Dhaqanka Isu Xoogsheegashada Caruurta Iyo Hababka Loola Macaamilo

Dhibaatooyinka ugu badan ee ay la kulmaan dadka barbaarinta iyo korinta carruurta ku hawlani waa dhaqanka ah cawaanadadda ama u xoog-sheegashada ay carruurta qaar kula kacaan carruurta kale ee facooda ah ee ka itaalka yar.

Maadaama oo uu dhaqankani dhibaatooyin caafimaad darro oo khatar badan ku keeno ilmahana waxa dunida ka socda ololeyaal xooggan oo dhaqankan lagu tirtirayo; kaas oo ay ka mid tahay in waalidka la baro dhibta dabeecaddani leedahay iyo siyaabaha ugu fiican ee ilmaha looga jari karo, sida oo kalana ilmaha la siiyo duruus iyo waano ka jaraysa dhaqankaas.

U Xoogsheegashadu waa dhaqan ilmaha ku riixaya caadaysiga in uu dhibaato jidheed ama aflagaado iyo ereyo cay ah kula kaco ilmaha kale ee da’diisa ah, kana dhigto caado soo noqnoqota. Inta badanna ilmaha xoogsheeganaya / cawaandadoonayaa waxaa jira wax uu kaga duwan yahay carruurta kale oo dhaqankan u fududaynaya, tusaale ahaan in uu ka xoog badan yahay carruurta kale, in uu ka shacbiyad badan yahay oo carruurta kale ee ku xeerani ay isaga la jiraan ama jecelyihiin, ama in ilmuhu uu ka soo jeedo qoys ladan ama meel sare bulshada ka jooga, sidaas awgeed uu dhibaataynayo carruurta uu u arko in ay ka hooseeyaan.

Xoogsheegashadu waxa ay noqtaa qaabab kala duwan oo aynu ka sheegi karno:

  1. Cawaandad jidheed, sida in jidh ahaan uu ilmuhu ugu xadgudbo ilmaha kale; waxaa ka mid ah garaacista, xamaamta ama qalabka ilmaha kale oo uu si badheedh ah u burburiyo ama uga jarjaro, ama in uu xoog kaga qaado.
  2. Cawaandad iyo aflagaaddo hadal ah, sida cayda, quudhsiga iyo yasidda, ku dheeldheelka, u hanjabista, iyo in naanayso iyo magaco fool xun ilmaha kale uu u bixiyo.
  3. Cawaandad bulsho; waxaa ka mid ah in ilmuhu isaga oo carruurta kale is xigsiinaya uu abuuro xaalad isaga iyo kuwa kalaba ay iska indha tiraan, dhinac u faquuqaan ama ciyaaraha ka fogeeyaan ilmaha kale. Waxa kale oo dhacda in dacaayado iyo hadallo khajilaad abuuraya ay ka faafiyaan ilmaha oo carruurta oo dhami is gaadhsiiso.
  4. Cawaandadda nafsiga ah, sida si fool xun ama xaqiraad iyo cay u dhiganta oo ilmaha loo eego, ilmaha oo lagu dheeldheelo lana dareensiiyo in aanu macno ku dhex lahayn bulshada.
  5. Cawaandadda Elektarooniga; waa ilmaha oo lagu xaqiro ama looga soo hanjabo internet ka, iyada oo farriimo loo soo dirayo, ama warar ceebayn iyo sharaf dhac uu u arkayo lagaga faafiyo baraha bulshada. Waxa kale oo dhacda in la xado xisaabtiisa baraha bulshada iyo talefankiisa kaddibna xogta ugu jirta la faafiyo.

Waa maxay sababtu?

Waxaa laga yaabaa in su’aasha u horreysa ee aad is weydiinaysaa ay tahay sababta ilmaha ku kallifta in uu cawaandad iyo u xoogsheegasho kula kaco carruurta kale

Sababo badna ayaa ay xeeldheereyaasha cilminafsiga carruurtu sheegaan, waxaa ka mid ah ilmaha oo marka hore cadho badan ka qaba xaaladdiisa guriga, kaddibna doonaya meel uu cadhadaas iskaga faaruqiyo. Duruufaha qoyska ee aan xasiloonayn, tusaale ahaan labada waalid oo xidhiidhkoodu xun yahay khilaaf badanina soo dhex galo, ilmaha oo guriga ku dareemaya faquuqni iyo yasid oo doonaya in uu xaqiijiyo in aanu ahayn qofka la moodayo ee fulayga ama doqonka ah, iyo ilmaha oo dadka guriga kula nool ka tirsanaya xaqiraad iyo faquuq ayaa kallifa in uu dhaqankan ku kaco. Imuhu marka uu dhaqankan ku kacayo waxa uu inta badan doonayaa in uu carruurta kale tuso awooddiisa iyo sarrayntiisa ay tahay in ay aqoonsadaan. Mararka qaarkoodna carruurta qoysaska ladan ka soo jeeda ee qaabka kibirka iyo qabka ah lagu ababiyo ayaa kula kaca carruruta saboolka ay u arkaan ama ka hooseeya. Waana ay dhacdaa in mararka qaarkood ilmuhu hawhsan u samaynayo keliya si uu qosol iyo maadays uga dhigto, saaxiibbadiisa kalana ku maaweeliyo, ama in uu noqdo hoggaamiyaha carruurta ay isku jaalka yihiin, si taasi ugu suurtagashana uu mid ka mid ah sadqeeyo oo faquuq, cawaandad iyo xumayn kula kaco iyada oo saaxiibbadiisa kalana u jiibinayaan.

Xogo muhiim ah

Sida ay faafisay shabakadda Aljazeera, tira koobyo lagu sameeyey heerka cawaandadda iyo u xoogsheegashadu ka marayaan meelo kala duwan oo dunida ah, ayaa lagu ogaaday in guud ahaanba adduunka:

  1. Afartii carruur ah ee kastaba mid ayaa la kulma cawaandad; carruurta qaarkoodna waxa uu xaalkoodu gaadhaa in auy naftooda dilaan ama in loogu taag waayo waxbarashada, noloshana ay ugu dambaynta ka dhacaan.
  2. Shantii carruur ah ee kasta mid ayaa ku kaca cawaandad iyo in uu dhibaato u xoogesheegasho ah gaadhsiiyo carruurta faciisa ah ee dugsiga ama goobaha kale ee carruurtu isugu yimaaddaan.
  3. Boqolkiiba 8 carruurta adduunka ayaa waxbarashada ka maqnaada ugu yaraan hal maalin bishii, sabab la xidhiidha cabsi ay ka qabaan cid ku cawaandadoota iyo u xoogsheegasho ay jaalkiisa waxbarashadu kula kacaan.
  4. Boqolkiiba 43 carruurta adduunka ayaa ka baqa in lagu xadgudbo, lagu fara xumeeyo ama ficillo ku dhow lagula kaco marka ay suuliga dugsiga tagaan.

Sababo kale

Waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in sababta carruruta ku kallifta dhaqankani aanay ahayn in ay yihiin carruur xun. Carruurtu waxa ay ku kacaan habdhaqann iyo ficillo badan, oo aanay qasab ahayn in ay ka turjumaan qofka ay run ahaan yihiin iyo dabeecadahooda shakhsiga ah. waxaana jira sababo badan oo carruurta ku kallifi kara in ay ficilka cawaandadda ama u xoogsheegashada kula kacaan carruurta kale, kuwaas oo aynu ka xusi karno:

Ilmaha oo guriga ama dugsiga kula kulma u xoogsheegasho ama dhibaatayn kale

Waxaa mararka qaarkood dhacda in ilmuhu uu dhibaato, xaqiraad ama quudhis iyo u xoogsheegasho ka tirsanayo labadiisa waalid midkood, ama cidda kaalinta waalidka ugu jirta  walaalihii walaalihii. Waxa kale oo dhici karta in uu guriga ama dugsiga ku arko carruur lagu cawaandadoonayo ama loo xoogsheeganayo, kaddibna uu u arko in ficilkaas oo uu sameeyo u uku kasbanayo awoodda iyo ixtiraamka carruurta kale ee samaysaa ku dhex leeyihiin dugsiga ama carruurta ku xeeran. dhaqannadaas oo dhami waxa ay ilmaha ku riixaan in uu isaguna markiisa carruurta kale kula kaco falal cawaandad iyo u xoogsheegasho ah.

  1. Xiise uu u qabo soo jeedinta dareenka waalidka ama macallimiinta ama saaxiibbada dugsiga

Mararka qaarkood waxaa dhacda in ilmauhu uu dareemayo in dadka ku xeerani aanay dhaadsanaynba jiritaankiisa, ama ay quudhsanayaan. Waxa uu dareemaa labada waalid ama midkood oo uu u arko in aanu jacayl u haynin, ama macallimiinta iyo saaxiibbadiisa dugsiga oo uu ka tirsado in aanay kaalintiisa aqoonsanayn. Dareenkani waxa uu ilmaha ku kallifaa in u uku kaco habdhaqan uu u arko in uu dareenka dadyowgan si qasab ah xaggiisa ugu soo jeedinayo.

  1. Ammaan darro uu dareemo ama kalsoonida uu naftiisa ku qabo oo yar

Marar badan waxaa dhacda in ilmuhu uu dareemo in aanu haysan taageere ama shakhsi jacayl dhab ah u qaba oo uu magangelyo ka raadsado xaaladaha adag, waxaa kale oo dhacda in kalsoonida ilmuhu naftiisa ku qabaa ay ka hoosayso intii dabiiciga ahayd.  Arrimahani waxa ay ilmaha ku riixaan in isaga oo aan is dareensanayn uu raadsado qof ka liita itaal ahaan ama nafsad ahaan, oo uu kula dhaco ciilma u qarsoon.

Marka uu qofkaas kula kaco dhibaatayn iyo xaqiraaad ama garaacis ayaa uu isaguna dareemaa in uu muhiim yahay ama uu leeyahay shacbiyad iyo taageero ama in uu saamayn ku yeelan karo dadka ku xeeran.

  1. Haddii isaga hore loogu cawaandadooday

Haddii ilmuhu uu hore ula soo kulmay cawaandad iyo u xoogsheegasho badan waxa ay kaga tagtaa raad nafsadeed oo uu mar kasta raadiyo cid intii ku dhacday oo kale uu kula kaco. Waxaa dhici karta in u uku abuurmo dareen ah in habdhaqankaas ku dhacay uu yahay ka saxda ah ee qofku haddii uu sameeyo bulshada ku xeeran kaga kasban karo xurmayn.

Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in ilmuhu uu ku biiro koox isu bahaysatay u xoogsheegashada carruurta kale, iyada oo sababta ku kallifaysaa ay tahay keliya cabsi uu ka qabo in haddii aanu iyagaraacin uu isagu noqon doono dhibbanaha xiga ee ay kula kici doonaan dhaqankan. Marka uu iyaga dhexgalo ayaa uu dareemaa awood iyo in uu bulshada qayb ka yahay, sidaas awgeed waxa uu jecel yahay in uu ka mid noqdo.

  1. Dareenka ayaa aanu maamuli karin

Xaaladah qaarkood u xoogsheegashada ilmuhu waxa ay ku timaaddaa dabeecad cadaawadeed ka dhalata dabeecad xumo iyo ilmaha oo aan ka adkayn in uu cadhadiisa xakamayeeo. Niyadxumo ilmaha la soo derista ayaa iyaduna ku kallifta dabeecadda ah in uu carruurta kale u xoogsheegto.

Xaaladdan oo kale xeeldheereyaasha cilminafsigu ilmaha waxa ay ka caawin karaan sida ugu habboon ee uu dabeecadihiisa u xakamayn karo, iyo in ay wanaajiyaan awooddooda bulsho dhexgal.

  1. Ilmaha oo aan garanayn heerka ay gaadhsiisantahay dhibta uu geysanayaa

Mararka qaarkood carruurta waxaa dhaqankan ku kallifa ilmaha oo maskaxdiisu aanay awood u lahayn in ay qiimayso culayska dhibta uu ilmaha kale u geysanayo. Waxa ay xaaladdani ku badantahay marka uu ilmuhu da’ ahaan aad u yar yahay.

Xal u raadinta dhaqanka cawaandadda ee ilmahaaga

Nooc kasta oo uu yahay u xoogsheegashada ama cawaandadda uu ilmahaagu ku kacayaa, waxaa muhiim ah in aad ogaato xaqiiqada ah in xaaladdiisu sii xumaan doonto, gaadhina karto in u uku kaco falal xadgudub iyo dembiyo ku noqda oo bulshada ku aaddan, iyo in dhaqankani uu caqabad ku boqon doono guulaha iyo awooddaha qofeed ee uu bulshada kaga dhex muuqan kara mustaqbalka.

Hababka ugu fiican ee aynu dhaqankan carruurta uga dabiibi karnana waxaa ka mid ah:

  1. Xidhiidh toos ah oo aynu la samayno

Tallaabada koowaad ee ay tahay in aad qaaddo marka aad ogaato in ilmahaagu dhaqankan sameeyo, waa in aad si cad oo toos ah ugala hadasho, adiga oo aan ka dhigayn canaan dhinacaga ka socota, balse dareensiinaya in aad diyaar u tahay in aad isagana dhegeysato.

Dhegeyso waxa uu isagu ka sheego habdhaqankiisan, sida uu u macaamilo marka uu carruurta kale ku cawaandadoonayo iyo sababta ku kallifta. Iska jir canaanta badan, waayo ilmuhu waxa uu u baahan yahay in uu barto in qaladaadka uu galay oo uu qirtaa aanay sababayn dhibaato ku dhacda. Isku day in aad fahamto sababta runta ah ee ku riixaysa dhaqankan iyo halka ay dhibtu ka timi si ay kuugu suurtagasho in aad daweyn karto.

Inta badan ilmaha u xoogsheegashada ku dhaqmaa waxa uu eedda dembiga oo dhan ku riixaa kuwa kale. Macnuhu ma’aha in uu been sheegayo ama doonayo in uu been kuu sheego, balse waa in uu dunida u arko hab marmarsiinyo u noqon kara habdhaqankan, waxa aanu ku dadaalayaa in uu helo sabbo macquul ka dhigaya in falkan uu ku kaco. looma jeedo in aad marmarsiinyihiisa aqbasho, balse waxaa loo jeedaa in aad dareensiiso in aad dhegeysanayso, kaddibna qaladiisa tusayso. Waa in aad u sharraxdo in habdhaqankan u xoogsheegashada carruurta kale ahi uu yahay habu u isagu kaskiisa ku doortay, qof kastaana uu masuul ka yahay waxa uu isagu doorto. Ka caawi in uu fahmo raadadka taban ee habdhaqankiisani uu dadka kale ku yeelanayso, tusaale ahaan weydii bal waxa uu isagu dareemi lahaa haddii uu yahay qofka loo xoogsheeganayo, kaddib jawaabta uu ku siiyo dood uu fahmi karo kala gal.

Ficil kastaa abaal marin buu leeyahay

Waxaa muhiim ah in adiga oo aan ciqaabin haddana uu ilmahaagu fahmo in dhaqanka u xoogsheegashadu uu yahay mid aanad aqbali karin, si dhibyarna u dhaafi doonin. Waxa jira habab kala duwan oo ilmaha aad u ciqaabi karto adiga oo aan garaacin. Tusaale ahaan ilmaha oo aad ku ciqaabto in aad ka joojiso isticmaalka iyo ku ciyaarista qalabka elektarooniga ah sida taleefanka gacanta ama isticmaalka internet ka. Haddii uu yahay carruurta jecel bixista iyo la ciyaarista asxaabta waxa aad ku ciqaabi kartaa in aad muddo ka joojiso.

Waxa se mar kasta waajib ah in ciqaabta waalidku ay noqoto mid muddo gaaban ah, natiijo la taaban karaana ka dhalato.

Taageer tallaabooyinka anshax marinta ah ee dugsigu arrintan ka qaato

Waxaa lagama maarmaan ah in waalidku uu taageero ciqaabta uu dugsigu marinayo ardaygiisa dhaqankan lagu arko. Laakiin dugsiguna waa in uu marka hore waalidka tuso nooca ciqaabta si uu u hubiyo in ay u dhiganto dembiga loo haysto iyo in aanay ilmaha dhibaato gaadhsiinayn jidh ahaan iyo nafsad ahaan labadaba.

Waa hab fiican oo ilmuhu ku baranayo in falalka u uku kacayaa ay keenayaan ciqaab. Waalidku waa in uu la socdo habdhaqanka ilmihiisa, iyo isbedellada hadba ku soo kordhaya si uu uga feejignaado in habdhaqanka ilmuhu uu jidk saxda ah ka baydho.

Guriga ka biloow

Carruurta ku nool deegaan ay ku badan yihiin khilaafka, aflagaadada iyo ereyayada anshaxa ka baxsan ama gacan ka hadal jidhkooda dhibaato la gaadhsiinayo, waxa ay inta badan la soo baxaan dabeecad ah in ay iyaguna ku dhaqmaan dhaqan la mid ah isla kaas deegaanka ay ku barbaareen ka jiray. Waalidku waa in uu hubiyo in habdhaqanka labada waalid iyo guuda haan guriga ka jiraa uu yahay mid aan sidaas aynu xusnay ahayn, sida oo kalana waa in uu la socdaa dhaqanka carruurtiisa ka dhex socda, iyo sida ay ula macaamilaan carruruta kale ee facooda ah.

Waa in waalidku uu ilmaha ku tababaraa habdhaqanka fiican ee uu dadka kula macaamilayo, iyo sida ay tahay in uu u maamulo dareenkiisa cadhada.

Wax badan ka ogoow nolosha bulsho ee ilmahaaga

Si aad u fahanto sababaha raadka taban ku yeelan kara habdhaqanka ilmahaaga ee guriga ama dugsiga ama meel kasta oo marka uu joogo uu cawaandad samayeeyo, la xidhiidh waalidiinta carruurta uu ilmahaagu saaxiibka la yahay iyo macalimiintiisa iyo maamulka dugsiga.

Ogow in carruurta kale qudhoodu ay ficilkan u xoogsheegashada iskula kacaan? In saaxiibbadii qaar ka mid ahi ku dhaqmaan ama ilmahaaga qudhiisa ula yimaaddaan? Aad u faham cadaadisyada nafsadeed ee ilmuhu ka tirsanayo dugsiga ama macallimiinta? Ku dadaal in ilmahaagu uu qayb ka noqdo ciyaaraha, kulamada carruurta iyo hawlaha waxbarashada ka baxsan ee dugsiga bannaankisia ka dhacaya, si ay ugu suurtagasho in uu barto saaxiibtinimada, sida xidhiidhada cusub loo sameeyo iyo sida loo maamuli karo dabeecadaha kala duwan ee carruurta uu la macaamilayo oo dabcan mid dabeecaf fiican iyo mid dabeecada dagba ku jiri karaan.

Ku beer dareen naxariiseed

Ilmahaaga bar in ay qalad tahay in quudhsi iyo hoosayn uu u arko kala duwanaanshiyha dadka, haddii ay tahay isirka, diinta, muuqaalka, nooca shakhsiyadda qofka, ama saboolnimada iyo xaaladdiisa dhaqaale.

Waxaa fiican in ilmaha aad uga sheekayso raadka nafsadeed ee u xoogsheegashadu ay ku reebayso carruurta lagu samaynayo, iyo dareenka iyo afkarta dhibbaneyaasha.

Carruurtaada bar xirfadaha xidhiidhka fiican ee bulshada

Mararka qaarkood cawaandadda waxaa iilmaha ku dhiirriya ilmaha oo aan lahayn xirfad gaar ah ama awood uu cadhadiisa ku xakamayn karayo. Dhaqankani waxa uu jawaab u yahay ilmaha oo awoodi kari waayey in uu la qabsado xidhiidhka bulsho ee dadka ku xeeran, isla markaana uu xakamayn kari waayey loollanka isaga iyo carruurta u dhexeeya oo ay ahayd in aanu gacan ka hadal gaadhin. Sababahana waxaa ka mid noqon kara mushkilado la xidhiidha kalsoonida nafta oo ka luntay iyo dareenkii ammaan oo ka maqan.

Sixitaanka qaladaadka

Marka aad ciqaabto ilmahaaga ficilkan u xoogsheegashadak u kacay, waqti kaddib marka uu xasilo u sharrax in waxa dhacay uu ahaa qalad sidaas awgeed ay waajib tahay in uu saxo. Bar ilmahaaga in uu raalligeliyo ilmaha uu ficilkan kula kacay, laakiin xorriyad u sii in uu isagu doorto habka uu u raalligelinayo, toos ama taleefanka oo uu kala hadlo midka ay la tahay in uu samayn karo. Sida oo kale ku dhiirrigeli in uu hadyad u qaado carruurta saaxiibbadii ah oo uu ku jiro qofkii uu ficilkan kula kacay.

Ilmahaaga oo aad arrintan si toos ah ugala sheekaysataa waxa ay kaa caawinaysaa in aad fahamto sababta, laakiin haddii aad aragto in ilmahaagu aanu sababaha arrintan ku riixaya sharrixi karin, ama uu weli yahay ilmo da’ ahaan yar oo aan si maangal ah uga hadli karin, waxaa waajib noqonaysa in aad u tagto dhakhtar takhasus ah si uu qiimeeyoxaaladda ilmaha ee maskaxeed iyo nafsadeed labadaba.

Xogo muhiim ah

Adduunka afartii carruur ah ee kasta mid ka mid ah ayaa ay ku dhacdaa u xoogsheegasho iyo cawaandad kaga timaadda faciisa. Xaaladdan oo muddo dheer ku socotay awgeed waxa ay carruurtan ku keentay xaalado nafsadeed oo qaarkood in ay is dilaan gaadhay.

Shantii carruur ah ee kasta mid ayaa qirtay in uu u xoogsheegtay ama fal cawaandad ah kula kacay ilme faciisa ah.

Boqolkiiba 8 ka mid ah carruurta ku dhaqan dalalka kala duwan ee adduunka ayaa qiray in ugu yaraan bishii ay hal mar dugsiga uga maqnaadaan baqo ay ka qabaan in carruurta dugsiga qaar ka mid ahi u xoogsheeganayaan awgeed.

Boqolkiiba 43 ka mid ah ardayda dunida ee sahaminta lagu sameeyey ayaa qiray in ay ka cabsi qabaan tacaddiyo jinsi oo lagula kaco marka ay suuliga dugsiga tagaan. Dhammaad

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Facebook: Marjaan Media

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *