Gabdhuhu Si Fudud Kuma Sii Daayaan Ninka Dabeecadahaan Leh!

Qaar badan oo ka mid ah dadka ku xeel dheer cilmiga bulshada ayaa aaminsan in gabadhu ay tahay makhluuq in la raalli geliyaa ay aad u adag tahay, waxa ay leedahay halbeeg dabiici ah oo ay ku qiimayso ruuxa ay u aragto in uu qiimeeyey iyo kan kale waxa aanay laabteeda ku haysataa tilmaamo u gaar ah oo ninka ay ka hesho ay u aragto in uu yahay kii dhiqi lahaa ama raalli gelinayey, malaha waa sababta mar kasta gabadha jacaylkeedu uga go’aan adag yahay kan ninka.

Qormadeennan maantu waxa ay ina tusaysaa in ay jiraan dhaqanno iyo dabeecado haddii ay gabadhu ka hesho ninka ay si sahlan qalbigeeda ugu furayso, waxaana ka mid ah:

1. Ninka ay u aragto in uu yahay bulshaawi aan barashadeeda ka lahayn ujeedada ay inta badan gabadhu uga baratay ina rag ee ah damac iyo in uu karaamadeeda ka socdo iyo weliba qallafsanaanta lagu yaqaan ragga badankooda. Nin dabacsan ee naxariista iyo calool jileeca badan u muujiya.

2. Waxaa la aaminsan yahay in gabadhu ay ka sheeko iyo war badan tahay ninka:

inta badanna waxa ay jeceshay in sheekada iyo xogta soo marta ay la wadaagto cidda ugu dhow ee ay kalsooni ku qabto, dhibtu waxa ay ka dhacdaa ragga oo inta badan aan jeclayn warka iyo ka sheekaynta duruufaha iyo xaaladaha dadka kale gaar ahaan dumarka iyo qoysaska, sidoo kale ma jecla calaacalka iyo cabashada badan, waxaa iyaduna jirta in gabadhu ay jeceshay in ay mar kasta u cabato qofka ay kalsoonida u hayso sidaa awgeed mar kasta oo ay gabadhu damacdo in ay sheekooyinka ay xiisaynayso la wadaagto waxa uu jecel yahay in uu ku cabudhiyo ama halkooda ku joojiyo. Haddaba gabadhu waxa ay qalbigeeda u furtaa ninka ay ka dareento in uu u dheg raacinayo sheekadeeda, waxa ay jeceshay ninka marka ay u warramaysa indhaha indhaha u saara. Ninka marka ay gabadhu cabanaysa, xataa haddii aanu waxba la qabanayn si fiican u dhegeysta ee u muujiya calool dabac iyo in uu ka xun yahay dhibta dhacday. Gabadhu waxa ay jeceshay qof dhegeysta, ninka dhegeystaana si fudud ayuu qalbigeeda u xidhan karaa. Laakiin ha illoobin in indhaha oo si xooggan looga dhex saaraa ay gabadha ku beerto khajilaad iyo cabsi sheekada ka kala daadinaysa.

3. Dabeecad ahaan ayey gabadhu u jeceshay ammaanta:

Gabadhu waxa ay jeceshay ninka ammaana dookheeda, labbiskeeda iyo quruxdeeda. Ninka u sheega in ay tahay hawlkar si heer sare ah u qabsata shaqadeeda.

4. Gabadhu waxa ay jeceshay ninka ay gacan iyo garab ka hesho:

ninka ku dhiirri geliya shaqadeeda uguna sacab tuma waxa fiican ee ay qabato. Ninka gabadha ka gacansiiya go’aamada ay qaadanaysaa waxa uu mutaystaa kalsoonideeda, waxa aanay ka dhigataa dhufays iyo ehel ay ula soo cararto culays kasta oo ka hor yimaadda.

5. Gabadhu waa makhluuq qab badan:

waxa ay si gaar ah u danaysaa ixtiraamka iyo soo dhoweynta ay kala kulanto dadka ku xeeran, waxa aanay aaminsan tahay in ninku uu yahay noole madax adag oo aan hawl yari ugu soo tanaasulayn xushmaynteeda. Haddiiba ay aragto ninka oo u muujinaya ixtiraam, sida keliya in uu u ogolaado inay albaabka ka hor gasho ama ka hor baxdo, in uu kursiga u soo saaro si ay ugu fadhiisato, ama in uu isagu u soo qabto adeegyada sahlan ee ay u baahan tahay, waxa ay u aragtaa in u yahay nin fahmi kara nolosha amiirnimo ee ay rabto, si weyn ayaanay ninkaas qalbigeeda u siisaa.

6.  Gabadhu wax yaabaha ay ninka kaga duwan tahay waxaa ka mid ah in ay mar kasta is weydiiso:

su’aasha ah bal in uu ninku xasuusan yahay marka ay ka maqan tahay, waxa ay jeceshay in ruuxa ay jacayl u qabto qalbigiisu u noqdo hoy oo aanu daqiiqad keliya ka faaruqin xusuustiisa, laakiin haddana ma jecla in ay si toos ah u weydiiso bal in uu xasuusnaa muddadii ay kala maqnaayeen. Waxa ay raadisaa habab kale oo ay taas ku ogaato, waxaa fiican in ninku mararka qaarkood iyada oo aan filanayn hadyad u keeno iyo in uu farriin talefankiisa ama internet ka uga soo diro, isaga oo keliya u sheegaya in ay xusuusteedu qalbigiisa ku soo dhacday. Gabadhu ninkaas si dhayal ah kuma sii deyso. 

La Soco qeybta labaad…

Kamaal Marjaan

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *