Faa’idooyinka Waa Wayn Ee Basbaas Qajiga Iyo Nooca Ugu Waxtarka Badan

Basbaasku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka dunida aadka looga yaqaanno, In ka badan 62% dadka dunida ku nool ayaa xiiseeya cunnooyinka kulul ee basbaaska leh. 

Inkastoo basbaasku uu ku caan baxay kulaylka haddana waxaa ku jira faytamiinno iyo macdanno jidhka waxtar u leh, sida faytamiin c, faytamiin B6, faytamiin K, faytamiin A, choline, kalsiyaam, potassium, phosphorus iyo magnesium. Waxaa kale oo ku jirta maadada “capsaicin” oo faa’iidooyin aan la soo koobin karin u leh caafimaadka, lana dagaallanta cudurrada qaarkood. 

Hadaba daryeel magazine waxa uu halkan ku xusayaa illaa 8 faaido oo laga helo basbaaska kuwaas oo tijaabooyin iyo cilmibaadhisyo lagu xaqiijiyay. 

Ka hortagga cudurka kansarka: 

Basbaaska wuxuu alle ku abuuray maadada “capsaicin” oo disha unugyada kansarka, waxaana la arkay inuu ka hortag u yahay kansarka ku dhaca dhiigga. 

Dawaynta madax xanuunka: 

Ma ogtahay in cunista basbaasku ay kaa baabi’in karto madax xanuunka? Maadada “capsaicin” ee ku jirta basbaaska waxay dawo waxtar leh ka tahay noocyada madax xanuunka sida goonjabka, madax xanuunka isku jira ee loo yaqaanno “cluster headaches” iyo madax xanuunka sanqaroorka ee loo yaqaanno “sinus headaches”. 

Caafimaadka wadnaha: 

Basbaaska waxaa ku jira maado kale oo lagu magacaabo “Cayenne”, maadadani waxay hoos u dhigtaa heerka dufanka dhiigga ee loo yaqaanno kolestaroolka, waxayna ka hortagtaa xinjiroobista dhiigga, waxay kaloo mishaa guntamaha dhiiga. 

Isticmaalka basbaaska oo la joogteeyo waxay yareysaa halista cudurrada wadna qabadka iyo dhan-qalalka. 

Cudurka sonkorowga nooca 2-aad: 

Dadka qaba sonkorowga nooca 2-aad, waxaa lagula dardaarmaa inay basbaaska ku dadaalaan maadaama la arkay inuu firfiricooni ku abuuro ganaca si hormoonka insulin-ta ee yar uu u bato, kadibna sonkorta loo yareeyo. 

kalagoysyo xanuunka: 

Dadka qaba kala goysyo xanuunka waxaa ku badan maaddo la yidhaahdo substance P iyo dheecaanka “synovial” oo ah dhareer ku jira kala goysyada dhexdooda. Basbaas qajiga oo la cuno 6 jeer toddobaadkii waxay xakamaysaa soo saarista maadada Substance P ee ku jirta dhiigga. 

Miisaan dhimista: 

Basbaas qajigu waxa uu sare u qaadaa dheefsiga cunnada, wuxuuna gubaa dufanka, sababtuna waa maadada capsaicin oo laga helo basbaaska ee u samaysa kulaylka badan, taas oo caawisa gubista kalooriyada, dheefsiga cunnadana dedejisada. 

Dawaynta dheefshiid xumada: 

Maadada “capsaicin” ee ku jirta basbaaska, waxay ka hortagtaa dheefshiid xumada waxayna sifeysaa bakteeriyada dhibaatada leh ee caloosha, sidoo kalena waxay caawisaa soo saarista dheecannada muhiimka u ah caloosha. 

Wanaajinta niyadda: 

Cunnada kululi waxa ay qofka gelisaa farxad iyo furfurnaan badan, waayo kulaylka basbaaska ayaa maskaxda ku qasba in ay soo deyso dheecaannada kaarka iyo xanuunka dejiya gaar ahaan maadadda “Endorphin” oo la mid ah dawooyinka kaarka dejiya, korna u qaadda dulqaadka uu qofku u yeelan karo xanuunka, sidaa awgeed farxad iyo furfurnaan ayaa qofka laga dareemaa. 

Waa maxay khasaaraha basbaasku? 

Cunista basbaasku waxay kordhisaa laabjeexa iyo hurka caloosha marka uu qofka ku cusub yahay, laakiin waxaa la arkay markii la joogteeyo in boogaha gaas calooleedka uu dawo u yahay. 

Basbaaskee ugu waxtar badan? 

Waxaa la isku waafaqsan yahay in basbaaska cas uu ka caafimaad badan yahay kan cagaaran iyo kan huruudda ah. Haddii dawo ahaan aad u isticmaalayso basbaaska ku dedaal midka cas. 

W/D: Hirsi Ahmed

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *