Erayo Jaceyl Oo Macaan

erayo jaceyl:

Rajadaydu waxay ku xirneyd kaliya maqalkiisa berri. Waxaan soo toosay aroortii xigtay maba joogaba oo mar hore ayuu baxay,meelaha Ayaan fiirfiiriyay waxaan arkay warqad miiska saran waxeyna u qorneyd sidan:

“Anigu ma kuu keeni laheyn ubaxa , laakiin fadlan ii ogolow inaan sharraxo sababaha aanan kuugu keeneyn.. markii aan intaa akhriyay markiiba waan qalbi jabay. Waxaan sii waday akhrinta.

“Marka aad isticmaaleysid kombiyuutarka, waxaad mar mar la kulantaa dhibaato kaaga timaada softwereka oo waxbaa kaa tirma ama kaa baxa waxaad ku qaylisaa shaashadda horteeda, markaasi waa inaan kugu badbaadiyaa faraheyga si aan kuu caawiyo oona dib kuugu soo celiyo barnaamijyada.

Mararka qaarkood furaha ayaad guriga isaga xirtaa laakiin aniga ayaa markiiba I soo wacdaa si aan kuugu furo, waxaad jeceshahay safarka laakiin had iyo jeer marka aad lumiso jidka magaalada , waa inaan ilaaliyaa indhahaaga si aan kuu tuso jidka.

Marka aad caajis dareento waa aniga qofka kaliya ee kuu sheekeeyo si aan kuugu sheego sheekooyin kaftan si aad farxad u dareento. Xitaa waxaan kuu sameyn karaa in aan ciddiyaha kaa jaro timahaadana aan kuu habeeyo jirkana aan kuu dhaasho.

Haddii uu jiro qof jaceyl qalbigiisa degay kaliya waa aniga qofkuu u dageyna wa adiga. Aniga ma aqbli kari waayin in aan ubaxa kuu keeno laakiin …
Markii aan akhrinta halkaa marinayo Ayaan illin ka celin waayay indhaheyga illaa ay qoysay warqaddii aan akhrinayay laakiin xiisaha qoraalka aan u hayay darted Ayaan sii watay akhrintii…
“ Hadda waxaad dhameysay akhrintii jawaabteyda haddii aad ku faraxsantahay fadlan fur albaabka kaa horeeya ee gurigeena waan taaganahay weliba aniga oo kuu wada rootigii aad jecleyd iyo caano hadda la soo lisay.

Waxaan ku deg degay in aan furo albaabka, oo waxaan arkay muuqaalka wejigiisa walaacsan,.Hadda waan hubaa in qofkan weligiis i jeclaan doono waxaanan go’aansaday inaan ka baxo ubaxa kali ah ee uu ii keeni lahaa kadib markii uu I tusay jacaylka aan u qabo mid ka si weyn. Waa jaceyl wata nolol . jaceylku waa mid lagu tusi karo xitaa haddii uu yaryahay, tiirarka jacaylka runta ahi waa uu taagan yahay … taasina waa nolosheena … Jacaylka, ma aha erayo uu ka guuleysto Muran.

W/T Siciid Xagaa
Injineerka dabiiciga ah.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *