Gabadh Kasta Way Jeceshahay Aabeheed Sababtoo Ah….

Gabadh kasta aad bay u Jeceshahay Aabaheed Sababtoo ah:

Waxay ogtahay inuu yahay Jaceylkeedi ugu horeeyay ee dhabta ahaa,

Waxay ogtahay in mar kasta agtiisa ay ka tahay Amiirad,

Waxay ogtahay inuu iyada darteed uga tallaabi karo Bad, u dhaqaajin karo Buur, u jeexi karo darbi,

Waxay ogtahay inuusan jirin cid weligeed u bedeli karta Jaceylkaa maalintey dhalatay u bilowday,

Waxay ogtahay inuu yahay Ninka keliya ee Aduunkan aan Marnaba waxyeelo u geysaneyn!

Gabar kasta Allaha u daayo Aabaheed, inti uu Aakhiro uga sii hormarayna Allaha u Naxariisto.

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

halkudhegyo, hadalo xikmad leh

Halkudhegyo Laga Faaidayo Casharro Muhiim Ah Iyo Waayo-aragnimo

Duruufaha adduun ee maalinlaha ah iyo waayoaragnimada qofku korodhsanayaa waa casharo muhiim u ah nolosha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *