Dawada Maskaxdu Waa Akhriska , Qorida & Jimicsi

Cilmi baadhis cusub oo laga soo saaray dalka Mareykanka ayaa ku talinaya, akhriska, qorista iyo maskaxda oo hesha firfircooni in ay u wanaagsan tahay caafimaadka qofka ayna meesha ka saaraan maskaxda shaqadeeda in uu gaabis ku yimaado.

Daraasaddaan oo uu daabacay Wargeys caan ah oo inta badan baahiyo arrimaha caafimaadka gaar ahaan dhanka maskaxda, waxaa ay muujinaysaa (daraasadda) qofka weyn xusuustiisa in ay yaraan karto 48% — waa hadii aqriskiisa uu yaraado.

Seynisyahanada soo saaray daraasaddaan, waxaa figrado kala duwan ay ka uruuriyeen 294 qof; waxaana la ogaaday caafimaadkooda in uu wanaagsan yahay.

Dadka daraasaddaan laga diyaariyay, waxaa badan wax aqriskooda iyo qoristooda iyadoo intaa ay u sii dheer tahay waqtiyada qaar jimicsi in ay sameeyaan taasoo keentay caafimaadka maskaxdooda in ay wanaagsanaato.

Daraasaddaan ayaa waxaa ay xustay, caafimaadka maskaxda oo aad u wanaagsanaata in aysan ku xirneyn da’a qofka. Taasoo la micno ah qofkasta oo doonaya maskaxdiisa caafimaakeeda in uu xaqiijiyo waxa uu u baahan yahay in ay yihiin aqrin, qoris iyo jimicsi badan.

Natiijada laga faa’iday daraasaddaan ayaa waxaa ay tahay qiimaha weyn ee ay maskaxda u leeyihiin aqriska, qorista iyo jimicsiga; iyadoo ay muujinayso (daraasadda) qatarta ay wajahi karaan dadka aan daneyneynin xaaladahaasi isla markaana xusuus ahaan ay ka yar yihiin 48% dadka kale, sida lagu sheegay daraasaddaan.

Darasaadkan waxa soo diyaariyey Mowliid Sheekh Maxamed (Urur) oo ka sameeyay barnaamij.

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *