Gabadha Ku Jecel Waxaa Lagu Ogaadaa Astaamahaan

Ma ku wareertay sidaad ku ogaan lahayd inay ku jeceshahay iyo inkale? Kaligaa ma ahan ragg badan ayaa kula qaba dhibtaas waayo way adagtahay dumarka in la akhriyo.

Hadaba waxaan halkaan kuugu ku haynaa 17 calaamadood oo lagu garto gabadha ku jecel ee kuu sheegan karin.

  1. Marka aad meelo kale eegayso iyada adiga ayay kugu maqantahay markaa soo eegtana wey kaasii jeedsanaysa iyadoo dhoola-caddeynaysa, taas macnaheedu waa inay aad kaaga heshay laakiin ay kaa xishoonayso.
  2. Waxay ku dedaashaa marwalba inay ku farxad geliso. Way kuu dhoola-cadeysaa, waxay kuu soo dirtaa sawirro “selfies” ah.
  3. Way ku canjishaa, waxay isticmaashaa erayada aad badanaa adeegsato, waxay adeegsataa halku-dhegyadaada mararka qaar iyadoo ku maadsanaysa, tani waa calaamad muujinaysaa inaad si dhab ah u soo jiidatay.
  4. Ma illowdo wax kasta oo aad ku tiraahdo ama aad u sheegto sababtoo ah si fiican ayay kuu dhageysataa. Waxay isku daydaa inay ka shactiraysato ama kugula kaftanto arrimo aad u sheegtay
  5. Mar walbo aad u sheekaynayso wey dhoola caddeynaysaa ama qosol yar ayeyna muujinaysaa.
  6. Kaftankaaga ayay jeceshahay markastana way ku qososhaa.
  7. Haddii ay kula murugooto marka aad murugeysan tahay,wey ku jeceshahay.
  8. Khaladaadka yar-yar ee kediska ah wax aanan dhicin ayey ka soo qaaddaa tusaale biyo cabitaan hadi lama filaan ugu daadiso waxba kama soo qaaddo balse saaxiibted ama walaalked ka yar oo la socdaan haddii ay sidaas yeelaan way ku qeylinaysaa.
  9. Marwalba sheekadaada ayey jeceshahay waana sababta maalin walba baraha bulshada ay kaala soo hadleyso.
  10. Waxay Iskudaydaa inee si sarbeeb ah kuu fahamsiiso nolosha Inay Kali ku tahay oo xilligaas wax xiriir ah aysan laheyn sidoo kale waxay kaa baar-baartaa inaa gabar saaxiib la tahay.
  11. Waxay kaaga xishootaa si xad dhaaf ah oo aysan dadka kale uga xishoon.
  12. Lacag kuma weydiiso wax dan ahna kama lahan lacagta ku soo gasha.
  13. Way ku yaqaaniin asxaabteedu. Gabdhaha saaxiibada ah wax walbo ayay isku sheegtaan, waxay doonaysaa inay ogaato sida gabdhaha asxaabteeda ah ay u arkaan ninka ay ka heshay.
  14. Haddii ay jeceshahay in ay wax ka ogaato qaabka aad dadka ula dhaqanto, ogoow wey ku Jeceshahay.
  15. Xasilooni ma hesho maalinta muuqaaga Iyo maqal-kaaga ay weyso sida goobaha aad fariisato, goobaha waxbarashada, baraha bulshada iyo meelaha la midka ah.
  16. Marwalba waxay kuusoo dirtaa calaamado jaceyl sida sawiro jaceyl ah ama qisooyin jaceyl.
  17. Haddii ay mar walba mowduuc keento, si ay kuula Sheekeysato oo kaliya, ogoow inay ku jeceshahay.

Qormadaan tan xigta waxaan kaga hadli doonaa calaamadaha lagu garto wiilka ku jecel, la soco.

Akhriso: Hadaad Isku Aragto Arrimahaan, Jaceyl Dhab Ah Ayaa Ku Haya

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *