhiisanayo ee goobta shaqada ayaa leh muhiimad aad u balaaran. Fadhiga badan ee lagu fadhiyo kuraas aan loo xulan wanaaga ay caafimaadka u leeyihiin xiliga shaqada ayaa keeni kara dhabar xanuun, daal, iyo murqo xanuun. Dooro kursi toosinaya qaybta danbe ee dhabarka una xoodan qaybta danbe, tani waxay ka hortagaysaa dhabar xanuun la dareemo xiliga shaqada iyo marka laga baxo shaqadaba. dadka shaqadoodu u badantahay fadhiga ayaa ah kuwa ugu badan ee ka cawda dhabar xanuun waxaana keena qaabka ay u fadhiyaan oo qaldan ama kursiga ay ku fadhiyaan oo aan lahayn taageerida qaybta hoose ee dhabarka taasoo ah meesha ugu badan ee laga dareemo dhabar xanuunka. Kursiga ayaa sidoo kale lagu dortaa qaybta la saarto gacmaha, dhabarka danbe ee kursiga oo ahaada shabaq ayaa lagu sheegaa inay tahay mid muhiimadeeda leh maadaama aysan huurinayn dhabarka kuna keenayn dhididka wax cadaadis ah.

Qaabka Fadhiga: ayaa ah mid tixgalintiisa leh, lugaha oo dhulka ku ah xagal sagaashan ah, waxay sahlaysaa socodka dhiiga ee lugaha oo si habsami leh u socda. Ha is-dhaafin lugaha tani waxay dhaawac ku keeni kartaa qaar kamid ah dareemayaashaa sida midka sayatik, waxay kaloo yaraanaysaa xadiga dhiiga ee ku qulqulaya lugaha. Fadhiga noocaan ah ayaa sidoo cilad ku keeni kara laf dhabarta maadama aysan toosnayn, waxaana dhici kara inay dhacdo cilad ay kamid tahay “Disc herniation” carjawda lafta dhabarka oo booskeeda ka soo baxdo.Toosi luquntaada hana eegin mid kamid ah dhinicyadaada waqti dheer, tani waxay dhaawac gaarsiin kartaa xididada iyo murqaha luqunta.

Akhriso: Sababaha Keena Xanuunka Dhabarka Iyo Garbaha & Xalka Ugu Haboon

Qalabka shaqada: qaabaynta qalabka shaqada iyo xafiiskuba wuxuu yareeya wareerka iyo madax xanuun ka dhalan kara xafiiska xiliga shaqada. Warqadaha oo loo qaabeeyo hab loo xasuusan karo goobta ay yaaliin waxay sahlaysaa inay fududaato shaqadu waxayna yaraynaysaa walwal ama wareer saamayn ku yeelan kara maskaxda. Ha u ogo’laan goobtaada shaqada waxyaabaha la xiriira dabka sida dhaawaca soo gaara fiilooyinka. Tani waxay khatar ku tahay nabad galyada qofka. In la hagaajiyo nadaafada qalabka iyo guud ahaan tan xafiiska ama goobta shaqaduba waxay ka qayb qaadanaysaa caafimaadka iyo qanaacada shaqada ee qofka. Waxyaabaha uduga ah sida barafuunada ama carfisooyinka oo loo isticmaalo xafiiska ayaa kordhin kara jacaylka maskaxda iyo wadnaha ee goobta shaqada, wallow aysan tani u wanaagsanayn dadka qaba neefta iyo sanboorka.

Socsoco: isku day inaad yarayso xiliga aad fadhido, ha beeldarayn jaanis walba oo aad u heli karta inaad ku socsocoto ama aad isku kala bixiso, waxay muhiimad u leedahay isu socodka dhiiga ee jirka, lafdhabarta iyo guud ahaan jirkaba. Socsocodka ayaa sidoo kale ka qayb qaadanaya in qofku uu dareemo furfurnaansho iyo firfircooni dheeri ah waxuuna awood u helayaa inuu qabto shaqo kale, socodka iyo iskalabixintu waxay yaraynayaan caajiska iyo daalka.

Cuntada: dad badan ayaan cunayn xiliga shaqada, waliba xiliga hadii ay shaqadoodu kusoo aado xiliga qadada. Maadaama uu jirkaagu iyo maskaxduba ay isticaalaan tamar waxay u baahanyihiin marwalba oo la qabanayo shaqo tamar dheeri ah. Joojinta cunada ayaa ka qayb qaadanaysa daalka qofka, waxaana haboon in la cuno cuntooyin ay ku yartahay baruurta uuna ku badanyahay barootiinku. Cunida lawska ayaa la aaminsanyahay inuu badiyo tamarta maskaxda uuna yareeyo daalkeeda.

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *