Fikrado Romantic Ah Oo Gabadha Ku Caawinaya Inay Si Dhab Ah U Kasbato Jaceylka Saygeeda

Fikrado, romaantik, jaceyl, erayoAllah SWT wuxuu ka yeelay labada qof ee isqaba xiriirkooda xiriir muqadas ah oo karaameysan, mid walba wuxuu ka fakarayaa siduu usoo jiidan lahaa kan kale una ilaalin lahaa dareenka kan kale. Labada qof markay is guursadaan ma aha macnaheedu inay intaas ku egtahay arintu , balse waxaa loo baahan yahay in mid walba ku dadaalo siduu usoo jiidan lahaa kan kale, waxay noqon kartaa tusaale: hadal macaan, dhunkasho, hadiyad, is caawin , markuu mid heysto dhib inuu kan kale isku dayo inuu ka fududeeyo. qodobadan way kaafin karaan gabar waliba oo muslimad ah doonaysana in saygeeda uu raali ka noqdo kuna kasbato quruxdeeda, dumarnimadeeda iyo akhlaaqdeeda:

  • Markuu ninkaagu soo galayo guriga ku qaabil dhar qurux badan, cadar udgoon, dhoola cadeeyn iyo qalbi furan, xataa haduu soo daaho.
  • Markuu soo galayo guriga, ha ahaadeen caruurtu kuwa qurux badan oo farxad galinaya, caruurtana ku barbaari ineey soo dhaweeyaan aabahood mar walba oo uu soo galayo.
  • Maalin kasta warayso ninkaaga oo la sheekeyso waxaad ka wareysataa tusaale ahaan shaqada wuxuu kala soo kulmay maanta, hadalkana is weydaarsada si aan ku jirin muran iyo madax adeyg sida mustaqbalka waxaad rabtaan, ama waxa idinku soo kordhay.
  • Markuu meel ka soo laabto shaqada, suuqa, masaajidka, safar ama meel kale inaad tustid inaad u xiistay intuu kaa maqnaa, sida inaad ku dhahdo: waxay ila ahayd intaad iga maqneyd sanado ama illeen gurigu wuxuu la iftiimay adaa yimi.
  • Yuusan kaa dareemin inaad dhibsanayso haduu wax kuu dirsado.
  • Mararka qaarkood u samee waxyaabo filanwaa ah tusaale: Inaad u labisato si uusan waligii kugu arkin, Isagoo labisanaya jeebkiisa ugali warqad aad ku qortay sida: waligay cid uma jeclaan sidaan ku jeclahay iyo waan kuu soo xiisi doona ee isoo dhakhso si uu usoo saaro markuu maqanyahay warqada. Inaad sameyso casho macaan, una diyaariso hab sidii hore ka duwan, tusaale: inaad miiska ku sharaxdo ubax, mushamac Inaad hadiyad u keento ciidaha ama munaasabad gooni ah sida haduu shaqo helo oo kale, markaas uu dareemo inaad la wadaagto farxadda.
  • Isku day inaad ninkaaga u toosiso sida salaadda subax, salaatu leylka iyo wax lamid ah, sababna ha u noqonin ninkaagu inuu ka caajiso cibaadadiisa iyo waajibaadka kale ee saaran.
  • Ninkaaga waxaad ka dhigtaa mid firfircoon oo aan aheyn caajislow.
  • Markasta oo aad wanaag u sameyso ninkaaga, waxaad ogaataa inaad Illaahay agtiisa ajar kaga heleysid.
  • Ha faafinin ceebaha ninkaga, ee isku day inaad qariso.
  • Sirta adiga iyo ninkaaga iyo tan reerkaba ha faafinin ( ku fakar in hadaad fidiso sirtiina, dadka kugu sheekeystaan si ay shaaha kuugu cabaan, waxaadna ogaataa iney maanta amanadii dayacantay oo qofkaad aamin is dhahdo oo aad u sheegato sirtaada aad ka maqleyso bari iyada oo magaalada kaaga horeysa oo ay dadku ku sheekeysanayaan !
  • Isku day inaad xriiriso soona dhaweyso dadka uu jecelyahay sida waalidkiisa, walaalihiis iyo saaxiibadiis.
  • Ilaahaybaa mahad leh daaim oon dhamaanin, Rasuulkiisana naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato.
  • In aad u ilaaliso naftaada iyo maalkiisa markuu maqanyahay.
  • In aadan a ka bixin gurigaada ilaa idinkiisa mooyee.
  • Ninku wuxuu jecelyahay in ay xaaskiisa u dhoola cadayso. Marwalba waxay usiyaadisaa farxad.
  • In ay gabadhu ku mahdiso ninkeeda, maxaa yeelay waxay ku mahdineeysaa nicmada Illaahay ugu nimceeyay ninkeeda, kuna ilaaliyay nafteeda kuna arsaaqay.
  • In ay doorato wakhti ku haboon iyo dariiqo ku haboon markay ka doonayso arin ay u baahantahay in uu wax ka ogaado, iyada oo udooraneysa hadal wacan iyo asluub wacan.
  • In ay tahay gabadhu mid aad u dabeecad wanaagsan. . .
  • In ay tahay mid samir badan hadduu yahay faqiir.
  • In ay ku dadaasho in ay xiriiriso waalidkeed, qaraabada. .
  • In ay sheegto marwalba runta ay ka fogaato beenta.
  • In ay ogtahay in uu xaqa ninkeedu ka waynyahay xaqeeda.
  • In ay ogolaato wax walba oo wanaagsan oo ninkeedu rabo in ay ku adeecdo.
  • Waa in ay noqoto mid waxay rabto waydiisata ee raali galinaya.
  • Waa in aysan noqon mid ku kaaftoonta dhalinyara nimada, cilmiga iyo quruxda, sababtoo ah waxaas oodhan way dhamaan.
  • In ay tahay mid is nadiifiya oo nadifisa gurigeeda, jirkeeda iyo dharkeeda..
  • In ay adeecdo marku wax amro, waxa aan ka ahayn macasida Illaahay [Subxaanahu watacaalaa] iyo Rasuulkiisa [Salallaahu calayhi wasalam].
  • Markuu wax siiyo in ayna ku diidin.
  • In ayna u ogolaanin guriga markuu maqanyahay nin aan maxramkaaga ahayn ( nin ku gaya)
  • In ayna ninkeeda u sifeeynin qofkale oo ayna wax ka sheegin, sababtoo ah waa arin khatar ah oo aan u fiicnayn
  • In ay ku sifooto xishood.
  • In aynan diidin ninkeeda markuu firaashka ugu yeedho.
  • In ayna ninkeeda waydiisan furitaan, sababtoo ah waa xaaraan.
  • In ay hormariso waxa uu doonayo ninkeedu iyo amarkiisa, oo ay xataa caruurta ka hormariso hadduu wax waydiisto.
  • In ayna iskaga dhigin dharkeeda guri ama xaafad kale.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *