Gabadha Aan Ninku Illaawin!

Gabadha Aan Ninku Illaawin!

Gabadh waxaa jirta ninku aanu weligiis illaawin, qalbigiisa ayey degantahay, oo ku qorantahay, hadey ka maqantahay wuu ku riyoodaa, hadey la joogtana waa ku hadaaqaa, hadii wax fiican la sheegana heblaayaa sidaa samaysa weeye hadalkiisu.. Cabbaar haduu ka maqnaadana waa u xiisaa, markuu xageeda u socdana nashaad iyo farxad ayaa ka muuqata, markuu kasii socdana murugo iyo culays ayaa saaran.. Gabadhu mexey ninka ku samaysay? Ma sixirtay? Mise Suuradeeda ayuu la sakhraamay? Mise si kaleey u saamaysay? Kolleyba wixii uu ku arkay ayaa jira, bal aan weydiino mexey tahay sifooyinka gabadha aanu ninku weligiis illaawin?
Laakiin dhanka kale waxaa jira Nin aaney gabadhu hadey dhaqan la wadaagto weligeed illaawin, maanka iyo maskaxda u fadhiya, beerka iyo wadnaha ka dhex baxa, si kastoo sannaduhu u dheeraadaanna aaney marna ka samri karin, muxuu ninku gabadha kusoo jiitey? Ma sedkiisa adduunyo bey jeclaatay? Ma sawir fiican baa ilaahay siiyey? Ma dhabeecada uu deeqsiiyey ayaa jira oo gabadha wadnaha kasoo ridey? Kolleyba waxaa jira wax wey dumarku ku jeclaadeene, bal aan eegnu iyagana, inaan dhegeysanno si aan wax uga ogaano..

Horay ayaan mar wax uga iri, sifooyinka ragga iyo dumarka qaar, markaan sharaxnay xadisskii Ummu Zarac, laakiin waxaa meel iigu qornaa inaan mar uun kusoo noqdo, mar walba oo aan nolosha kusii jirnana waxbaa innooga kordhaaya, adduunkuna waa wada cibro cidii doonta iney ogaato..ee Hasugi waayin…..

W/Q: Sh Mohamed Idris

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *