Daawada Dabiiciga Ah Ee Qoor Xanuunka Iyo Kogitaanka Muruqa Garabka (Cervical Spondylosis)

qoor xanuunka

Haddii qoorta, kalxanta korkeeda, garabka gadaashiisa illaa gacanta aad ka dareemaysid xanuun iyo daal joogto ah, mararka qaarkoodna in laguu masaajeeyo ama laguu riixriixo aad ku nafisaysid waxaad ogaataa in neerfaha surka mara ay cillad kaa haysato, waana arrin bulshada ku badan laakiin aan lagu baraarugsanayn.

Cilladaan caafimaad ahaan waxaa loo yaqaannaa “Cervical spondylosis” ama “Neck arthritis” waa sida xanuunka riixa oo kale oo qoorta gala. inkastoo ay cilladaan da’da la xiriirto oo ay timaado qofka marka uu duqoobo, haddana waayahaan dambe dad badan oo dhalinyaro ah ayaa la dhibaataysan.

Xanuunka cervical spondylosis wuxuu burburiyaa ama dillaac u yeelaa seedaha yaryar ee qoorta isku hayo. Sidoo kale wuxuu baaba’iyaa lafaha oo wuxuu u yeelaa dildillaacyo. Waa xanuun marka hore ka bilowda lafaha qoorta.

Murqaha qoortu waa kuwo aad muhiim u ah, maadaama ay dhaqaajiyaan madaxa. Murqahaan ma ahan keliya inay madaxeenna kor u qaadaan balse waxay kaloo caawiyaan neefsashada iyo in qulqul wareegga dhiiggu uu gaaro maskaxda.

Sababaha xanuunkaan keena waxaa ka mid ah cayilka badan, jimicsi la’aanta, dhaawacyo hore, iyo dhaxal.

Hadaba waxaan halkaan idin kula wadaagaynaa habab fudud oo dabiic ah oo lagula tacaali karo loogana hortegi karo xanuunka qoorta iyo murqaha garbaha:

Duub kulul iyo mid qabow (hot and cold compress):

Waa mid ka mid ah hababka ugu fudud ee looga hortago qoor xanuunka. Duub kulul iyo mid qabow oo la isticmaalo waxay kordhinaysaa qulqul wareegga dhiigga ee qoorta waxayna dejinaysaa murqo xanuunka. Sidoo kale duubka qabow wuxuu yareeyaa bararka iyo xanuunka.

Jimicsi joogto ah:

Jimicsi la’aantu waxay ka mid tahay sabaha ugu waa wayn ee keena xanuunka joogtada ah ee qoorta. Jimicsi la’aanta iyo fadhiga badan waxay keenaan kogitaanka murqaha qoorta iyo garbaha u dhexeeya. Jimicsi joogto ah oo la sameeyo waxay ka hortagtaa xanuunka qoorta iyo garbaha.

Toonta.

Toontu waa dawo dhireed awood badan, waxaa ku jira walxo liddi ku ah hurka, waxay yaraysaa bararka murqaha qoorta. Waxay daaweysaa astaamaha xanuunka qoorta iyo murqaha garabka waxayna yaraysaa hurka ama balbalka. Dhowr oo gabal oo toon iyo hal qaado malab ah ayaa la isku cunaa subixii. Sidoo waxaad isku kululayn kartaa dhowr xabbo oo toon ah saliid qumbe. Marka ay xoogaa qaboobaan ku daliig murqaha qoorta iyo garbaha.

Miisaan dhimista:

Waa fikrad fiican inaad miisaanka iska dhinto haddii aad la dhibaataysan tahay xanuunka cervical spondylosis islamarkaana aad tahay qof buuran. Miisaanka oo la iska dhimo waxay cadaadiska ka yaranaysaa qoorta.

Milixda epsom:

Milixda waxaa ku jira walxo liddi ku ah hurka, taas oo ka dhigaysa dawo guri fiican oo dejisa qoor xanuunka hoosna u dhigta balbalka si dabiici ah. Waxaa ka badan macdanta magnesium oo nidaamisa heerka pH jirka hoosna u dhigta xanuunka iyo bararka muruqa dillaacay. Si aad u dejiso calaamadaha cillada cervical spondylosis, keliya waxaad u baahan tahay inaad ku qubaysato biyo diirran iyo milixda Epsom.

Sanjabiisha:

Sanjabiishu waxay daawo u tahay Jir ololka, xaglo xanuunka, bararka iyo murqo xanuunka. Cunnada ayaad ku darsan kartaa sanjabiisha, ama shaaheeda ayaad cabbi kartaa, ama saliideeda ayaad ku daliigi kartaa qoorta iyo garbaha. Waxay kordhisaa qulqul wareegga ee qoorta waxayna yaraysaa xanuunka.

Huruuda:

Huruudu waa daawo kale oo caawisa yaraynta xanuunka cervical spondylosis. Waxay kordhisaa qulqul wareegga dhiigga, waxay hoos u dhigtaa xanuunka iyo bararka.

Saliid macsarada:

Saliidaan waxaa laga helaa magnesium, calcium iyo macdano kale oo muhiim ah oo ka qayb qaata fayow-qabka murqaha, lafahana adkeeya. Saliid macsaro diirran oo lagu daliigaa waxay caawisaa yaraynta xanuunka qoorta iyo aagga garabka.

Khalka tufaaxa:

Khalka tufaaxa waxaa ku jira walxo isku dheelitira aashitada, kuwaas oo soo celiya heerka heerka pH-ka murqaha, xanuunkana yareeya. Khalka tufaaxu wuxuu caawiyaa dejinta murqaha iyo kaar jebinta.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *