Dhibaatooyinka Halista Ah Ee Isticmaalka Baraha Bulshada [WARBAAHINTA BULSHADA]

Horumarka tiknoolajiyadda awgeed barahaha bulshada ayaa noqday mid cid waliba heli karto, in kasta oo dhinacyo togan ay leeyihiin barahaani, haddana waa seef laba af leh.

Isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada ama u isticmaalka siyaabo khaldan ayaa keena dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin kuwa nafsi ah, kuwo bulsheed iyo kuwa caafimaadba.

Dhibaatooyinka isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha lagu wada xidhiidho

1. Hurdo yaraan iyo hurda la’aan:

Badanaa qof kastaa waxa uu daalacdaa baraha bulshada, isla wakhtiga sariirta ka hor, taas oo saamayn taban ku yeelata tayada hurdada iyo dareenka hurda la’aanta, cilmi-baarayaashu waxa ay tilmaameen in iftiinka ay soo saaran taleefoonada casriga ahi uu saamayn ku yeesho soo deynta Melatonin, kaas oo ah hormoonka mas’uulka ka ah hurdada, sidaas darteed waxaa fiican in aad ka fogaato baraha bulshada gaar ahaan amin ku habboon inta aadan seexan ka hor.

2. Saamayn maskaxeed:

Cilmi-baarisyadii ugu dambeeyey ee uu Maraykanku sameeyay, gaar ahaan tii lagu sameeyay Jaamacadda New York, dadka barta Facebook adeegsada waxa ay soo bandhigeen cilmi-baarayaashu in 76% ka qayb-galayaashu bartan ay isticmaaleen inta ay socdeen, 40% markii ay baabuur wadeen, 63% markii ay dadka kale la hadlayeen. Baarayaashu waxa ay xoojinayaan in kororka boqolleyda isticmaalka baraha bulshadu uu siyaadinaayo isu-dheelli-tir la’aanta habka garashada iyo hab-dhaqanka maskaxda.

Isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha lagu xiriiro waxa ay khalkhal ku keenaan shaqada maskaxda.

3. Urugo/ uurkutaallo:

Dadka adeegsada baraha bulshada badankood waxa ay kala kulmaan niyad-jab dadka kale, cilmi-baaris Canadian ah waxa ay tilmaameysaa in dhallinyarada baraha bulshada daalacda wax ka badan saddex saacadood maalintii in ay leeyihiin astaamo niyad-jab, welwel, cadaawad iyo in ay ka go’doomaan dadka kale.

4. Feejignaan la’aan:

Balwad ka dhigashada baraha bulshadu ku xiriirto waxa ay keenaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin culays iyo hurdo yaraan, taas oo iyana saamayn ku yeelata awoodda diiradsaaridda qofka, hoos u dhac ku yimaada feejignaantiisa iyo ardayga oo awoodi waaya in uu cilmiga si wanaagsan u qabto.

5. Wax-soo-saarka shaqada oo hooseysa

Cimi-baaris ay samaysay Jaamacadda Maryland waxay tilmaantay in baraha bulshadu ay carqaladeeyaan wax-soo-saarka shaqada, taasna waxa wacay dad badan ayaa daalacda baraha bulshadu ku wada xiriirto marka ay shaqadooda ku guda jiraan taas oo saamayn weyn ku yeelata tayada shaqadooda.

6. Ka go’doomidda bulshada:

In kasta oo xidhiidh bulsheedka u dhexeeya dadka loo maro habka warbaahinta, haddana waa xiriir mala-awaal ah kaas oo dad badani ay ku lumiyaan xiriirkoodii dhabta ahaa ee bulshada, yaraanta waraysiga tooska ah ee dadka iyo dhexgal la’aanta hawlaha kala duwan ee bulshada, ayaa ku keena adeegsadayaasha baraha bulshada u adeegsada sida xad-dhaafka ah in ay ka go’doomaan dadka kale una janjeedhsadaan dhinaca kelinimada.

7. Raadaynta niyadda:

Baraha bulshada ayaa saamayn deg-deg ah ku yeelan kara niyadda qofka kaas oo loo maraayo qoraallada kala duwan ee saamayn togan ama taban ku yeelan kara. maadaama qoraallada xun xumi ay door ku leeyihiin in ay sababaan niyadxumada, dareenka walaaca iyo welwelka.

8. Saamaynta caafimaad:

Isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada ayaa saamayn ku yeesha caafimaadka aadanaha. Cilmi baaris ay samaysay Jaamacadda Milano ee dalka Talyaaniga Waxay daaha ka rogtey in saacadaha badan ee lagu dul qaato telefoonka laga isticmaalayo baraha bulshadu uu aadanaha ku keeno xanuuno. Waxa uu tilmaamay Joornaalka iskuulka kalkaalisada (Journal of school Nursing) in isticmaalka Internet-ka guud ahaan in ka badan 14 saacadood maalintii ay dhibaato caafimaad ku keento habdhiska difaaca dhiigkarna ay sababto.

_______________________________
W/T: Mukhtaar Cabdi Axmed
Waxa tifaftiray: Madasha Hoobaan
Tixraaca asalka ah : https://al-ain.com/article/harms-excessive-social-media

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *