Cuntooyinka Lagu Cayilo Ee U Fiican Dadka Doonaya In Miisaankooda Ay Sare U qaadaan

Waa kuwee cuntooyinka lagu cayilo?

In kasta oo ay dadka badankoodu ku mashquulsan yihiin sidii ay cayilka iskaga ridi lahaayeen si ay u dhuubnaadaan, haddana waxaa jira dad raadinaya qaabab caafimaad leh oo ay miisaankooda ku kordhin karaan. 

Caatanimada badani waxay u daran tahay caafimaadka kamana khatar yara buurnida. 

Sida ay daraassaadku tilmaamayaan, celcelis ahaan ninku wuxuu u baahan yahay 2000 illaa 3000 oo calories ah maalin kasta, halka haweeneydu ay u baahan tahay 1600 illaa 2400 oo calories ah maalin kasta. 

Haddii aad qorshaynayso in miisaankaaga aad kordhiso, waxaad u baahan tahay inaad cabirkaas ka badiso oo aad ku darto qiyaas ahaan 500 oo calories oo dheeraad ah maalin kasta. 

Erayga “calories” waxaa loola jeedaa cabirka tamarta Alle ku abuuray cunno kasta. 

Hadaba Daryeel Magazine oo aaminsan in caafimaadku uu yahay aasaaska nolosha wuxuu halkaan idin kugu soo gudbinayaa cunnooyin dabiici ah oo aan caafimaadka wax u dhimayn oo lagu kordhin karo miisaanka.

Cuntooyinka lagu cayilo

Subagga lawska: 

Subagga lawsku wuxuu aad faa’ido ugu leeyahay caafimaadka, waxaa ka buuxa barootiin iyo faytamiinno. Sidoo kale, Waxa uu qani ku yahay tamar taas oo caawisa dhisidda murqaha jidhka. Waa mid ka mid ah cunnooyinka ugu caafimaadka badan ee ka qayb qaata kordhinta miisaanka iyo dhisidda murqaha.  

Isticmaal subagga lawska xilliga quraacda si aad hab caafimaad leh ugu kordhiso miisaankaaga. 

Ukunta: 

Ukunta waaa laga helaa barootiinta noocyadeeda ugu tayada fiican, waxay qani ku tahay faytamiinno iyo macdano, waxayna si caafimaad leh u dhistaa murqaha. Cunista labo xabbo oo ukun ah subax kasta waxay jidhka siinaysaa tamar ku filan maalintii oo dhan. 

Lawska: 

Lawska waxaa ku jira macdano iyo faytaamiino kala duwan oo jirka bini’aadanka faa’ido ugu jirto, qofka wuxuu ka helaa tamar badan. Waxaa kaloo lawska laga helaa dufanno caafimaad leh iyo barootiin, waana cunno fudud oo si caafimaad leh loogu cayilo. 

Caanaha:

Caanaha oo si joogto ah loo cabbo, waxa ay si caafimaad leh u dhistaa murqaha. Waxay hodan ku yihiin barootiinno, kalsiyaam iyo kaarbohaydaraytyo caawiya kordhinta miisaanka. Dufannada iyo barootiinnada ku jira caanaha waxay caawiyaan dhisidda murqaha. Sidoo kale, caanaha waxaa ku jira labada barootiin ee “casein” iyo “whey” ee miisaanka kordhiya.

Afakaadhada: 

Midhaha afakaadhadu waxa ay hodan ku yihiin dufanka faa’iidada u leh jidhka iyo kalooriyada. Waxaa kaloo ku jira barootiinno murqaha dhisa. Afakaadhada cabitaan ayaa laga dhigan karaa, aansalaatada waa lagu darsan karaa, roodhidana waa la marsadaa 

Badarka: 

Badarka waxaa ka buuxa Kaarbohaydareetyo, faybar iyo barootiinno, cunista badarka oo la joogteeyo waxay kordhinaysaa miisaanka waxayna dhisaysaa murqaha si dabiici ah. 

Ku dedaal cunista badarka sida qamadiga, galleyda iyo bariiska bunniga ama kafeega ah. Sidoo kale, roodhiga laga sameeyay qamadiga waxa uu caawiyaa sare u qaadiska miisaanka. 

Baradhada: 

Baradhada waxaa ku badan kaarbohaydareetyo caawiya dhisidda murqaha si dhaqso ah. Waxaa kaloo ku badan barootiin, faybar iyo fitamiin C. 

Hilibka xoolaha: 

Waa il hodan ku ah barootiin, cunista hilibku waxay caawisaa dhisidda murqaha iyo sare u qaadista miisaanka. 

Kalluunka tuunaha: 

Kalluunka nooca tuunaha ee fresh-ka ah waxaa ka buuxa barootiin iyo dufanno muhiim u ah habsami u shaqaynta jidhka. Cunista Kalluunka tuunaha oo la joogteeyo waxay si fudud oo caafimaad leh u kordhisaa 

Midhaha sabiibka: 

Sabiibku wuxuu si caafimaad leh u kordhiyaa miisaanka qofka, wuxuuna siiyaa tamar badan maadaama ay ku badan yihiin sonkorta “Fructose” iyo “Glucose” oo tamar badan laga helo, waxaa kaloo ku jira barootiin iyo faytamiinno kala duwan kuwaas oo u fiican kobcinta murqaha jidhka. 

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *