Farxad Gelinta Saygaaga ( Ninkaaga )


1-
soo dhoweyn qurxoon marka uu soo laabto.

Ninkaaga marka uu ka soo laabto shaqada, jaamacadda, safarka, ama wax kasta uu kaaga tagaywaxay doonto ha noqotee waa inaad kala hortagtaa salaan wanaagsan :

  • Ku qaabil weji furan oo farxadaysan.
  • Qurxin iyo barfuumin naftaada ah.
  • Hadalkaaga ku bilow war wanaagsan, warka xunna dib u dhig ilaa uu ka nasto
  • U maceey hadalka adiga oo markaasi ku qurxinaya   kelmado iyo jumlado jacayl xambaarsan.
  • Ku dadaal cunto aad u macaan oo si fiican looga soo shaqeeyey in aad u diyaariso, kuna dadaal diyaarinta cuntada wakhtigeeda inaysan dhaafin.

2-Is qurxin iyo cod macaan oo jilicsan   Walaashay  xaaska aheey kuuma habboona in aad u hadal jilciso qof aan ninkaaga ( saygaaga ) ahayn inta aadan guursan ka horna kuuma habboona in aad u hadal jilcisid ama u hadal macaanaysid qof ku geeya oo ku guursan kara.hadal jilcinta waxaa ay idin kala dhexeysaa adiga iyo ninkaaga ee maaha in dadka kale hortoodana inaad ugu hadal jilciso.

3- dhoolacadayn dhab ah iyo is qurxin jir ahaaneed.

  • Hagaajinta jirkaaga iyo ilaalintiisa mar walba
  • Waan in aad u xirataa saygaaga dhar qurxoon oo soo jiidasho leh iyo weliba barfuum ninkaaga sankiisa soo jiita
  • Waa inaad marwalba ku dadaashaa meyrashada, gaar ahaan marka aad ka baxdid wakhtiga caadada (period ), sidoo kale waa in aan jirkaaga laga helin ur aan la mahdin.
  • Ka fogow in ninkaaga marwalba la soo hor istaagtid ama uu kugu arko dhar washakhaysan iyo qaab daro jireed.
  • Mar walba isticmaal barafuumka, midabka iyo dharka uu jecel yahay ninkaaga.
  • Si joogto ah u beddel qaabka timahaaga u hagaajisid   iyo barafuumka aad isticmaashid IWM.
  • Waxaa kale oo muhiim ah in aad ka fogaatid wax walba oo been abuurasha ah gaar ahaan reerkaaga hortooda, haddii ay noqon lahaayeen waalidkaa ama walaalahaa. .

4- Galmada 

  • Waa in aad u deg degtaa mar walba uu ninkaaga kuu baahdo.
  • Jirkaaga mar walba nadiifi oo carfi inta aad awoodid, gaar ahaan waa inaad nadiifisaa dareeraha yimaada inta lagu guda jiro galmada
  • Ku dadaal mar walba afkaaga in uu soo maro hadalo macaan oo jacayl xambaarsan oo aad la wadaagaysid ninkaaga.
  • Ku dadaal qancinta ninkaaga gaar ahaan dhinaca galmada.
  • Waa in aad doorataa wakhti habboon iyo xilli munaasab ah xamaasadna u keenaya ninkaaga, adiga oo ku dhiiri gelinaya galmo, tusaale ahaan, marka uu ka soo laabto safarada, ciidaha isbuuca IWM.

5- ku qancidda wixii Allah ( SWT) ku siiyey 

  • Ma habboona in aad ka fekertid in ninkaagu yahay nin faqiir ah ama shaqa hoose uu ka shaqeeyo.
  • Waa in aad eegtaa markaasi qofka kaa liita oo kaa faqiirsan ama jiran, ama curyaanka ah, ee waxaad xusuusataa wixii Allah SWT uu ku siiyey oo nicma ah.
  • Waa in aad xusuusnaataa nicmada ugu weyn ee uu Alle uu bixiyo in aay tahay iimaanka iyo alle ka cabsiga.

6- Ha isku mashquulin wax aan qiime lahayn ee dunidan.

  •  Ha u qadarin dunidan in ay tahay rajadaada iyo waxa aad qiimeynaysid.
  • Ha waydiin saygaaga waxyaabo badan aan muhiim ahayn.
  • Qadarin la’aanta adduuntayadan maaha micnaheedu in aadan raaxaysan markaasi wixii adiga kuu fiican oo laguu oggol yahay oo xalaal ah, waana in aad in badan ka fekertaa mustaqbalkaaga aakhiro, si aad markaasi uga faa’iideysato wixii Allah SWT ku siiyey si uu Isagana uu kuu geliyo jannadiisa.
  • Ku dhiiri geli ninkaaga in uu yareeyo qarashka guriga, si lacag loo keydiyo oo markaasi lagu quudiyo masaakiinta, iyo dadka baahan ama lagu sadaqeysto dadka masaakiinta ah.

7- Mahadcelin

  • Rasuulka SCW ayaa waxa uu noo sheegay dadka ugu badan ee naarta gala in ay u badan yihiin haweenka waayo abaalka loo galay ma sheegaan in badan, wayna inkiraan wanaaga loo galay.
  • In aad ninkaaga (saygaaga ) u mahad celisaa waxaa ka dhalata in uu ninkaaga uu jacayl aad u badan kuu qaad, isla markaana uu ku dadaalo mar walba uu ku dadaalo wixii ku raali gelinaya oo aad ku farxaysid.
  • Haddii aadan u mahadcelin ninkaaga oo aadan ku ammaanin wanaagga iyo abaalka uu kuu galay niyad jab ayaa u imaanaya, waxaana laga yaabaa in uu isweydiiyo, maxaan u wanaajinayaa mar walba haddiiba aan abaal la iiga haynin

8- garab istaagid iyo taageerid.

Marka ninkaaga ay la soo gudboonaato la soo gudboonaato dhibaatooyin maaliyadeed, shil, jirro ama dhibaata kale waa in aad garab istaagtaa oo taageertaa isla markaana la wadaagtaa wixii dhib ah adiga oo markaasi siinaya lacag iyo hantida uu u baahan yahay, haddii aadan waxba haysana u muuji in aad mar walba garabtaagan tahay oo uusan keligii ahayn

9- Adheecidda ninkaaga

  • Waa in aad ninkaaga ammarkiisa qaadataa oo aad ku adheecdaa wax walba marka laga reebo wixii xad gudub ah oo xaraam ah.
  • Islaamka waxa uu qabaa in ninka uu hoggaamiyaha reerka yahay waa haddii uu buuxiyo shuruudaha laga rabo, xaaskana taageeridda ninkeeda talo bixin.

10-raali gelinta ninka marka uu caroodo.

Marka ugu horreysa isku day inaad ka fogaatid waxa carada keenaya, laakiin haddiiba ay dhacdo isku day in aad xaaladda dejiso adiga oo isticmaalay sidaan soo socoto :

1.    Haddii aad khaldan tahay raali gelin bixi.

2.    Haddii uu isaga khaldan yahay ha murmin hana qeylin ee u kaadi xaaladda inta ay ka degeyso, dabadeedna kala munaaqashood si nabad gelyo ku salaysan.

3.    Haddii uu guriga yimaado isaga oo caraysan dad banaankana ka soo caraysiiyey, ka aamus ilaa ay ka ba’do caradiisa adiga oo markaasi raadinaya dariiqad aad ku dejinaysid haddii uu daalan yahay, ama shaqada laga soo caraysiiyey ama haddii lagu soo xad gudbay. Su’aal badan ha weydiinin ama inaad ku adkaysato ogaanshaha waxa ku dhacay, tusaale ahaan, inaad dhahdid waa in aad ii sheegtaa waxa ka soo caraysiiyey, waa in aan ogaadaa wixii kaa soo caraysiiyey, waxbaad qarinaysaa, iyo xaq ayaan u leeyahay in aan ogaado waxaasi IWM.

11-dhowrsanaan iyo ilaalinta naftaada iyo guriga maqnaanshaha ninkaaga.

  • Ka ilaali naftaada in aad xiriiro mamnuuc ah la samaysid qof kale isaga maqnaanshihiisa.
  • Waa in aad ilaaisaa sirta reerka gaar ahaan galmada iyo waxyaabaha ninkaaga uusan jeclayn in ay dad kale ogaadaan.
  • Waa in aad si fiican u ilaalisaa guriga iyo haddii ay carruur jiraan.
  • Waa in aad ilaalisaa lacagtiisa iyo hantidiisa.
  • Banaanka ha aadin ninkaaga oo aan ogayn, haddii uu kuu fasaxana xijaabka xiro barfuumka bannaanka la aadaysidna ka fogow.
  • Waa in aadan oggolaan dadka gurigaaga imaanaya oo aan jeclayn ninkaaga
  •  Ha oggolaan in aad kula kaliyowdid meel qof ku geeya.
  • Wanaaji waalidka iyo qaraabada ninkaaga marka uu maqan yahay iyo marka uu joogo intaba.

12-u muuji ixtiraam ninkaaga reerkiisa.

  • Waa in aad si fiican u soo dhoweysaa saygaaga martidiisa,oo raali gelisaa gaar ahaan waalidkiisa.
  • Ka fogow wax walba oo mushkilad keeni kara adiga ninkaaga qaraabadiisa.
  • Ka fogow inaad saygaaga dhigto mowqif adag kala doorasho keeni kara adiga iyo waalidkiisa gaar ahaan hooyadiisa.
  • Si fiican u soo dhowey ninkaaga martidiisaadiga  oo markaasi u hagaajinaya goob ku habboon fadhiga iyo jiifka iyo weliba cunto aad u wanaagsan
  • Ku boori ninkaaga booqashada qaraabadiisa, kuna casuum gurigaaga.
  • Telefoon u dir waalidkiisa iyo walaalahiisa gabdhaha, u dir waraaqo farriin ah, u iibi haddiyado, oo garab istaag marka ay la soo gudboonaato dhibaatooyin ama musiibooyin IWM.
  • Maseyrka ama hinaasaha waa calaamadaha jacaylka xaaska ee saygeeda, laakinse waa in uu xadkiisa Islaamka jideeyey uusan dhaafin, tusaale ahaan maaha inaad aflagaado geysatid ama xan dad kale IWM.
  • Maaha in aad raacdid ama aad abuurtid shaki sal iyo baar midna lahayn.
  •  Waa in aad dulqaad yeelataa marka idiin wajaho faqri iyo duruufo adag.
  • Waa in aad u dulqaadataa haddii ay idiin soo wajahdo musiibooyin haleeli karta ninkaaga, ama carruurtaada, ama qaraabadaada, ama hantidaada ama adigaba sida shil gaari, cudur, geeri IWM.
  • Goorta ninkaaga uu xabsi galo, ama shaqada laga ceyriyo ama xarig kale loo geysto waa inaad dulqaad yeelataa oo ku dhiiri gelisaa ku sugnaanshaha dhaacada alle, iyo abaal marinteeda ay janno tahay.
  • Haddii six un uu kuula dhaqmo, macaamaladaada uu xumeeyo, xumaanta uu ku sameynayo dhaqan  wanaag ugu beddel.

15- ku taageeridda dhaacada Alle 

  • Iskaashi la sameey ninkaaga oo xusuusi mar walba waajibaadka saran iyo caabudidda Alle.
  • Ku boori saygaaga  in uu tukado uu tukado habeenkii salaatul layl.
  • Dhegayso oo akhri Quraanka adiga iyo ninkaaga.
  • Isla dhegeysta cajaladaha diiniga ah  iyo anaashiidooyinka adiga iyo ninkaaga.
  • Xusuusnow Alle mar walba oo xuskiisa badi  gaar ahaan fajirka ka dib iyo maqribka ka hor.
  • Isku day in aad ka qeyb qaadatid dacwadda alle iskuna day wax baridda dumarka iyo carruurta .
  • Ku dadaal barashada axkaamta Islaamkasi aad adigana u bartid dumarka.
  • Ku taageer ninkaaga howlaha uu hayo, adiga oo gacan siinaya u soo bandhig fikrado xikmadaysan adiga oo niyadda mar walba u dhisaya IWM.
  • Ku dhiiri geli jihaadka alle oo xusuusi adiga iyo carruurtiisa aad ku jirtaan maganta Alle.

16-guri hagaajinta la mahdiyey

  • Ku dadaal mar walba nadiif ahaansha guriga, qurxintiisa iyo hagaajintiisa.
  • Marba marka ka dambeysa beddel qaabka qurxinta guriga kana fogow isku dhex yaaca.
  • Si fiican ugu dadaal hagaajinta iyo diyaarinta cunto caafimaad leh.
  • Baro xirfadaha lagama maarmaanka ah ee maamulidda guriga.
  • Baro sida qaabka ugu wanaagsan ee ilma korinta

17- ilaalinta maalka iyo qoyska

  • Ha isticmaalin maalka ninkaaga adiga oo oggolaansho ka helin isaga sadaqaba Allaha ka dhigee, ilaa aad ka hubsatid in uu kugu waafaqsan yahay.
  • Ilaali gurigiisa, gaarigiisa, hantidiisa IWM inta uu maqan yahay.
  • Ku dadaal carruurta nadaafaddooda, dharkooda, IWM. Ku dadaal ilaalinta carruurtaada quudintooda, caafimaadkooda, waxbarashadooda iyo waxyaabaha muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.
  • Bar carruurtaada Islaamka, ugu sheekeey qisooyinkii rasuulka SCW iyo saxaabadiisa.

Qore : Al-Ustaad Mohamed Ali Juhaa

Check Also

khilaaf, isfahanka lamaanaha,

6 Qaab Oo Ninku Ku Xalin Karo Isfahmi-Waaga U Dhexeeya Isaga Iyo Xaaskiisa

Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *