Danayste Dayacan..!!

danaysteMeel walbo waxaa ka muuqdo nin naag ku danaysanayo. Waaba yaabaye ninka soomaliga ah in uu wax ku daneesto maahane iskiis wax uma soo saaran karo miyaa?
Tan iyo colaadaha guracan markay ka dilaceen cariga Somalia 90-adii waxaan dhegteyda ku soo dhacayso nin soomaliyeed oo dantiisa ku raadinayo waji kala duwan oo aad u foolxun.
Wajiyadaas waxa ka mid ah oo aan ilaa iyo hada xasuustaa:

Abaabul dagaal iyo jabhadayn
Isku dirida beelaha somaliyeed
Dagaal la galo oo aan sal iyo raad leheeyn
Dumar la qixiyo la kufsado lana halaago
Ilmo la colaad geliyo loogana tago qoryo culus gacmahoda

NGO la soo xiro lacag lagu cuno sawiro been ah na la tuso
Dumar la soo qaldo lana soo tahriibiyo
Wadan aan la jecleen oo malin walbo dhinac laga gubaayo
Hooyoyin somaliyeed oo cayr tuugsada la leeyahay inta ilmo lagu raro
Naago inta wadamadooda loogu tago hadana paspoor awgiis loo guursado
Naceeyb nabadeed iyo marqaan non stop ah
Hawo badan iyo hagar badan
Wadan barwaaqaa iyo gacan hoorsi
Nin dhul dadoow dabaqyo ka dhisayo kiisana duminayo
Nin bangiyo dadoow buuxinayo kiisina babi’inaayo
Nin beel hogaaminayo oo aan balayadana ka dhowreyn
Nin beernaxo laheen oo dad bireynaayo
Nin aan bani aadam eheen oo diintiisa, dalkisa iyo dadkiisa iibinayo

Iyo waxyaabo badan oo aanan soo koobi karin.

Walalayaloow waxaan is waydiiyay nimanka soomaliyeed badankoodu mexeey dan ugu maleeyaan wax aan dugsi u noqoneyn?
Aniga waxaan u bixiyey raga malin walbo u maleeyo in ay dantooda gareen waxyabaha la la yaabana ku dhaqmo ‘Daneeste dayacan’.

Halaha khayaamo ay ku mashquulsanyihiin oo ay dhib iyo baba qoys, qaran, maal, sumcad, naf, dal, iyo karaamo u waynayaan.
Waxa u dhaanto in ay is dhafaan.

Soomalida waxay ku mahmahdaa ninkii is sharfo aa shariif ah. Hadaadan sharaftada dhowran, dadalkaas iyo qayaamadas dhan wexey maalin malmaha ka mid ah noqonee; hal bacaad lagu lisay.
Somalida waxay tiraa ,’dhar aadan lehen iyo dhul aadan leheen dhaxan makaa celshaan’
Fiican Omar

Check Also

khilaaf, isfahanka lamaanaha,

6 Qaab Oo Ninku Ku Xalin Karo Isfahmi-Waaga U Dhexeeya Isaga Iyo Xaaskiisa

Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *