Maahmaah Soomaaliyeed baa tidhaahda: “Dayaxa haddii la waayo, xiddigahaa lagu gudaa.”
Haddii aad heli karayso wax ku gaadhsiiya halka aad hiigsanayso, dhibba aad ku gaadhide, uma baahnid innaad uga baaqato sugidda wax raaxo kugu gaadhsiiya oo aanad gacanta ku hayn. `Sida aad rabto hadday kuu noqon wayso, sida ay ka fursan wayso ayaa la yeelaa.`
Haddaad rabto in aad wax barato, aadna jeclaan lahayd innaad ka qalin-jabiso jaamacad Yurub ama Maraykan ku taalla, laakiin aadan hadda heli karaynin, wax ka baro midda kaa ag dhaw ee aad heli karayso. Inaad wax filato ma xuma, waxaa se xun innaad wakhti isaga lumiso sugidda wax aadan ogayn goorta aad heli doontid.
Haddaad jeceshahay innaad wax qorto, laakiin aadan haysan teeb ama koombuyuutar aad wax ku qorto, qalinka iyo warqadda ku ciil bax oo riyadaada ku hir-geli.
Haddaad jeceshahay gaadhi aad leedahay inaad shaqada ku aaddo, laakiin aadan hadda gacanta ku hayn, waxa kaliya ee aad heli kartaana yahay bas, baskaa ku aad inta aad gaadhi ka helayso. Haddaad baskaba waydo, ase aad heli karayso baaskiil, baaskiilkaa ku aad, haddaad baaskiilka ba xitaa waydo, lugahaaga ku ciil bax. Marnaba, waxa aadan hayn ama aadan heli karayn haku sugin fadhi, ku sug wax alle iyo wixii kalee aad heli karayso.
Waayo, qofku wuxuu haystaa waqti kooban. Hadduu sugo waxa aanu hayn, waxa uu heli karana ka faa’iidaysan waayo, waxaa halkaa ku lumaya cimri, maalin aan maanta ahaynna qoomamadeedu dambayso.
Gabyaagii Soomaaliyeed wuxu yidhi:
Rag haddaad collowdaan ciidanse u waydo
Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa kuu cawo adduuna
? Mubarak Hadi