Faa’idooyinka Shaaha Huruuda Leh Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee Uu Wax Ka Taro

Shaaha huruuda leh waa shaah dhireed dawo ah oo laga sameeyo geedka huruuda oo qoyan ama huruudda budada ah. Sida oo kale, shaaha huruuda leh waxaa lagu darsan karaa waxyaabo kale sida sinjiibiil, liin dhanaan, caano, malab iyo filfil si loo kobciyo dhadhankiisa wacan iyo nafaqadiisa.

Daraasad lagu daabacay joornaalka cunnada waxaa lagu arkay in huruuda oo lala isticmaalo filfisha ay aad u siyaadiso awoodda uu jidhku ku nuugayo maadada “curcumin” ee ku jirta huruuda. “Curcumin” waa maadada masuulka ka ah faaidooyinka tirada badan ee huruuddu ay xambaarsan tahay.

Haddaba qormadan waxa uu daryeel magazine ku soo gudbinayaa waxtarka caafinaad ee shaaha huruuda leh.

Difaaca jidhka:

Shaaha huruudda laga sameeyo waxa uu xoojiyaa difaaca jidhka sababtoo ah waxaa ku jira madooyinka liddiga ku ah mariidka, hurka, bakteeriyada iyo fayrasyada. Sida lagu arkay daraasado la sameeyay, huruuddu waxa ay la dagaallantaa infekshannada ka dhasha bakteeriyada iyo fayraasyada. Shaaha huruudda leh waxaa loo adeegsadaa in lagu daweeyo hargabka iyo qabowga.

Xanuunka arthritis:

Shaaha huruudda laga sameeyo waxa uu leeyahay awood hur bi’iye waxaana uu khafiifiyaa hurka iyo bararka bukaannada qaba xanuunka laabootooyinka galo ee “arthritis”. Waxaa loo adeegsadaa in lagu daweeyo xanuunada roomatiisamka iyo riixa ama tufta.

Kolesteroolka:

Maadada curcumin waxaa la arkay inay wanaajiso caafimaadka wadnaha iyadoo hoos u dhigta heerarka kolestaroolka xun ee “LDL”. Kolestaroolka LDL oo siyaada waxa ay kordhisaa halista wadne xanuunka, xanuunka xididka wadnaha ee loo yaqaanno “coronary artery disease” iyo dhan-qallalka, cabbista shaaha huruudda leh waxay yareysaa khatarahaan caafimaad.

Sonkorta dhiigga:

Huruuda waxay hoos u dhigtaa sonkorta dhiigga, waxay firfircooni siisaa hormoonka “Insulin”,

Daraasad la dabaacay sannadkii 2009-kii ayaa lagu arkay in huruuddu ay yareyso heerka sonkorta dhiigga iyo cilladaha mustaqbalka fog ee cudurka sonkorowgu uu keeno.

Ka hortagga dhaawaca beerka:

Maadooyinka liddiga ku ah hurka ee huruuda waxay ka hortagaan dhawaaca beerka ee ay sababaan cudurrada raaga ee ku dhaca beerka.

Caafimaadka dheefshiidka:

Huruuda waxaa la arkay inay wax ka tarto dhowr cudur oo mindhicirrada ku dhaca oo illaa iyo hadda aan dawo loo haynin, waxaa ka mid ah xanuunka lurka mindhicirrada ee loo yaqaano “Crohn’s disease, iyo xanuunka mindhicirrada kacsan ee loo soo gaabiyo “IBS”

Daraasad lagu daabacay “The Journal of Alternative And Complimentary medicine” ayaa lagu sheegay in huruuda ay yareeyso astaamaha xanuunka mindhicirrada kacsan, islamarkaana ay hagaajiso tayada nolosha ee dadka qaba cilladaan.

Xasuusta:

Huruuddu waxa ay ka mid tahay dhirta u fiican caafimaadka maskaxda isla markaana xusuusta kordhiya. waxaa la arkay in huruuddu ay yarayso halista cudurka xasuusta lumiya ee loo yaqaanno “alzaymar”..

Ka hortagga kansarka:

Cabbista shaaha huruudda leh, waxay kaloo faaido u leedahay ka hortagga kansarka sababtuna waa madooyinka awoodda badan ee liddiga ku ah sunta iyo hurka ee ku jira huruudda.

Niyad jabka:

Huruuda waxay dawo u tahay niyad jabka, sidaas darteed dadka niyad jabka qaba waxaa lagula dardaarmaa inay cabbaan shaaha huruudda laga sameeyo.

Sidee loo diyaariyaa shaaha huruudda?

  • Karkari 4 koob biyo ah ku dar 1 ama 2 qaaddo huruud fresh ah oo shiidan ah ama huruudda budada ah.
  • Dab gaaban ku karkari muddo 10 illaa 15 daqiiqo ah.
  • Ku darso malab, caano, liin dhanaan ama filfil si aad u wanaajiso dhadhankiisa.

Xilliga ugu haboon ee la cabbo shaaha huruudda leh waa subaxdii.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *