Gabadha Aan Ninku Illaawin!(2)

Gabadha Aan Ninku Illaawin!(2)

Ninka aan Gabadhu Illaawin !

Waxaan ku hormarayaa Sifooyinka Gabadha aan Qalbiga Ragga ka go’in! Waxaanan u cuskanayaa, Diinta, Taariikhda, iyo Sheekooyinka Dhacay ee Tusinaya Ragga Qalbigooda Dumar ay Jeclaayeen ka go’i waayeen, si kastoo ayaamuhu u dheeraadaan, ama sanaduhu isu guraan..Intaas ayaan waxaan isku deyayaa inaan kala soo baxno Sifooyin ama Astaamo Dhawr ah, oo ay leeyihiin, Dumarka aan raggu illaawin. Waxaa kaloo dhici karta inaan Tusaalayaalka xooga mararka qaar ku dheeraanno si ay u caddaato waxa gabdhahaa lala illaawi waayey! Shakina kama jiro gabadh walbaa iney jeceshahay, iney noqoto, midda ninkeeda qalbigiisa hanata, hadey awoodana, noqota: midda uu jecelyahay inuu agteeda joogo hadh iyo habeen, maqalkeedana dhegihiisu ku raaxaystaan, arageedana indhihiisu ku doogsadaan, markuu ka maqnaadana naftiisu usoo hilowdo! Gabadh walbaa iney jeceshahay arrintaa shaki kama jiro, laakiin sidee lagu gaaraa? Taas ayaa u baahan dadaal iyo aqoon iyo fahmad iyo xikmad, hadii ay Astaamahaan si fiican u dhuuxdana waxaan rajaynayaa iney ka caawin doonto iney yoolkaa gaadho inshallaah..

1) Muwaafaqo:
Astaanta u horreysa ee ninku gacaladiisa ku jeclaadaa waa Muwaafaqada.. Iney tahay qof ogolaansha leh, U dhega nugul, garata wuxuu jecelyahay inta aanu ku dhawaaqin. Muwaafaqada waxaa ka mid ah: Maqalka iyo Adeecidda, Ixtiraamka Ray’igiisa iyo Qadarinta. Danteedu iney dantiisa noqoto.. Taladeedu Taladiisa tahay..Dhulkiisi iney noqoto si uu Samadeeda u noqdo..Haduu hadlo wexey u dhegeysataa sida macalinka ugu weyni adduunka uu hadlayo.. Hadduu amrana wexey diyaar utahay iney fuliso.

Raggu wuxuu jecelyahay inuu dareemo nin weyn oo muhiima oo la qaddarinayo hadalkiisa iyo go’aankiisa iyo taladiisa, oo loo baahanyahay! Tartan ama is isku dhererin haduu dareemo, dhagax ayaa kasoo horraynaya, halkii uu Ubaxa kasoo ridi lahaa, dhufayska ayuu qodanayaa, halkii uu dhabteeda ku gami’ lahaa, cabsi ayuu dareemayaa, halkii uu amaanka iyo nabad gelyada ku naaloon lahaa..

Tusaalaha jacayl ee u weyn ee la xusaa waa kii Nebiga Calayhi Salatu Wasalaam u qabey Khadiija Radiyallaahu Canhaa.. Markii Caa’isha Radiyallaahu canhaa inta masayrtay tiri: Maxaad mar walba ka sheegeysaa Habartii Quraish, Ilaahay wax ka khayr badan ayuu kuugu beddeley!) aad ayuu u Carowday Suubanuhu salalahu calayhi wasalam, wuxuuna ku yiri: Wallaahi Inaan Ilaahay wax ka khayr badan iigu beddelin, Wey i Aamintey markii Dadku igu gaaloobeen, Wey i rumaysay markii dadku i beeniyeeen, Xooleheedi ayey igu bixisay, Caruurtana Ilaahay iyada Keliya ayuu iga siiyey) halkaas wuxuu suubanuhu ku tilmaamay waxyaabah uu la hilmaami waayey Khadiija Radiyallaahu Canha..Markii waxyigu ku cusbaana wey garab istaagtey, markuu nafta u baqayna wexey ku tiri: Wallaahi Ilaahay kuma hoojinayo, Qaraabadaad xiriirisaa, oo martidaad soortaa, oo kii dhibban ayaad u gargaartaa).

Gabadha Muwaafaqada lihi waatan ninkeeda la jaan qaada, shaqadiisa la qabata, la talisa, garab taagan, iyadoo isaga ka dambaysa, oo aan gacan iyo af dhaafayn..Dhan kastaba waxa uu jecelyahay ayey jeceshahay, Indheheeda wuu ku weyn yahay, Mucaarado kama horgeyso, hadal uu dhibsado kuma tiraahdo, waxa uusan jeclayn kuma soo qaado, meel aanu jeclayn ma marto, halka raalinimadiisu tahay ayey raadisaa, Gabadha sidaas ihi Ninka qalbigiisa sidey kaga baxdaa wey adagtahay..

Balse wexeyba noqotaa ruuxa uu jecelyahay wanaageeda had iyo goor inuu ka sheekeeyo…Xusuus weyn qalbigiisa ku reebta. Gabadha sidaas yeeshay waa mid wax badan, rabitaankeedi uga tagtay kiisa, waa mid amarkiisa ku qaadatay mararka qaar iyadoon ku qanacsanayn, mar haddaanu wax diinta ka horyimaada ahayn.

Gabadhii Muwaafaqo lahayd rag waa hanatay, Gabadhii mucaaradada badnaydna rag kala tage!

2) Daryeel:
Daryeelku waa sifada labaad ee ay leedahay Gabadha aan ninku Illaawin. Wexey daryeeshaa Cunadiisa, wexey daryeeshaa gogoshiisa, wexey daryeeshaa aragiisa iyo maqalkiisa. Mar wexey u tahay sida hooyada, markaad aragto sidey ugu beer nugushahay oo uga fekerto calooshiisa, Marna waa Afo gaariya sida meeshuu seexdaa u dugaal iyo udgoon badantahay, Marna waa aroos caashaqa sidey mar walba u ilwaad quruxsantahay, oo u tookheyso! Haduu meel u koco, ama safar u hollado, alaabtiisu waa diyaarsantahay, jicsinkiisu waa xir xiranyahay.

Daryeel Gabadha ku sifowdey waxaa ilaahay hiba u siiyey iney ninka daryeesho, xanaanayso. Goor kasta uu soo galo gacaliyeheedu waxbaa u diyaarsan, isaga iyo martidiisu ma qadaan, waxna ma waayaan.

Waa gabadh aan guriga laga waayin, wel wel ayey ku haysaa inuu gacaliyuhu yimaado iyadoo maqan, marwalba uu joogo wey joogtaa, in dani kalifto mooyaane, soo dhowayntu wey kasoo horraysaa, uduga iyo dhunkashada albaabku waa dabcigeeda, fadhiisinta iyo deg dega adeegu waa mid lagu bartay..

Ninkeedu wuxuu is yiraahdaa: Ma janadii adduunkaa! Ma xuural ciintii la sheegay baa.. Ma mid adiga laguu soo diray baa! Wuxuu ku khasbanyahay inuu jeclaado, inuu caashaqo, inuu wuxuu hayaba u huro, iney beerka iyo wadnaha kaga dhegto oo aaney ka go’in..Markaasuu ku ducaystaa: Ilaahow hayga qaadin.. Maalinta uu ninku Gabadhaas waayo ama ay aakhira uga hormarto waa maalinta ugu murugo badan.. Malaha middaasoo kale waa tii dhaaftay Raage Ugaas Warfaa Allaha u Naxariistee, ka dibna uu ka tiriyey Tixdadan Tiiraanyada badan:

Kunbulkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?
Wixii laygu kuuniyay miyaa, igu karaamoobay?
Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?

Maantana kataankii miyaa, layga kala qaaday?
Kob abaar ah meel dhexe miyaa, koore ila meeray?
Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?
Kun iyo kow kurtood dumar hadii laysu wada keeno
kolna waxaana heli hayn haween faadumoo kale’e!
Mise waa middii uu ka yiri Abwaan kale oo Soomaaliyeed isagoo hilmaami la’ gacaladiisa, jacaylkeeduna saaqay oo ka samri la’:

. sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere
. inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya
. dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaaye
. dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya

Waa runtiis, gabadha wadnahaaga dhufsata lagama reebi karo, waana halka ay dumarku isku dhaafeen!

W/Q: Sh Mohamed Idris

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *