Duruusta Nolosha

Macalin Biology ayaa barayay ardaydiisa sida dirindiir (diirdiir) ay isagu bedesho balanbaalis. Wuxuu ku yiri “labada saac ee dambe balanbaalistan waxay la halgami doontaa siday uga soo bixi lahayd qolofta ku dahaaran, qofna yuusan caawin.” Wuuna tagay.
Ardaydi waa sugeen wayna dhacday. Balanbaalisti waxay la rafatay inay ka soo baxdo qolofta, Arday ayaa ka naxay wuxuna go’aansaday inuu caawiyo siday u soo bixi lahayd, iskana dhegatiro waanadi macalinkiisa. Wuxuu jebiyay qolofti si ay uga soo baxdo oo aysan u halgamin wax badan. Balse wax yar ka dib balanbaalisti waa dhimatay!
Goortii macalinka soo noqday, waxaa loo sheegay wixi dhacay. Wuxuu u sheegay ardaygi “caawintaada darteed ayaa dishay balanbaalista sababtoo ah waa sharci Rabaani ah oo Alle ugu talagaly in halganka ay kaga soo baxayso qolofta uu run ahaantii ka caawiyo in uu horumariyo xoogna siiyo garbaheeda. Wiilki ardayga taa ayuu u diiday.”

Tani aan ku dabaqno nolosheena. Wax qiimo leh nolosha lama helo lamana gaaro halgan la’aan & in la dhibtoodo. Marmar dadku waxay waxyeelaan kuwa ay jecel yihiin sababtoo ah uma oggolaadaan inay nolosha halgamaan, sababtoo ah ma fahansana xikmada Alle & Aduunkan in la dhibtoodo si adkeysi, waaya aragnimo & xoog loo helo.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *