Cuntooyin Ay Qalad Tahay In Tallaagadda Lagu Keydsado Iyo Sababta Diidaysa

talaagada,

Dad badan ayaa tallaagadda ku kaydsada cuntooyinka ay uga baqayaan in ay xumaadaan, gaar ahaan xilliyada kulaylku badan yahay iyo bisha Ramadaanka oo cuntooyinka aad loogu gurto tallaagadaha, laakiin xeeldheerayaasha dhinaca nafaqaynta iyo waxtarka cuntadu waxa ay ka digayaan in tallaagadda lagu rito noocyo ka mid ah cuntada.

Qormadan oo aynu ka soo xiganay warbaahinta Russia today, waxa aynu ku soo bandhigaynaa qaar ka mid ah cuntooyinkaas lagu talinayo in aan tallaagadda lagu kaydsan:

Muuska:

Culimada Saynisku waxa ay sheegeen in heerkulka aadka u hooseeyaa (Qabowga aadka ahi) uu dilo ama yareeyo qaar badan oo ka mid ah faa’idooyinka caafimaad ee uu leeyahay.

Basasha:

Qabowga badan ee tallaagaddu waxa uu dedejiyaa in basasho dhaqso u burburto ama xumaato, sidaa awgeed talada ugu fiicani waa in lagu kaydiyo meel hawada u furan, iyada oo laga taxaddarayo in diirkeeda laga dhilo marka aan isla markaa la isticmaalayn.

Barashada:

Sida lagu ogaaday xog ururin cilmibaadhiseed oo laga sameeyey beeraleyda degmada Alberta ee dalka Canada, waxaa habboon in baradhada lagu kaydiyo meel heer-kulkeedu hooseeyo oo qallalan, isla markaana madow ah oo iftiinku aad ugu yar yahay. Sida la og yahayna tallaagada qabowgeeda waxaa wehehliya qoyaan ku samaysma shayga, taas oo aan u fiicnayn baradhada. Marka dhinaca caafimaadka laga eegana baradhada waxaa ku jira sonkor dabiici ah, taas oo sababta in Carbohydrate ka Guluukoosta leh ee baradhada ku jirtaa ay dhaqso isugu beddesho sonkor.

Sidoo kale waxa ay baadhistani ka digtay in baradhada lagu kaydiyo kiish bac (Plastic) ka samaysan, balse ay sida saxda ahi tahay in lagu kaydiyo kartoon warqad qaro leh ah oo leh daloollo hawo fiican uu ka heli karo.

Toonta:

Toonta oo tallaagadda lagu ridaa waxa ay keentaa in ay hoosta ka burburto, in kasta oo dusha sare aanu muuqaalka qaabkeedu isbeddelin.

Afakaadho:

Afukaadhada oo aan dalkeenna ka bixin, laakiin muddooyinkan dambe isticmaalkeedu ku soo badanayo ayaa ay khubaradu sheegeen in qabowga badan ee tallaagaddu uu hor istaago in ay iskeed u dhamaystirato wixii bisaylkeeda ka dhinnaa marka la soo gooyey, maadaama oo marka ugu haboon ee bisaylka midhaha la garan karin, waxaa muhiim ah in la ogaado in marka midhaha la soo gooyo ay badankoodu iskood u sii dhammaystirtaan wixii yar ee ka dhinnaa bisaylkooda, taas oo dhici weydaana waxa ay yaraynaysaa waxtarkii midhahani caafimaad ahaan ay lahaayeen.

Khubusta:

Roodhida, laxooxda, khubusta diyaarsan iwm ah waxaa ku jira dareere dabiici ah oo ka ilaaliya in ay dhaso u qallafto, laakiin haddii tallaagadda lagu rido dhaqso ayaa uu dareerahaasi u qallalaa kadibna cuntadu isu beddeshaa qallaf.

Bunka:

Midhaha Bunku waxa uu u baahan yahay in lagu hayo meel qabow, iftiin aan lahayn oo madow isla markaana qallalan, taas oo u ilaalinaysa dhadhanka iyo urta fiican ee bunka, haddaba haddii aad bun badan oo aanad isticmaalin haysato, waxa aad ku haysataa kiish si fiican u xidhan, laakiin ka ilaali tallaagadda.

Tamaandhada/yaanyada:

Tamaandhadu marka tallaagadda lagu rido waxaa is beddela dhadhankeeda fiican, sidoo kale qabowga badani waxa uu hor istaagaa in ay dhamaystirato wixii bisayl ahaan uga dhinnaa, taas oo haddii ay dhamaystirmi lahayd sii wanaajinaysa faa’idooyinka caafimaad ee tamaandhada iyo dhadhankeeda.

Malabka:

Malabka haddii lagu shubo weel si fiican u xidhan sannado badan ayaa la kaydsan karaa, sidaa awgeed uma baahna in tallaagad lagu rido, waayo khubarada caafimaadka cuntadu waxa ay xaqiijiyeen in qabowga badan ee tallaagaddu waxa uu adkeeyaa midhaha (qururuxa) sonkorta ah ee malabka gudihiisa ku jira, oo marka aanu qaboobayn aan la dareemin, laakiin haddii kale sida ciidda noqonaya, cunistiisana dhib ka dhigaya.

Xabxabka/ qaraha:

Caadi ahaan xabxabku inta uu isku daboolan yahay ee aan la’ kala jeexin uma baahna in tallaagad lagu xafido, in lagu hayo meel heer-kulka qolka caadiga ah leh ayaa ku filan in ay u ilaalso maaddooyinka dabiiciga ah ee ku gudo jira.

Cilmibaadhiso kala duwan ayaana xaqiijiyey n xabxabka oo lagu kaydiyo tallaagaddu uu ku keeno in uu lumiyo qaar ka mid ah maaddooyinka ku jira ee faa’idada caafimaad u leh jidhka, maaddooyinka xabxabka ee ay tallaagaddu disho waxaa ka mid ah Beta-Caroline oo ah maaddada keenta midabkiisa casaanka ah iyo quruxda ay leedahay inta la cunayaa, marka uu qofku cuno ee jidhka ay gashana isu beddesha Faytamiin jidhka aad ugu fiican.

Saliid Saytuunta:

Saliid Saytuuntu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka aanay u fiicnayn in tallaagadda lagu kaydiyo, waxa aanay ka dhigtaa adayg aan fiicnayn.

Khudradda lafta adag leh:

Midhaha lafta adag leh ee uu ka mid yahay cambe Lafka/Maangaha ayaa iyagana haddii tallaagadda lagu kaydiyo waxaa joogsada dhamaysiranka bisaylkiisa oo sida caadiga ah iska socda xitaa isaga oo geedka ka soo go’ay, waxa aanay tallaagaddu dishaa curiyeyaasha iyo maaddooyinka cunto ee ku jira ee muhiimka u ah caafimaadka.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *